saxafada

Saxaafada iyo Somaliland

Waa ilaah mahadii mar hadii saxaafadii Somaliland maanta yeelatay madaxbanaani xuduudka dhaaftay oo shaqsi kastaaba cabiri karo fikirkiisa, waase dadaal iyo horumar loo qaaday dhanka hanaanka dimuquraadiyada.

Heerka madaxbanaanida ee saxaafada Somaliland waa mid gaadhay heer aanay wali gaadhin wadamo badan oo ka mida qaarada Afrika, gaar ahaana inta aynu xayndaab wadaagno ee bariga Afrika oo ay ka jirato saxaafad tiro iyo tayo yar.

Tusaale waxaa inoogu filan wadamada Jabuuti iyo Itoobiya oo aad ogtihiin inta saxaafad ka jirta iyo taariikh ahaan inay yihiin wadamo guun, gaar ahaan dalka Itoobiya.

Kama jiraan saxaafad xor ah, xarumo warbaahineed oo ka jira haba sheegin, waxaa meesha xataa ka baxay shaqsiyaadkii madaxa banaanaa ee ku abtirsan jiray saxaafada, taas macnaheedu maaha waxaan jirin cid saxaafad ku shaqaysa oo dalkaas ku yar, laakin waa xeerar iyo qaynuun la jideeyey oo laysku af gartay.

Somaliland waxay u shaqaysaa sidaas cagsigeeda, waxaa hana qaaday saxaafad tiro iyo tayo beeshay oo gobol kasta, degmo kasta laga leeyahay. Waxaa xadh-kaha goostay saxaafada u adeegta danta reer, danta shaqsi, danta koox, iyadoo ay sidaas tahay hadana cida waxyeelo loo gaystaa ayaa tiro yar.

Waxaa tiro belay mareegaha, joornaalada iyo Tv-yada Somaliland ka shaqeeya, kuwaas oo ay yagleeleen shaqsiyaad gaar ah, isla markaana ka baxsan aqoon ahaan mihnada saxaafada iyo anshaxeeda, xataa ma jiraan meel ay ka soo galaan abtirsiino ahaan saxaafada.

In cid gaari yeelatay waxaa marag madoon u ah marka xarun warbaahineed la xidho ama qof ka mida la xidho waxaa dhacda inay hadlaan odayaal, dhalinyaro iyo haween ka soo jeeda xarunta ama saxafiga la xidhay, kuwaas oo u dooda sidii xoriyadiisa ama ruqsada xarunta warbaahineed dib loogu soo celin lahaa, isla markaana warbaahinta inta kale ka sheega wanaaga iyo waxtarka xarunta ama saxafiga la xidhay.

Hadaba Somaliland saxaafada madaxa banaan ee dalku door intee leeg ayey ku leedahay horumarka dalka, horumarka bulshada, kobcinta dhaqanka iyo dhaqaalaha?

Ku Talax-taga xoriyada saxaafada

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa saxaafada ku soo badanaayey hadalo mudo hore laga soo gudbay, kuwaas oo markaad aragto la yaab iyo u qaadan waa kugu noqonaysa, reer dhan ka hadlaya Tv oo laabta u garacaanaya hadii aanu nahay reer hebel, hadii aanu nahay beesha degta deeganka….. taasi waa ku talax tag xaga xoriyatul qawlka saxaafada, waana mid u baahan anshax marin.

Soomaalida ayaa tidhi “baruurbaa baruuryo qudhmisa” xarun/saxafi dan gaar ah wata ayaa sidan yeelaya, dabeeto wuxuu noqonayaa ku dayasho (role model) saxaafada kale ah, hadiise la heli lahaa taas bedelka may dhacdeen.

Caqabado aan la tiring Karin ayaa siyaasiyiinta ka haysta saxaafada dalka, caqabadahaas oo ay ka mid yihiin handadaad iyo caga juglayn ka imanaysa dhanka saxaafada, tusaalooyin:-

-Hadii aad warka iga hor istaagto waxaan yeeli doonaa in aan ku af-lagaadeeyo

-Aniga ayaa shaqadaada aqaana, shirkaaga jaraa’id waan kaaga baxay

-Been abuur laga sameeyo shaqsiga, siyaasiga iyo ganacsadaha. Intaas iyo qaar kale oo badan ayaa lagu hayaa, iyadoo looga gol leeyahay sidii loo heli lahaa wax yar oo furo guud kood ah. Dhamaantoodna waa xad ka bax dhanka xeerarka saxaafada ah.

Doorka Horumarka iyo Saxaafada

Qaran, kastaa wuxuu leeyahay saxaafada dawli ah iyo mid madax banana, dhamaan waxay ka siman yihiin mabda ah in la ilaayo, dastuurka iyo xeerarka dalka, lagana shaqeeyo horumarka.

Saxaafada caalamka hadii aynu eegno, gaar ahaana inta sida saxda ah u shaqaysa way ka tilmaaman yihiin inta kale ee dhigooda ah, waxay kaga duwanaadeen wax kale maaha ee waa u adeegida bulshooyinka kala duwan ee ay u shaqeeyaan, kuwaas oo u soo gudbiya waxyaabo ku dhiiri gelinaya ka qayb qaadashada horumarka dalkooda iyo nafahooda.

Saxaafadu waxay door weyn ka qaadan kartaa maal gelinta iyo kobaca dhaqaale ee dal leeyahay, taas aan laga lahayn dan gaarhaneed, balse looga gol leeyahay iib geeynta ila dhaqaale dal leeyahay.

Saxaafada Wanaagsan

Saxaafada wanaagsan waa mida sheegta dhabta iyo xaqiiqada, waa mida ka dheeraataa laaluushaka, isku dirka iyo kicinta shacabka, waa mida u heelan xaqiijinta runta, runta, runta.

Saxaafada wanaagsan waa mida badbaadisa umadeeda, qarankeeda, tusaale waxaa inoogu filan sawirkan

Saxaafada Xun

Saxaafada xun doorkeedu waa tabinta, Propaganda-da, leexinta runta, kicinta shacabka iyo qaadashada laaluushaka, taas oo keeni karta burbur iyo isku muuqasho, isla markaana meesha ay ka baxdo doorka la xisaabtanka umada.

Tusaale waxaa inoogu filan sawirkan hoose.

Waa xarun warbaahineed oo loo fidinaayo laaluush

Xalka

Sida aan is leeyahay xalka uu noqon karaa waa iyadoo la helo xarumo warbaahineed oo ku dhisan aqoon, fikir qoto dheer iyo qaranimo, ka fog gacan kale, cadaadis iyo laaluush iyo saxafi intaas ka madax banaan.

Wabilaahi Tawfiiq

W/Q: Khadar Awrliq

awrliq@gmail.com