Maxaa Dumiya Xadaaradda Bulsho, Maxaase Keena Horumarka Bulshada?
Duminta Xaddaaradda iyo Horumarka Bulshooyinka
Marka hore aynu isla fahanno macnaha dhabta ah ee Xaddaaradda (Ilbaxnimo), si aynu u garanno sida ay u dhisanto iyo waxa duminteedu ka dhalato. Xaddaaraddu ma aha wax si fudud loo arko ama lagu cabbiro dhismayaal dhaadheer, tignoolajiyad casri ah ama koboc dhaqaale oo keliya. Waa wax ka qoto dheer, ka waarta, kana miisaan culus dhammaan horumarka muuqda.
Waa maxay Xaddaaraddu?
Xaddaaraddu waa hab-nololeed dhammaystiran oo ka kooban:
• Qiyam ay bulshadu ku heshiisay,
• Akhlaaq hagta hab-dhaqanka
dadka,
• Caqiido iyo aragti nololeed oo
jihaysa go’aannada,
• Aqoon iyo xikmad jiilba jiilka kale u gudba,
• Dhaqan, luqad iyo aqoonsi bulsho,
• Nidaam qoys, waxbarasho iyo
caddaalad.
Sidaas awgeed, xaddaaraddu waa sida ay bulshadu u fekerto, u kala saarto wanaagga iyo xumaanta, una waajahdo nolosha.
Xaddaaraddu maxaanay ahayn?
Xaddaaraddu ma aha:
Dhismayaal qurux badan oo madhan,
Tiknoolajiyad aan lahayn akhlaaq,
Lacag iyo awood aan caddaalad ku dhisnayn,
Horumar muuqda oo qiyamku ka madhan yahay.
Bulsho horumar muuqda leh balse qiyamkeedu dumo, waa bulsho dibedda ka qurux badan, gudahase ka dillaacsan.
Tiirarka Xaddaaradda:
Xaddaaraddu waxa ay ka bilaabataa ama ku taagan tahay afar heer:
1. Qofka: akhlaaqdiisa, damiirkiisa,
iyo cabsida Alle.
2. Qoyska: tarbiyadda, jacaylka iyo
xasilloonida.
3. Bulshada: wada noolaanshaha,
is-ixtiraamka iyo masuuliyadda
wadajirka.
4. Dawladda: sharciga, nidaamka.
Iyo caddaaladda.
Haddii mid ka mid ah tiirarkan uu dumo, xaddaaraddu way dhaawacantaa, xitaa haddii tiknoolajiyad iyo horumar dhaqaale la haysto.
Xikmaddan Caanka ah u fiiro:-
“. Xadaarad dhisan hub laguma
burburiyo, balse waxa ay
burburtaa marka qiyamkeedu
Dumo ama lumo.”
Saddexda hab ee Lagu Dumo Xaddaaradda Bulsho waa:
1. Burburinta Qoyska. Qoysku waa asaaska iyo laf-dhabarta bulsho kasta, waana:
• Iskuulka ugu horreeya ee ubadka,
• Meesha lagu barto edebta iyo
akhlaaqda,
• Halka lagu beero Alle ka cabsiga,
• Isha aqoonsiga, jacaylka iyo
xasilloonida,
• Meesha diinta, afka iyo dhaqanka
lagu barto, laguna gudbiyo.
Haddaba, Haddii qoyska la wiiqo:
• Carruurtu waxa ay lumiyaan
jihada iyo kalsoonida,
• Qiyamkii waa dumaaan,
• Dembiga, balwadda iyo
fawdada ayaa bata,
• Bulshadu way kala daadataa.
• jaahwareer ila meerayso wataa
dhaca,
• Iyo siyaabo badan.
Bulshada aan qoyskeedu dhisnayn waa bulsho aan is-haysan, mustaqbalkeeduna muuqan oo aan dhadhan lahayn.
2. Burburinta Waxbarashada
Waxbarashadu waa maskaxda xaddaaradda; waa halka laga hago fikirka, laga dhiso aragtida nolosha, laguna diyaariyo mustaqbalka jiilasha, waana tiirka ugu muhiimsan ee kala sooca bulsho nool oo horumaraysa iyo bulsho marin-habowday.
Waxbarashada saxda ah ee tayo sare leh waxa ay dhistaa:
• Faham sax ah oo ku salaysan
caqli, cilmi iyo xaqiiqo,
• Aqoon kala saaraysa xaqa iyo
baadilka, runta iyo beenta,
wanaagga iyo xumaanta,
• Hal-abuur iyo fikir madax-
bannaan oo horseeda horumar
waara,
• Damiir aqooneed oo mas’uuliyad
iyo akhlaaq ku dhisan,
• Kartida xalinta khilaafaadka,
Iyo dhibaatooyinka bulshada ee
qaranka,
• Awoodda is-qiimaynta, is-
hoggaaminta iyo is-hagaajinta
bulsho ahaan.
• Waxay dhistaa hoggaamiyeyaal
damiir leh,
• Waxay kor u qaaddaa
caddaaladda iyo mas’uuliyadda,
• Waxay ilaalisaa diinta, dhaqanka
iyo aqoonsiga,
• Waxay dhalisaa horumar
maskaxeed, hal-abuur iyo wax
soo saar Aqooneed.
Xikmadda waxbarasho u fiirso:
“. Haddii aad rabto inaad dumiso dal, ka dumi keliya waxbarashada;
haddiise aad rabto inaad dhisto Qaran ku maalgeli maskaxda.”
Waxbarashadu waxa ay Burburtaa
marka ay:
• Noqoto xifdin madhan oo aan
faham lahayn,
• Ka madhnaato akhlaaq, edeb iyo
qiyamka,
• Loo adeegsado dano gaar ah,
siyaasadeed ama ganacsi,
• Macallinku noqdo mid liita ama
aan la qadarin oo bulshada ka
xaqiran,
• Manhajku noqdo mid aan la socon
Baahida iyo xaqiiqada bulshada,
• Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka la
cabbudhiyo,
• Qishka imtixaanku bato iyo ka
eegashada moobilkadu.
Cawaaqibta Waxbarashada Liidata
ama hoos u dhacda waxa ay keentaa:
• Jiilal aqoon yar, balse shahaado
leh ama badan ayaa soo baxa,
• Aqoon aan kala saari Karin xaq iyo
baadil,
• Beenta, dacaayadda, masabidka
iyo xagjirnimadu waa ay badataa
oo fududaataa,
• Bulshadu waa ay lumisaa jihada,
kalsoonida iyo himilada,
• Maskaxaha ayaa laga gumeeyaa
ka hor inta dhab loo gumeysan,
• Dadku waxa ay noqdaan raacato
iyo raciyad aan fikir lahayn.
Ummad aan lahayn waxbarasho tayo leh, si fudud ayaa loo xukumi karaa, xitaa iyada oo aan rasaas lagu ridin, maxaa yeelay waxbarashadu waa meelaha Afrikaanka looga dilo, maskax ahaanba looga haysto.
Waxbarashada aan Xorta ahayni waa marka:
• Laga xannibo fikirka madaxa
bannaan,
• Laga cabbudhiyo aragtiyaha kala
duwan ee daneed,
• Ardayga laga yeelo mid aan wax
su’aal ah waydiin karin,
• ay dhaliso dad aqoon la’aan ku nool,
balse wax kasta rumaysan kara.
3. Yasidda Haldoorada iyo Ku-deyadka:
Haldooradu waa hanuuniyeyaasha bulshada, waxaana ka mid ah:
• Culimada,
• Aqoonyahannada,
• Macallimiinta,
• Hoggaamiyeyaasha daacadda
ah,
• Dadka ku-dayashada mudan.
Haddaba, Marka:
• La yaso,
• La ceebeeyo,
• La aamusiiyo,
• Lagu beddelo kuwo aan edeb
lahayn, juhalo, daneysteyaal
ama dad sumcad-xumo leh,
Waxa ka dhasha bulshadu waxa ay qaadataa tusaale qaldan, wanaagguna wuu ka baaba’aa, xumaantuna caadi bay u noqotaa.
Xaqiiqadu waxa ay tahay, bulshada laguma dumiyo rasaas iyo hub, waxase laga abbaaraa:
• duminta qoyska,
• tayada Waxbarasho ahaan
oo hoos u dhacda,
• Haldoorka oo la yaso ama
kalsooni waaya.
Haddaba, Qoraalkani waxa uu si gaar ah u khuseeyaa dunida Islaamka, gaar ahaan, Soomaalida, balse waa xeer guud oo dhammaan khuseeya bulsho kasta oo Adduunkan ku nool.
Gunaanad
Haddii la doonayo Barbadian xaddaaradda, horumar waara, kaabashada bulshada, maskax fayow iyo Mustaqbal ifaya oo jiilasha ah, waa in:
• La xoojiyo qoyska dhinac walba,
• La tayeeyo waxbarashada
heerarkeeda kala duwan
• La ilaaliyo oo la xurmeeyo
haldoorada iyo ku-deyadka,
• La maamuuso culimada,
aqoonyahanka, macallimiinta iyo
hoggaanka bulshada.
Eray Gebogebo
Bulsho qiimaheeda illaashataa waa bulsho jirta, bulshada qiyamkeedu dumo-se waa bulsho nool oon is- ogeyn inay dhimatay.
Nuxurka kiliibkan hoose dhegeyso:
Allaah Mahad Leh,
Ustaad. M. J. Rooble


