By Adam Muse Jibril

Duuliye Axmed Dheere, muxuu ku habboon yahay, oo uu geyaa in lagu magacaabo, muxuuse u taagan yahay oo u ah qaddiyad uu ku dhaato. Inta aanan u-gelin qaddiyada Duuliye Axmed Dheere u taagan yahay, waxaan ka horraysiinaya mid yar oo hor-dhac ah: Maxamuud Amiin Al-Caalam oo ahaa aqoonyahan Masar u dhashay laakiin ka ballaadaan, ayaa Buug uu qory wuxuu halbeeg-uga dhigay; “Qofku waa mawqif”, “Person is a Stand, and nothing  without a Cause”. Taas oo u dhiganta; qofku waa qaddiyad, taas oo u sii dhiganta qofku haddaanu qaddiyad lahayn kuma bannaana magaca Aadamnimada.

Duuliye Axmed dheere iyo Siyad Barre waa laba qof oo Somaliyeed, laakiin kee ba ku bannaan Somalinimada  Islaamnimada iyo Adaminimada?. Waydiintan waxaa si mug leh uga jawaabe soo yaalkii la soo maray oo u marag furayaa Duuliye Axmed Dheere, iyo dadkii ka gadoodey dulmigii lagu hayey dadka Somaliyeed. Oo tixhihii Hadraawi tilmaameen. Marku lahaa; Madfacyahow Gurxamaya Caku  halaacdaadiyo Habar-wacashadade kor u qaad hinaasaha. Tixdani waxay ku aaddanaday Markii Berkadaha biyaha Mudug la duminayey. Raggayagii dagaalka la soo galay Siyad Barre ee dibedda uga goostay si dagaalka xoraynta iyo dimoqoraadiyad doonku u bilaabmo dan iyo mabad’a ba nagu qasbay ee ma ahayn dhayal iyo kursi doon toona. Mid kasata oo naga mid ahaa waxuu  naftiisa iyo  tan familigiisa ugu  huray qaddiyad, mitaal ahaan, 5 Jenauary 1982, waxaa xadka Itoopia ka gudbay Adan Shiine, Axmed Dhagax, Muse Nadiif, Mohamed kahin, Adan Saleeban, oo naga sii horreeyey mudo hal bil ah. Haddii waqtigaa dalka ay ka suura geli lahayd in macaardad si nabada ugu shaqaysa isbeddel nabadeed dibeda uma aanaan baxneen,  SNM, SSDF, USC iyo SPM midna dibedda kama samaysmeen, ee dalka gudihiisa ayaa mucaaradadu joogi lahayd.

Waxaa loo dagalamayey in la soo dhacsado xuquuq maqan. Haddaba, markii dagaalka-dulmaha iyo dul-diiduhu marayey meel ba’an ayaa waxaa madaarka Hargeysa laga kiciyey aaladii dulmiga, dilka, duminta iyo xasuuqa. Saw dulmigu ma dhaadine  aaladdan dulmuiga, duminta mid ka mid ah  waxa ku dhex jiro naftii, damiirkii iyo dulmi diidihii Somalinimada, Islaamnimada, iyo kii Adadminimada, iyo wacyigii iftiinka iyo aragtida mustaqbalka Somalinimada dhabbta ah. Haddana maxaa dhacay?  Waxa samaysmay waagii jirey mid ka duwan, waxa abuurantay xaaladii jirtey mid ka duwan oo hordhac u ah in wacyiga iyo garaadka u dagaallanka xuquuqda Aadamaha oo ah xaqqa Aadamuhu u leehyahay in uu noolaado. Duuliye Axmed Dheere Xaqqaas asaga ah ayaa waxuu ku shiday ilays wayn oo ifiyey duni dhan oo mugdi ahayd.

 

Waxaase Weli  wax laga xumaado ah in ila maanta Geyiga Somalida uu ka jiro mugdi baahsan oo qarinaya xuqquuqda dadka Somaliyeed, Waxan ka xusi kara una ballaadhan xaqqa Aayo-ka-tashiga dadka Somaliland oo ah mid calami ah oo dhamaan sharciyada caalamugu wada qirasan yihiin, Tan Dumarka iyo tan dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la takooro. Arrinka xuqquuqda nolosha, tan syiaasada, tan dhaqaalaha iyo kuwa kaleba sida, tdan dhawrista cilmilada adduunka oo ah maantan tan ugu halista badan oo haddii aan si deg-deg ah wax looga qababn noqonaysa mid nolosha dhulkan aynu ku noolaha dhaayn karta. Sidee loogu halgami karayaa, xaggayse laga bilabmi karaya waa suaalo taagan?.

 

Haddaba, joogitaanka Duuliye Axmed Dheere waxuu awood inoo siinya in mugdiga baahsan ee ku saabsan xuquuda Aadamaha ee ka jira geyiga Somalida in aynu ilays wayn ku sii daarro. Waxaase loo baahan yahay qaabka ay tahay in aynu wax-uga qabanu iyo dhinaca ay tahay in aynu u jihayno inta D. Axmed ina la joogo.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

La soco.

Adamjibril47@gmail.com