“Doqonta Usha ka agjar Haday Kici Waydana Bogga u Gali”

Runtii Sida aynu la wada socono Somalia qarnigii Tagay Badhtankiisii Geeska Africa Cidi Kagama Daba Dhufan jirin , Talada iyo Siyaadaba .

waxay Awood Ciidan iyo Dawladeedba U lahayd inay Baadidoonto Qaybaha Hadhsan ee Dhulkii Somali Weyn Ka Maqnaa ,mudo 25 Sano ka dib iskadaa Somalia oo Dhul doontee intii Hadhsanayd ayaa loo soo Galay Saf .

Anigu shakhsiyan Muranka Badda ee Kenya iyo Somalia waxaan u Arkaa inay ka leedahay Laba Ujeedo:

1. In Murankani kenya iskaga ilaaliso in Mustaqbalka Lagu Qabsado Dhulkii NDF oo soomali soo Kacdo Mar dambe si ay taas u hor istaagto ayay Baddan Muran u Galisay, iyadoo u Soo Martay Rag Calooshooda U shaqaystayaala oo dadnimadii iyo Dal Jacaylkii Ka Dhintay iyagoo ku Badashay Lacag yar.

2. Inay Gacanta ku dhigto Shidaalka La sheegay inuu dhulkaasi ku jiro, oo sida xogo badan iftiimiyeen bogcadaasi kaydka shidaal ee ku jiraa uu ka badan yahay, ka wadanka norway oo dhan ku jira ku darso norway waxaa loogu soo halqabsaday ,waa wadanka ugu kaydka badan Qaarada Europe oo dhan.

Sidaasi darteed si ay uga hesho saami dhaqaale iyo mid shidaalba ayay u gashay,iyadoo arkaysa somalia inaanay ahayn Somaliyadii la yaqaanay ee damaca badnayd ,oo maskax ahaan dal ahaan iyo jidh ahaanba u dhimatay hada sidii ay isku eryanayeen iyagu .

Kenya iyadoo qorshayaasha wadata ayaa waxay samaysay Maamulka jubaland oo maanta iyadu gacanta ku hayso dunidu way is badashay somalia waxaa loo arkay wadan fashilmay khayraadna leh lana doonayo in laga faaidaysto oon Iyadiina Is Ogayn.

Hague iyo Kenya Maxaa Ka Dhaxeeya

Maxkamadan la sheego ee Hague sida aynu la wada socono waxay ku shaqaysaa dano siyaasadeed oo reer galbeed ku karbaashaan Badi Wadamada Africa iyo dalalka Islaamka, dhamaan dadka la soo taagay oo dhan waa africa

Hadaynu nidhaahno dee laba wadan oo africana ayay u garnaqaysaa oo cadaalad way keeni kartaa, anigu ma qabo waayo Danta kenya dunida Reer Galbeed ugu jirta siyaasad ahaan, awood ahaan iyo dhaqaale ahaan ayaa ka saamayn badan kan somalia.

Tusaale

Madaxwaynaha iyo ku xigeenka kenya Uhuru Kenyata iyo William Rutu , waxaa lagu soo oogay dambiyo dagaal iyo xasuuq dad loo gaystay doorashadii 2007, maxkamadu in badan ayay raadinaysay oo daba gashay ragan markii ay talada dalka kenya qabteena Maxkamadii way ka hadhay ,iyadoo dunida tusaysa inay ku wayday cadaymo ku filan sidaasna lagu laabay kiiskii.

Hubaal’li kenya saamayn ayay ku leedahay maxkamada Hague iyo wadamada Reer Galbeedka

waana ta keentay in waxbadan laga khafiifiyo lkin Cumar Al Bashiirka Sudan ilaa Hadda waa La Eranayaa oo somalia shirqoolkii loogu dhigayna wuu ka badbaaday.

Kiiskan Maanta ee Kenya iyo Somalia hadaynu u nimaadno

Horta kenya waxaa garab taagan oo hawshan kula jira wadamo badan oo norway ugu horayso iyadoo dagaalka bada somalia si dadban iyo si toos ahba ugu jirta.

Bal Fikir maanta oo Kenya kaa awood badan tahay, kaana siyaasad Wanaagsan tahay, Garab dhaqaale iyo Awoodeedna Garab Taagan yahay iyo Somalia oo kaligeed oo bilaa khibrad siyaasadeed iyo awood dal ahaaneedba aan lahayn oo Dacwada kuwada jira yaa libta la siinayaa ?

Kenya hada waxay ku doodaysaa waar aan heshiino oo wadahadalno waana dookha koowaad ee ay ka duulayso waxay ku fikiraysaa inay wadahadalka sidii hore ay uga baratay, Calooshooda U shaqaystayaashii dabinka u galay ee Lacagta Yar ku Badashay Badda iyo Masiirka Umada Somaliyeed ,oo kale inay hesho oo sidaa fudud hawsha ku dhamayso ,kuna qanciso lacag iyadoo cadaadis siyaasadeed iyo Mid dhaqaale saaraysa lana kaashaynaysa dawladaha hada dunida aan caloonkoodu dhicin.

Haday Taasi u socon waydo Maxkamadu sida somalida laga dhaadhiciyay iyo africaankaba go’aanka ay qaado qalad iyo sax hadal lagama soo celiyo sidaasna waa lagu ansixiyaa.

Hadaba Kenya oo aynu ognahay inay Awoodaa leedahay ,saamayna ku leedahay Maxkamada hadii si yar loogu xukumo ilayn hadal waa Gam’e Maxaa somalia la gudboon ,saw ciyaarta lagaagama guulaysan saw wado lagaa mamarin baddi indhahaago shan ah.

Ku Darso ragan somalia hada u taliya iyo dhamaan kuwa wada tartamaya oo dhan dalal ayaa wata oo ku duulaya, nin dal soo saartayna lagama yaabo inuu masiirka umada ka taliyo,waayo cadaadis ayaa saaran.

Hadii qofka si xor ah loo soo doorto isagoo madaxbanaan wax badan ayuu qaban karaa tusaalena waxaa kuugu filan madaxwayneyaasha somaliland iyo Puntland oo maanta leh awood gorgortan waayo waa dad iyagu isa soo saaray oon dawlado ku guurayn .

Guntii iyo Gabagabadii waxaan qabaa anuu:

I. In Somalia Dacwadan faraha kala baxdo lana sugto inta dalku dhismayo ee ciidan difaaca yeelanayo ,sidoo kalena go’aan kasta oo halkaasi ka soo baxa ay awoodeeda kaga jawaabi karto waxee dana dhicisan karto.

II. In Godobta Kenya waligeed somali la xasuusiyo si hogaamiye kasta oo qabtaa uu u ogaado in halkan qabyo lagaga tagay

III. In Dagaal Dublamaasiyadeed Lala Galo oo Qaadka laga joojiyo, iyadoo hadii somali ka maarmi waydo suuq kale lagu soo xidho sida yemen jaadkeeda

IV. In Ciidamada kenya ee somalia ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee la saarayo si dhaqaalaha ay ku qaadato nabad ilaalinta ay u waydo

V. In La Abuuro Jiil Si adag uga hadla dhulka somalia ee kenya ku maqan iyadoo dadka deegaankaasi iyo kan somalia jooga la kicinayo si baqdin iyo jaahwareer siyaasadeed loo galiyo

VI. In Wadamada sida dadban ula safan ee daaha dabadooda wax ka wada dhamaan xidhiidhkooda loo jaro hadii laga maarmi waayana culays la saaro

VII. In Somalia diyaarsato xulafo dan ka leh mandaqan oo dunida awood ku leh iyadoo aqoon iyo farsamo ku salaynaysa

waa hubaal intaasi hadii la helo in somalia saamaynteedii Geeska Africa soo Noqonayso .

Somalidu dhamaan meel kasta oo ay joogaan duruufo kasta oo siyaasadeed oo ku xeeran waa wajib in la garab istaago somalia iyadoo danta shakhsiga iyo gobolkaba meel la iska dhigayo, hadii kale waxaynu qaadi doonaa marka meelo kale laynaga qaado inagoo arkayna inaynu nidhaahno “shalay layma cunine maalintii kismaayo baddeeda la qaatay ayaa lay cunay ”

Ku Darsoo tani waa tijaabadii u horaysay ee somalida lagu tijaabinayay ,waa horay somalidu uga maahmaahday oo tidhi “doqonta usha ka ag jar haday kici waydana Boga U Gali” Markaa hadii tan layna marsiiyo.

Waa Hubaal Ethiopiana Inay Damaceeda soo kicinayso badna raadinayso iyadoo hore u lahayd istaraajiyad bad raadis

Waxaa Qoray: Maxamed Cabdixmaan Ibraahim

Email:dr.caafi10@gmail.com