Ilaa intii uu cudurka Koroonafayris “coronavirus” ama “2019-nCoV” ka dilaacay Dalka Shiinaha, waxa Dunida dhamaanteed soo foodsaartay cabsi ba’an oo ay kaga cabsanayaan cudurkan dilaaga ah ee sidda sahlan ku faafaya, cudurkan oo ah cudur asal ahaan ku dhaca xayawaanka, balse u soo gudbay Aadamaha.


Culimada ku tukhasustay cudurada faafa qaarkood waxay cudurkan ku xidhiidhiyeen asal ahaan inuu ka yimi shinbirta Fiidmeerta, inkastoo go’aan laysku raacay weli soo bixin.


Dhanka kale waxa laysku raacsan yahay in uu cudur xayawaanka ku dhaca oo Dadka usoo gudbay yahay, sifaha uu leeyahay cudurkani waa xumad ba’an, qandho, qufac, hiinraag iyo Neef qabad, waana cudur loo dhiman karo oo halis ah, waana cudur aan dhakhso loo ogaan isaga oo ruuxa uu haleelo soo rida mooyaane, waxaana laga kala qaadaa ku dhawaansho ruux qaba, qufac, hindhiso, neef, dhareer, duuf iyo candhuuf ku gaadha ama hawadu kuu keento, cudurkan sidday xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka Aduunku dadkii ugu horeeyey ee uu haleelay waxay ahaayeen shaqaalihii iyo dadkii ka ganacsanaayey ama booqday Suuqa la yidhaahdo “Huanan” ama Huunaan Cuntada-Badda ee Magaalada Wuhaan ee Dalka Shiinaha ku yaala, suuqan waxa lagu iibiyaa Hilbo xayawaan aad u tiro badan.

Haddaba cudurkani markii uu kumanaan qof ku dhacay boqolaal qofna ugu dhinteen Dalka Shiinaha una gudbay 15 Dal ayaa haayada caafimaadka Aduunku digniin kasoo saartay in aan loo safrin magaalada Wuhaan, inkastoo markii danbe raacisay Dalka Shiinaha oo dhan, si loo xakameeyo faafida cudurkan, iyadoo judhiiba dalal badani ka daad-gurteen muwaadiniintii ka joogay, iyagoo guryo Celintoodii goobo lagu baxnaaniyo ku xereeyey si haddii ay cudurka qaadeen aanu u faafin, waxayna qaateen digniintii socdaalka ee haayada caafimaadka aduunka kasoo baxday waxaana judhiiba joogsamay 59 duulimaad oo 44 Dal iyo Shiinaha iskaga gooshi jiray.


Sikastaba ha ahaatee waxa iska dhago maray digniintaa Dalka itoobiya oo duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee labada Dal u kala Socon jiray sii wada, talaabadan oo cabsi ku abuurtay dalal badan oo dunida ah oo diyaaradda itoobiya tagto, waxase hadda qaylo dhaantoodu isasoo taraysaa dalalka Afrikaanka ah ee aadka u adeegsada diyaaraddaha itoobiya ama siimara ee kusii hakada “transit” Dalkaas, waxaana durba lala xidhiidhiyey ruuxii ugu horeeyey ee Dalka Botuswana ” Botswana” laga helay ee cudurka qaba, kaas oo ah Arday Shiinaha ka yimid oo la socday Diyaaradda itoobiya.

Hadal iyo dhamaan Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka itoobiya waa labo Dal oo ood-wadaag ah oo leh xidhiidh ganacsi iyo xidhiidh duulimaad joogto ah, oo aad iskugu socdaala cir iyo dhulba, caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa waxa ay ka midka tahay goobaha sidda joogtada ah ay usoo cago dhigato diyaradda itoobiya markaa waxa haboon in muwaadiniinta adeegsada dayuuradaha iyo kuwa gaadiidka Dhulka ugu socdaala Dalka itoobiya la wacyi geliyo loona sheego walaaca lago qabo dalkaa iyo dayuuradaa dhagaha ka furaysatay digniintii caalamka, tahayna in laga taxadiro, si Allaba badane in lasii tabaabushaysto oo qorshe haddiiba, lagasii arinsadaa haboon tahay, Illaahay inaguma keenee waa cudur dunidii cabsi geliyey.

ha u duulina Shiinaha itoobiyan eirerlayn diiday! Derisna waanu nahaye Alow sahal amuuraha.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Wabilaahi tawfiiq

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com