By. Cabdirashiid Ibrahim Sheekh Cabdirahman

abdirashiidibraahimsheekhIn kastoo in badan oo Xisbigiisa ahi ka soo horjeedeen, haddana, Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka wuxuu ahaa mid xan-xantaynayay boogaha xanuunaya dadka cadaanka ah ee dalka Maraykanka oo isu arkayay kuwo dhibaatooyin badan lagu hayo. Dadka cadaanka ahi waxay aaminsanaayeen in 8 sanno uu xukumayay nid madow ahi oo haddana ollole ugu jira sidii uu guriga cad u keeni lahaa gabadh u jan jeedha dhanka dadka Madwoga ah – waxay cadeeyeen sidda ay ugu baahi qabaan isbeddel siyaasadeed iyo dhiig cusub oo aqalka cad ee Maraykanka gala. Waxay sidoo kale rumeeyeen sida ay u adag tahay in dalka Maraykanka ay hogaamiso Gabadh.
Haddalada hoose waa kuwii cajiibka ahaa ee Trump jeediyay muddadii uu ku jiray ololahiisa uu ku hantay kursiga ugu awooda baddan dalka Maraykanka. Donald Trump, billawgii ollolihiisa wuxuu yidhi; “Umma baahni lacagta qofnaba, waxaan isticmaalayaa lacagtayda. Qollooyinka kaambaynada sameeya ma isticmaali doonno. Qaadhaan bixiyayaasha maya, ma danneeyo – waxaan ahay Taajir” wuxuu intaas ku daray “Quruxda aan leeyahay waa in aan ahay Taajir. Haddii aan u baahdo $600 Million, anigaa isku filan. Aan kuu sheego eh waa darrajo weyn oo aan kaga horeeyo tartamaha kale”.
Madaxweynaha la doortay oo ka hadlayay siyaasadda iyo wakhtigan ayaa wuxuu yidhi “Dhibaatooyinka haatan ina haysta ayaa ah in siyaasadii ay noqotay ceeb, dadka wanaagsani ma galaan oo kama shaqeeyaan dawladda”. Mar uu siyaasadda Arrimaha dibadda ee ku wajahan ISIS ka hadlayay wuxuu yidhi “Waan aqaan shaqada aan ka qabanayo ISIS, waan aqaan sida miiska wadahadalka loo keeno, si looga adkaado ISIS – idiin sheegi maayo caawa sidaan taasi u samaynayo.”
Mar uu ku hadlay hadal saamayn weyn ku yeeshay daacad nimadiisa dhanka siyaasadda Arrimaha dibedda oo saamayn ku yeelan doonta sida loo aamini doono ayaa wuxuu ka hadlay Qaddafi oo xidhiidh dhex maray, wuxuu yidhi; “Waxaan la macaamilay Qaddafi. Waxaan ka kireeyey dhul yar oo uu ka bixiyay lacag ka badan qiimihii dhulka muddo 2 sannadood ah – dabadeed umaan ogolaan in uu isticmaalo dhulkii kaddib markuu lacagta bixiyay – waa wixii aanu samayn jirnay”. Waxaan u dhigay Faji (Screwed) – waa wixii aanu samayn jirnay”
Madaxweynaha la doortay mar uu ka hadlayay dadka Mexicaanka ah ee u soo haajiray dalka Maraykanka wuxuu yidhi; “Marka ay Mexico dadkeeda u soo dirto Maraykanka, ma soo dirraan kuwooda ugu fiican, waxay soo diraan kuwa dhibaatada badan. Waxay noo keenaan daroogooyin iyo dambiyo waaweyn” Trump, wuxuu intaasi ku darray; “Waxaan dhisi doonnaa gidaar weyn – qof na ma dhisi karo gidaar ka fiican ka aan dhisi doonno, gidaar weyn oo aan ka dhisi doono xadka koonfureed ee dalkeenna, waxaan ka samayn kharashka ku baxaya Mexico – qaata ereyadayda”.
Madaxweynaha xilka ka deggaya Barack Obama ma jeclayn Donald Trump. Madaxweynaha la doortay Trump, mar uu ka hadlayay xaqiiqnimada in Barack Obama uu yahay Ameerikaan wuxuu yidhi; “Ilaa xad illo lagu kalsoon yahay ayaa xafiiskayga soo wacay oo ii sheegay in shahaadada dhalashada ee Barack Obama ay tahay been-abuur.”
Xidhiidh wanaagsan ayaan la leeyahay dadka madaw. Caajisnimo ayaa mushkilad ku haysa ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay mar uu ka hadlayay madowga iyo aqoonta uu u leeyahay. Wuxu intaasi ku daray “Dadka madow lacagtayda ayay tirsanayaan. Waa necbahay. Dadka kaliya ee aan ogolahay in ay lacagtayda ku xisaabtamaan waa dadka yar ee gaagaaban ee ku labistay YARMULKES maalin walba – waa yuhuuda eh”
Trump, Mar uu ka hadlayay dadka Afrika wuxuu yidhi “Dadka Afrika qaarkood waa doqmo caajisiin ah, waxay ku fiican yihiin uun cunnida, samaynta jacaylka iyo xatooyada, eeg sida y dalkoodii u xadayaan”.
Madaxweynaha la doortay Donald Trump oo la hadlayay dadka reer Minnesota ayaa wuxuu yidhi “Minnesota waxa gaadhay dhib ku filan, in badan ayay cabatay, intaasi ayaa ku filan” wuxuu intaasi ku daray “Reer Minnesota waxad la kulanteen dhibaatooyin ay sababaeen qaxootiga badan ee Soomaalida ah ee imanayay gobolkiina idinkoon ogayn oo aan ogolaansho siin, wuxuu intaasi raaciyay; “Waxaan joojin doonaan barnaamijka qaxootiga Suuriya iyo qaxoonti kasta oo dadlka Maraykanka la keenayo oo aysan dadka goboladaasi ku nooli ogolaanshiyo siin si ka soo horjeeda qorshaha Hillary Clinton oo ah in ay u soo dhoofiso iskuuladiina iyo goboladiina dad argagixiso xag jiriin ah.
Markuu ka hadlayay dilalka ka dhaca dalka Maraykanka wuxuu yidhi; “Sida uu sheegay Bill O’Reilly, 80% dilalka ka dhacay New York waxa gaystay dadka Madawga ah – Haddii aad ku darto dadka Hispanic-ga ah waxay noqonayaan 98%, 1% ayaa dad ka cadaanka ahi ku lug leeyihiin”. Intii uu ollolaha ku jiray wuxuu si xun u weeraray dumarka caanka ah ee dalka Maraykanka, mar uu ka hadlayay gabadha Ariana Huffington wuxuu yidhi; “Ariana waa mid aan soo jiidasho lahay oo guud ahaan xun. Waxaan fahmayaa sababta odaygeedii uga tagay – go’aan fiican ayuu sameeyey.”
Donald Trump oo ka hadlayay hadaladiisa ayaa wuxuu yidhi; “Waxaan idhi hadalo badan oo doqoniimo ah, waxaad se ogaataan in faraq u dhexeeyo kalmadaha iyo waxqabadka dadka kale.”
Dadka Maraykanku waa hadleen waxanay doorteen Donald Trump. Madaxweynaha la doortay ee dhaarinta sugaya Donald Trump wuxuu dunida tusay in ay wax waliba suurogal yihiin, wuxuu muujiyay in dunida uu ka dhici karo Brexit kale. Trump wuxuu ka shaqayn doonnaa in uu dalka Maraykanka ka dhigo mid wanaagsan.
Tixgalin
Cabdirashiid Ibrahim Sheekh Cabdirahman