rashiid sulub
W/Q: Rashiid Sulub Caalin
Waxa jiray sida dadweynaha muslimka ah ay igala mid yihiin, in la hawaysto in la tago xajka intii aan hore u gudan waajibaadkaas. Aniga dhowr sannadood ayuu i dhaafay xajku oo aan qalbiga ku qabtay in aan tago. Waxa aan markii dambe ku xukumay naftayda in sannadka aan markaas ku jiray oo ahaa 2007 in ciddi iiga horrayn in aan goosto tigidhka iyo fiisihii la dalbanayey, Ilaahayna (SWT) wuu ii hirgeliyey qorshahaygaas. Imtixaanada Alleh oo iska badan awgeed dadkuna ay ka siman yihiin, ayaa waxa igu gadaamnaa dhowr xaaladood oo markaas igu adkaa, kana mid ahaayeen xannuunka macaanka iyo subagga-dhiigga oo la ii sheegay in aan leeyahay, maalmahaasna waxa la igu mudday irbado badhida labada salba la igaga muday, iyadoo dawada la igu muday oo la yidhaah diciefamac 50mlg ahayd mid aan dhakhtar ii qorin, balse aan u qaatay xannuun yar oo nacas ah oo igu qabtay meel aan fadhiyey, daaqadna u furnayd, kadibna jidhkayga waxa gali jiray qabow dhinacii daaqadda xigay oo kolba jidhkayga inta sare dhinac u wareegayey.
Hawlahaas oo igu gedaaman, ayaan haddana goostay in aan xajka u sii kaxeeyo habar-yartay oo reer miyi ahayd, da’deeduna ahayd 80 jir, oo musqusha dirqi lagu geeyo, iyadoo islaantaasi ahayd qofka keli ee ka nool reerka abtiga ii ah, anigoo marka aan dib u eego culayskii wakhtigaas aan iska saaray ay ii fududaan lahayd inuu qof kale u xajo iyadoo halkan iska joogta, waxayna tahay qadar Ilaahay oo qornaa inay xajka tagto, cid joojin kartaana aanay jirin.
Markii aanu gaadhnay maalintii Carafe oo sidii caadada ahayd la is raaciyey salaadii duhur iyo casar, marna la wada tukaday, waxa khudbaddii qaatay Sheekh Maxamed Cumar (Dirir) oo nagu guubaabiyey maalintaas la joogay xajka in Ilaahay la baryo in badan, waxaannu yidhi; ‘Ilaahay wax kasta oo laga baryo kii aqbalaya weeyi haddii uu isagu doono.’ waxana uu si adag nagula dardaarmay in xajkan imaanshihiisu ay dadka ugu kacday waqti iyo maalba, sidaas awgeed waxa uu yidhi ‘qof walowba wixii Alleh (SWT) raali aanu ka ahayn in aad faraha kala baxdo haddii ay dacarta ka qadhaadhahay.’ Sidaas ayuu sheekhu nagula dardaarmay, aniguna waxa aan u qaatay inuu arrin weyn yahay, una baahan in sidaas loo fuliyo, lana yaraysan dardaarankas.
Haddii aan u soo daadago arrinta i gubaysay markaas oo naftayda aan la doonayey in aan wax ka qabto, waxa ay ahayd aniga oo ka madax ahaa meel hay’ad ah oo aanu ka shaqayn jirnay amaahda fudud ee la siiyo dadka danyarta ah iyo kuwii qaxootiga ka soo laabtay iyo magaalada dhexdeeda kuwii ku baro-kacay. Nidaamka aan markaas u shaqaynaynay waxa uu ahaa tusaale ahaan qofka la amaahiyo lacag $100 (boqol doolar) in la dulsaari jiray 10% (boqolkiiba toban). Qofka markaas boqol doollar doonaya waxa la siin jiray $90 doolar, iyada oo lagu odhan jiray soo celi $100.
Kadib markii culimo badan Alleh (SWT) khayr ha siiyee wacyigalin badan ay ka sameeyeen arrinkaasi in uu ribbo sideedii ah yahay, ayaa haddana culimo kale ay iyaguna nagu odhan jireen ‘haddiiba boqolkiiba toban (10%) aad ka goosataan maaha ribbo, waayo waa khidmad yar oo kharashyadiina daboolaya sida mushaharka, laydhka, biyaha IWM.’ Soomaaliduna waxay tidhaahdaa ‘Duul culimo qasayso ayaan nahay.’ Halkaas waxa laga fahmi kartaa haddii ay ribbo noqoto arrinkaasi in aan anigu dusha u ridanayo dambiga shaqaalaha igala shaqaynayey iyo macaamiishii badneyd danbiyadoodii iyo waliba kaygiii, taasoo aan laga soo waaqsan karin dhibkeeda. Baadhis badan markii aan sameeyey waxa ii caddaatay siddeedaba in lacag la dulsaaro lacag ay tahay xaaraan maqdac ah oo ribbo ah, waxaannan maalintaas la taagnaa goobta Carrafo aan goostay waa sida uu sheekhu nagula dardaarmee in aan ka hadho ribadda, isla markaasna nidaamkii aan u shaqaynaynay u beddelno, kuna dhaqano nidaamyo ganacsi oo sida loo fulinayo ay fudud tahay, kana faa’iido badan tahay tii hore ee aan ku jirnay, isla markaana aan danbi-dhaaf Alleh (SWT) ku weydiisto goobtaas, iskana nadiifiyo wixii hawl ribo ku salaysan ee markaas socotay iyo kuwii dhammaadayba, taladaas oo Alleh (SWT) i waafajiyey oo aan ahayn ragganimo aan jeebka kala soo baxay, iyadoo kharashka aan xilligaas ku tagay xajku ahayd lacag nadiif ah oo aan ahayn tii wasakhda ahayd ee aan ka helay nidaamkii hore ee aan ku shaqaynayey.
Soo noqoshadaydii waxa aan u xaytay in aan barto nidaamyada islaamku oggol yahay (Islamic banking and finance), waxaanan dalbaday laba khabiir oo ajnabi ah, nidaamka islaaamkana aad u yiqaanay, markii aan arrintaas in badan gorfaynay waxa aanu qaadanay nidaamyada lagu shaqeeyo ee islaamiga ah. waxaana ka mid ah Muraabaxo, Mushaarako, Ijaaro iyo kuwo kale, halkaasna natiijada kasoo baxday ay tahay in kuwani ka faa’iido badan yihiin habkii hore ee aan ku shaqaynaynay, fulinteeda iyo xisaabaheeduna ka fudud yihiin kuwii hore.
Waxa kale oo aan arkay in Alleh (SWT) noo dajiyey qalbiyadeennii, oo aanu kuwada guulaysanay, shaqadayadii cusbaydna horumar weyn samaysay, sidaasna aan ku noqday ninkii ugu horreeyey ee soo bandhiga, kuna shaqeeya tijaabiyana amaahda islaamka ee aan kor ku soo sheegay, aniga oo aanay faan iga ahayn, ayaa qawaacida adduunkan ku taagan yahay waxa ka mid ah, in taariikhda unkamaysa la sheego, lana kala dhaxlo.
Natiijooyinkii aan ka arkay arrimahan aan kor ku xusay:
1. In bangiyo la furay waddankeena, oo ay qaateen nidaamkaas aan tijaabiyey ee aan hirgaliyey.
2. In Alleh (SWT) iga badbaadiyey dunuubta kuwooda ugu waaweyn oo ribbada ah sida ay culimadu yidhaahdeen ‘qofka ribada ku shaqaysta, qaatana in uu ka sii xun yahay qof hooyadii ka sinaystay.’
3. Alleh (SWT) inuu igu gargaaray gudashadii xajkii oo ahayd dhibaatooyinkii i soo maray kuwii ugu waaweynaa oo nabaradii badhida igaga yaalay inta ay barareen, dheecaanna ka daadanayo iyo in cunahaygii la xidhay oo xabeeb aanan lahaan jirin igu dhacday.
4. In Alleh (SWT) igu gargaaray in hooyaday 50 sanno horteed dhimatay aan u xajo oo nin sheekh ah aan $400 siiyey oo uu u soo xajiyey, halkaasna aan ku ogaaday in ay lacagtu gaadho asxaabul-qubuurta.
5. In markii aan ka imi xajka ay nabaradii i bogsadeen, xannuunkiina aan ka bogsaday
6. In markii ay ii socon wayday aan habaryartay tunka saartay, sidaasna aan xajka ku dhammaysanay.
Talo siin
1. In aan lagu degdeign qaadashada irbadaha oo mar walba dhakhtar lala tashado.
2. In xajka la tago ciddii uu waqtigu u saamaxayo iyaga oo xoog leh.
3. In dadka jilicsan loo soo xajo.
4. In ribada nooca ay doonto ha noqotee faraha lagala baxo, lagana cabsado Ilaahay (SWT) oo xeeladaysiga lagu bannaysanayo ribbada la iska daayo.
5. In maalinta qiimaha leh ee Carafo la taagan yahay, haddii aan Soomaali nahay aan iska dayno hadal faro badan iyo dhagaysiga idaacadaha dibada, taasoo kaa mashquulinaysa qiimaha ay leedahay baryada Alleh.
Tallooyinkaas aan bixiyey oo xagayga ka ah ugaadhsiga khayrka Alleh (SWT) gacantiisa ku jira ee ah wanaag-farista iyo xumaan-reebista, waxaanan rumaysanahay adduunkan aynu joogno ee ballaayooyinka aan hore loo arag dhacayaan ay keento ribbada iyo dhiigga muslimka ee maalin walba daadanaya oo qiil yar oo raqiis ah lagu fulinayo yihiin kuwa ina gubaya xagga dhaqaalaha, abaaraha, dhaqan-xumida iyo asluub-xumida, aqoonta oo aan midho-dhalayn, iwm, iyadoo kii wax haystay iyo kii aqoonta lahaa iyo kii madaxda ahaa iyo kii faqiirka ahaa ay wada dhibban yihiin, taas oo marag ma doonto ah.
Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Ilaahay (SWT) oo ii iftiimiyey arrintan aan idiin soo bandhigay, Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo fuliyey shaqadiisii ahayd inuu cilmigiisa dadka uga faa’iideeyo iyo dhakhtar xajka nala joogay oo i dhoweeyey oo la yidhaa Dr. Buuxane.
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:fatxisulub@gmail.com