jaafaa
W/Qoray. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)
Waxanan u qalab qaataa wax akhris, wax qoris ama wax qabad.- Waa maxay wadaniyad, bal dib u jaleec hillinkii dheeraa ee xornimada iyo qaranimada loo soo maray, sidee shacabkayga loogu beeri karaa geedka wadaniyada ay lahaayeen Michael Mariamo iyo Anthony Mariamo, Ahmed Keyse, Sheekh Darwiish iyo Dube Cali yare, Waa dareen dal iyo dad jacayl ah oo qofka gudihiisa ilaahay ku abuuray. Dareenkaasi wuu kaxeel dheeryahay xaflado laqabto iyo heeso afka baarkiisa laga qaado. Waa shucuur iyo qiiro aad uqabto dalkaaga iyo deegaankaaga; waa damqasho iyo diirnax aad u hayso dadkaaga iyo duunyadiisa. Waa wel wel iyo walaac kusoo food-saara markastoo aayaha dalkaagu liito.
Sawir muuqda, laga soo bilaabo sooyaal taarikheedka dunida ilaa iyo maanta , oo aynu joogno dunidan hore u martay, dalalkii ay soo gumeysteen Ingiriiska iyo Taliyaanigu, Somaliland iyo Somaliya ba meel cidlo ah ayay uga tageen. Kadib 70-sano oo gumeysi qaawan ah, waxay labaduba ka guureen habeen madow iyagoo aan dugsiyo sare, jaamacado, macaahid, warshado iyo khibrad siyaasadeed midna ugatagin dalalkii ay soo wadda gumeysteen.
Shacabka reer Somaliland wuxuu lamid yahay ama lagga dugsan karaa, dhacdooyinkii ay soo mareen ee ay u kaceen rag halgamayaal ah oo wadaniyiin ah, una kacay sidey xoriyad buuxda iyo sharaf dadkoodu u heli lahaayeen, geesiyaashaa waxa ka mid ah Michael Mariamo iyo walaalkii Anthony Mariamo, Sheekh Darwiish, Ahmed Keyse, Dube Cali yare, iyagoo fahmay siyaasadda waqtigaa ee gumeystuhu Afrika ku maamulayey.
Dadka waxaan ugu dhago nugulahay ruuxii iiga sheekeeya badaha fanka iyo qiimaha ay waddaniyadu leedahay Marka uu qofkaasi I leeyahay: Dadkeennii maxaan u qabanay, maxaynuse uqaban karraa? Ayaan jidhidhicoodaa oo qolof wayni iga kacdaa, waxaana tin iyo cidhib I saaqda qiiro iyo qarraacan wada socda. Marka aanu sheeko dhamaysano ee uu ruuxaasi iga tago, waxaan dareemaa raaxo nafsadeed iyo laab furnaan.

Waa farxad iyo rayn rayn ku saaqda markasta aad aragto dadkaagii oo nabad iyo barwaaqo ku naaloonaya, waa dareen macaan oo ku hilmaansiinaya dawga qodxaha leh eed dul socoto lehna qabyaalada, kala qeybsanaanta iyo duruufaha nololeed ee kugu xeeran.
Prof. Mohamed Ahmed Farah

jaafaa66@yahoo.no
LONDON