Ey
Austria(ANN)(Xayawaanka Eyda oo ah kuwa lagu tilmaamo inay rabaayada ku wanaagsan inta badan, waddamada reer galbeedkuna siyaabo badan uga faa’iidaystaan, ayaa khubaro ka tirsan Jaamacadda caafimaadka Xayawaanka ee Vienna sheegeen in ay kala saari karaan muqaalka wejiyada faraxsan iyo kuwa cadhaysan ee bina’aadamka.
Khubaradan waxay sheegeen in Eydu ay leeyihiin awood cajiib ah oo ay ku kala saran cadiifada dadka, sida cilmi-baadhistan cusub oo dabeecadaxayawaanka laga diyaariyey iftiimisay, taasoo caddayn u noqotay in xayawaanada qaar si fudud ku kala ogaan karaan xaalada qofku ku sugan yahay ee xagga farxada iyo cadhada.
Daraasadan oo lagu daabacay Jimcihii toddobaadkan jariirada Current Biology, waxay faa’iido u noqonaysa in la sharaxi karo xidhiidhka ka dhaxeeya bina’aadamka iyo xayawaannada qaar sida Eyda.
Kooxda cilmi-baadhista samaysya waxay tijaabooyin badan ku sameeyeen Ey oo lagu tijaabiyey bal in ay si sax u kala saari karaan sawirro kala duwan oo qaar wejiyadooda cadho ka muuqato iyo qaar farxad ku dheehan tahay.
“Daraasadayadu waxay awoodda saartay Eydu in ay kala saari karaan cadhada iyio farxada bina’aadamka. Way sheegi karaan xaalada cadho amma farxad ee ay ku sugan yihiin dadku, xataa wejiyada aanay waligood arag way aqonsan karaan xaalada ay ku sugan yihiin ee dhinaca farxada iyo cadhada, waxaanay xayawaanka Eydu wejiga faraxsan ee dhoola-caddaynu ka muuqata jecel yihiin in ay u dhawadaan, halka ay wejiga faraxsan ka bixiyaan aragti cadho leh,” ayuu yidhi Ludwing Huber oo daraasadan qoraa ka ahaa.
Khubaradan oo Ey tababaran ku tijaabisay wejiyo kale waxay sidii si la mid ah u kala sareen wejiyada farxada leh iyo kuwa cadhaysan, waxxaanay ku qayliyeen wejiyada cadhadu ka muuqato sida uu sheegay Corsin Muller oo ka mid ah qorayaasha Cilmi-baadhistan.
Dhakhaatiirtan waxay xayawaankan u kala sareen laba kooxood, koox ka mid ah waxa lagu soo celceliyey sawirro dad oo wejiyadoodu farxad ka muuqato, halka kuwa kalena wejiyo cadhaysan la hor dhigay, waxaanay natiijadu noqotay in Eyda la hor keenay sawirrada farxadu ka muuqato ay xaaladoodu degenaayeen, halka kuwa kale ee wejiyada cadhada ah la hor dhigayna anay degenayn oo laf ahaantoodu cadho muujiyeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com