G/Gurtida Jamhuuriyada Somaliland waxaa la Aasay sanadkii 1991 waxaanu lagu Aasasay Magaalad Burco, waa gole dhaqan balse door mihiim ka qaata hirgelinta iyo xalinta dhamaan khilaaf kasta oo dalkani ka dhaca, tan iyo la soo noqoshadii xoriyada jamhuuriyada somaliland 18 May 1991 waxaa golaha gurtida kaalin mihiima ka soo qaateen soo afajridii coladihii sokeye ee ka dhacay dalkani hub ka dhisigistii iyo soo xarayntii da’ yartii hubaysnayd ee xiligaa jirtay, waxay tiir mihiima u ahaayeen soo abaabulkii shirweynihii beelaha ee lagu dooran jirey madaxweynha dalka heshiisiintii beelaha wada degan ee dalka iyo hana qaadka hanaan dawaladnimo oo cid walba raaligelisa.

G/Gurtidu waxaa uu mar walba tiir dhexaad u ahaa xalaad kasta oo la gudbiyo oo saamaynteeda leh oo si nabad ah ku hirgeli jirtay sida samaynta nidaamka axsaabta badan iyo qabsoonkii doorashooyinka oo dalkani oo dalkani u gudbay kagana soo gudbay hab-beeleedka lagu dooran jirey madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba. Golahan odayaashu waa ka walaaleeyey beelaha wada degan dhulka somaliland una horseeday in bukshada Somaliland nabad waarta ku gaadho higsiga himiladeeda mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba, waana ta keentay in Somaliland noqoto goobta ugu xasiloon dawladaha geeska afrika oo aan wada ognahay dhibta iyo khilaafaadka ka dhex oogan gudahooda.

Dhismaha iyo wadarta Tirada Guud iyo xubno shaarafeedka Golaha Gurtida

Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Golaha Odayaasha, waa Qaybta 2aad ee Xeer-dejinta waxaanay dib u eegaan xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin. Maadama uu gole dhaqan yahay wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

Tirada xubnaha Golaha Guurtidu waa 82 (Iabba iyo siddeetan} oo iska dhex dooranaya Guddoomiye, laba Guddoomiye ku-xigeen iyo guddi hoosaadyo inta uu u baahdo.

Goluhu wuxuu yeelanayaa guddi joogto ah oo 25 (shan iyo labaatan) xubnood

Xiilli kasta waxa ku soo kordhaya tiro xubno sharaf ah oo kala ah:

Shan xubnood oo Madaxweynuhu ku soo xulo tilmaamo gaar ah oo ay Qaranka u yeesheen waxayna muddada xubinimadoodu la cimri tahay muddada xilka Golaha.

Waxaa iyaguna ka mid xubnaha ku soo kordha:

Qof kasta oo horay Guddoomiye uga noqday Golaha Guurtida ama Golaha Wakiilada.

Qof kasta oo hore Jamhuuriyada Somaliland uga soo qabtay xilka Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen. Xubno sharafku Golaha cod kuma leh; mana geli karaan Guddida Joogtada ah

Doorka Golaha Gurtidu ku leeyihiin Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland

Iyada oo aan La qiyaasi Karin miisaanka Golaha Gurtidu ugu jiraan Jamhuuriyda Somaliland oo aan odhan karno waa deeq ay Somaliland Dheer tahay Somali inteeda kale,

1. Golaha Gurtidu waa ta aynu ku kala badbaadno marka dalkani ay la soo deristo xaalad siyaasadeed iyo mid colaadeedba.

2. . Golaha Gurtidu waa aqalka ugu sareeya (upper house) waana marjaca ugu danbeeya ee lagu soo afjaro wixii khilaf siyaasi ah ee soo dhexgala xisbiyada qaranka iyo xukuumada talada markaa haysa

3. Markasta oo xaalad gaar ah oo aanay suurto gali Karin qabashada doorasho timaado waxaa dastuurka qaranku waajib ugu dhigayaa inay sameeyaan mudo kordhin sida ku cad dastuurka qaran Qodobkiisa 83 xubiintiisa shanaad.

4. Waxa kaloo Golaha Guurtidu sharcigu awood u Siiyey inuu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go’aana uga gaadho

5. Golaha Gurtidu waxaa kale oo uu xukuumada ka caawiyaa Arimo door ah oo ay ka mid yihiin Diinta, Nabadgelyada difaaca dhaqanka iyaga arinta la kaashanaya madax dhaqmeedyada beelaha dalka degan

Falanqayn Guud

Golaha aan soo tilmaanay waxqabadkiisa iyo saamaynta balaadhan ee uu qaranka ku leeyahay ayaa waxaa maalmahan danbe soo baxay shaqsiyaad raba burbur iyo daadifaynta go’aanada dastuurku u xalaaleeyey una gaar yeelay oo ah mudo kordhinta Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo golaha baarlamanka oo mudadeedu tahay sanad iyo toban bilood, waxaa wax lala yaabo ah aqbalaad mudo kordhinta komishinka oo ahsanad iyo mudada ay ku darsadeen xisbiyada mucaaridka ahi oo ah lix bilood in ay xisbiyada mucaaridka ahi aqblaan balse ay diidmo cad oo wada jir ah ka yeeshaan mudada golaha Gurtida oo sharciyan sax ah. Hadaba iyadoo xaaladu sidaas tahay ayaa suaashu waxay tahay cida manta diidaysa xiliga golaha gurtidu iclaamiyeen siduu u aqbali karaa hadii doorashada laga helo? Arintu si kasta ha ahaatee dalkani wuxuu ku soo caano maalay kuna soo gaadhay marxalada uu hada ku jiro isu tanaasil iyo aqbalaada iyo ixtiraamka go’aanada sharciga ah ee golaha gurtiu soo jeediyo

Hadaba si xeegana xeego u noqoto ilkana u badbaadaan waxaan axsaabta mucaaridka ah u soo gudbin lahaa in ay ka waantoobaan wax kasta oo umadan wada jirkooda iyo wada noolaashahooda dhaawacaya isla markaana amniga guud ee wadanka wax u dhimaya

Waxaa kale oo aan u soo jeedin lahaa in ay kala saaraan loolanka siyaasadeed ee xisbiyada ka dhexeeya iyo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland waayo waxaad arkaysaa xisbi leh Somaliland gurmad ayay u baahan tahay iyo wax la hal maala taas oo nacabka jecel burburka dalkan in ay u qaataan inay runtood tahay, iyada oo odhaahaha xisbiyada mucaaridka ah iyo shaqsiyaadka kale ee la hal maala marka laiski daro aad moodo in ay dantooda dhaqsiyadeed ka doorbidayaan danta qaranka iyo bulshada ay doonayaan in ay hogaan u noqdaan,shacbiguna mar walba waxa uu doorbidayaa ka dhawraya jiritaanka qaranka kuna jirto lexjeclo wadaninimo isla markaana leh qorshe cad sidii ay ku doorteen xisbiga hada talada haya ee KULMIYE oo bulshada u soo bandhigi jiray qorshe Hawleedkiisa marka uu xilka ku guulaysto taasina waa ta keentay in xisbiga talada hayaa markii uu ku guulaysto doorashada in dhamaan qorshayaashiisii u dejisnaa uu wada fuliyo oo hada dhamaantood la wada arki karo. Waxaan hada hadalkayga ku soo gunaanadayaa dalkani manta uma baahna cid wadankan u horseeda hadimo uu ka soo waaqsan waayo ,burbur ku yimaada hanaan dimuqraadiyadeed ee hada dalku ku talaabsaday iyo in Golaha lagu kala badbaado loo maleego shirqoolo horseeda burbur iyo tafaraaruq ku yimada Golaha Gurtida waayo ixtiraam la’aanta go’aanada Dastuuriga ahi wuxu sababayaa in dalku galo khilaaf shaarci hadii taasi dhacdana waxaa masuuliyadeeda dusha ku fuli doonta cida sababteeda keentay oo ah cida u hogaansami wayday isla markaana ku baaqaysa mudaharaad aan ujeedo cad lahayn balse cida ku baaqaysaa u aragto in ay dantooda dhexmarsato, hadaba xisbiga rabab dantiisa inu ku fuliyo hab aan xasilooni ku jirin ma noqon karaa mid danta shacabka u adeega dalkana horumar gaadhsiiya, dhiga qorshaha cidaan soo tilmaanay markaana ka nimaadno dalkani wuxuu u baahan yahay cid horumar u horseeda, cid shacabka Somaliland ku xukunta

cadaalad iyo sinaan waarta, cid ku hagta hanaan dalka iyo dadkaba u horseeda in shacabkani gaadho himiladu higsanayay oo ah in Somaliland ka mid noqoto dawladaha calaamka ictiraaf buuxana hesho.

Diyaariye: Abdillahi Faarax Tubeec

tubeec@gmail.com