Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Mon, May 4th, 2015

Dib u dhaca Doorashada Waxaa Iska Leh Komishankii Hore Iyo Xisbiga Wadani. By. Cali Xasan

qoraal
Somaliland waxay ahayd inay ka qabsoonto labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanku sanadkan aynu ku jirno badhtankiisa, balse waxaa ku yimi dib u dhac, iyadoo ay dhawaan soo saareen komishanka qaranku wakhtiga loo asteeyey qabashada diiwaan gelinta cod bixiyayaasha.

Waxaana halkaasi ka cad marka koobaad in dibu dhaca doorashada ay lahaayeen Komishankii hore oo noqday kuwo fadhiida, sidoo kale uu gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman ciro la seexday xeerkii doorashada isaga iyo xildhibaanada ay isku xulafada yihiin ee ku jira xisbigiisa, Cabdiraxmaan ciro isagoo ogaa inuu leeyahay eeda doorasahda uuna qeybta ugu wey ku leeyahay hadana inuu ku eedeeyo madaxweynaha iyo xukuumadiisa waa waxaan caqliga gelayn.

C.raxmaan ciro waxaan ogayn in tolaayey ay ka dhacday maalintii kurisgiisa la yaragil gilay lamina doonayn siday aniga ila tahay in laga qaado balse waxaa la eegaayey adkaysiga iyo go,aanka uu halkaasi ka qaato , jawaabtiina waxay noqotay inuu yahay nin jilicsan oo markiiba ku cararay “ Tolaay tolkayoow kursigii layga qaad” cidii ku dhimatay ama ku dhaawacan tahay iyo cidii ay dhibi kasoo gaadhayba danbigeed if iyo aakhiraba isagaa qaba, waxaana cadaatay inaanu ahayn nin qaran uu yahay nin qabiil.

Anigu waxaan qabaa fikir ahaan aaminsanahay dib u dhaca ku yimi doorashooyinka masuuliyadooda koobaad uu leeyahay Gudoomiye Cabdiraxmaan ciro oo la seexday xeerkii markii danbena qas iyo qalaan qal ku sameeyey xeerkii waxna ka bedelay wuxuuna ka dhigan yahay Hasha geela cunta ee Cabaada, waxaa taasi soo raaca eeda kalena waxaa komishankii hore oo iyaga xilkoodu ahaa inay hawsha isku duba ridaan xilkoodana gutaan balse way ku fashilmeen, Waxaa hubaala Madaxweynaha iyo xukuumadiisuba may noqonayn Komishankii manay noqonayn Baarlamaankii, xilkaas cidii gabtay waa is ogtahay waxba yaanay ka gal galan.
Cali Xasan
Calixasan806@gmail.com

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp