Noolaha dunida waxeey jecelyihiin ama naftooda doontaa mar walba waa nabad! Qofkasta oo bani¨aadam ahi, wuxu ku nool yahay oo naf ahaan, shaqsi ahaan, maskax ahaan iyo jidh ahaanba ugu baahan yahay nabad iyo nolol weeye!. Nolol ma jireeyso hadii ay nabad jirin, nabadna ma jireeyso hadii aysan nolol jirin. Inay nabadu diinaar, Doolar qiimo dheertahay, Daafaha adduunyada, Dadka jooga idil baa, Doorkeeda sheegay.

Waxan halkan baaq nabadeed u dirayaa, beelaha walaalaha ee wada dega degmada Ceelafweyn, ilaahayna ku wada uumay deegaanka keliya ee is dhalay ee is ah. Waxan ugu baaqayaa iney xabadda joojaan. Waa iga dardaaran, weydin dambowdeen, xag alle ayeydin denbi ka gasheen, ilaahay u noqda oo toobad keen noqda.

YAA ALLAAH, YAA RAXMAAN, allow ugu bedel Nabad iyo gacaltooyo aan go`in!! Nabad nabad nabad nabad nabad!!!!! nabad nabad nabad nabad nabad!!! Aamiin

PROF. Mohamed Ahmed Farah Mataan
Kristiansand, Norwey.