Qore: Maxamed Cabdilllaahi

Waxa maanta oo axad ah taariikhduna tahay 10kii October ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International airport Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo isla markaana ka mid ah musharaxiinta jagada madaxtinimo ee xisbi xaakimka Kulmiye. Wasiirku wuxu ka soo laabtay safar uu ku weheliyay weftigii madaxweynaha Somaliland ugu baxay dalka Ireland iyo Ingiriiska dhawaan. Waxa loogu soo dhaweeyay madaarka si aad u ballaadhan oo dadweyne badan oo taageerayaal u ah musharaxnimadiisa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ay ku soo dhaweeyeen madaarka. Waxa kale oo soo dhaweeyay wasiirka xubno doora oo ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda Somaliland, xildhibaanno, golaha dhexe ee Kulmiye, madaxdhaqameed beelaha Somaliland ka kooban, siyaasiin magac leh, maalqabenno iyo qaybo kale oo bulshada ka tirsan. Wasiirka oo soo dhawayntaas kadib markale kula hadlay dadweynaha Hudheelka Crown wuxu u sheegay inuu jecelyahay in dalka uu hore uga sii wadi doono halka uu Madaxweyne Silaanyo soo gaadhsiiyay oo horumar ballaadhan, barwaaqo iyo ictiraaf u horseedi doono. Waxa halkaa iyana ka hadlay wasiirada xanaanada xoolaha, hawlaha guud, dib u dejinta, guddoomiyayaal hay’ado madaxbannaan, xildhibaanno, xubno golaha dhexe ka tirsan, salaadiinta guud ee Subeer Awal iyo Suldaanka Somaliland oo dhammaantood taageero u muujiyay musharaxnimada Maxamed Biixi Yoonis.
Iyadoo safarka weftiga madaxweynaha hore loo sheegay inuu muddo bil ku dhaw qaadanayo, ka soo noqoshada wasiirka arrimaha dibaddu waxay tilmaamaysaa sida uu ugu diyaargaroobayo loolanka loogu jiro jagada madaxnimada dalka ee doorashada heerka xisbiga maraysa. Waxa kale oo xusid mudan hadalka uu markale xilligan oo uu ka soo noqday weftigii madaxweynaha ka dhawaajiyay ee musharaxnimadiisa xisbiga Kulmiye. Diyaargawgii soo dhawaynta wasiirka ayaa dhaqdhaqaaqeeda iyo hadal haynteeda aad looga dareemayay magaalada Hargeysa illaa shalay iyo xalay habeenimadii oo xarunta xisbiga iyo hudheellada waaweynba lagu hadal hayay.
Garabka musharax Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ay iyagu arkeen diyaargarawga taageerayaasha shacabka iyo masuuliyiintaba isugu jira ee soo dhawaynta Maxamed Biixi ayaa kulamo gaagaaban isugu imanayay hudheellada Guuleed, Maansoor iyo meelo kaleba waxanay xataa ku kaliftay inay xalay daabacaan istiikaro sawirka musharax Muuse Biixi Cabdi ah oo lagu dhajiyay baabuur taasoo ay dadweynuhu fahmi waayeen ujeedada laga leeyahay waayo Maxamed Biixi isaga waa la soo dhawaynayay maanta oo sidaas awgeed ayaa sawirada musharaxa loogu xidhay balse maxaa sababay kuwa muuse ee la daabacay xilligan? Waxay dadku u arkeen inay tahay mid kalsooni darro ku sifaynaysa garabka muuse biixi oo iska salsalay markay ogaadeen taageerada weyn ee heer xisbi iyo heer shacabba loo hayo musharaxa Maxamed Biixi Yoonis.
Dhanka kale, maalmihii u dambeeyay waxa isa soo taraya kulamada ay musharixiinta iyo ololeeyayaashoodu la yeelanayaan xubnaha golaha dhexe iyo odayaasha beelaha ay ka soo jeedaan oo inta badan qaab beelaysan u dhacayay gaar ahaan kulamadii uu qabtay Muuse Biixi Cabdi todobaadkii u dambeeyay. Maxamed Biixi ayaa isaguna mudadan gaaban ee uu maqnaa ay ololeeyayaal waaweyn oo uu si daacad ah u taageersani si ilbaxnimo leh ula xaalayeen xubnaha golaha dhexe. Masuuliyiinta xilalka haya kuwooda ka tirsan golaha dhexe iyo kuwa aan ku jirinba waxa 70% taageeradooda haysta Maxamed Biixi Yoonis. Golaha Guurida ayaa iyaguna 90% si weyn ula jira dhinaca Maxamed Biixi oo doonaya inuu isagu ku soo baxo jagada madaxweyne xisbiga Kulmiye. Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda inuu musharax ku xigeenkiisa ku daysanayo Mudane Saylaci oo madaxweyne ku xigeenka ah, halka warar kutiri ku teen ahi ahi sheegayaan in Maxamed Biixi laga yaabo inuu ka dhigto musharax ku xigeenkiisa nin aqoonyahan ah oo isagu ka soo jeeda gobollada bari oo dhawaanahan ka mid ahaa ragga ku hawlanaa arrimaha nabadaynta bulshada bariga iyo wada hadalkooda Somaliland.
Saadaasha dhinaca kale, waxa aan weli cadayn in Madaxweyne SIlaanyo yahay musharax iyo haddii aanu ahayn inuu labadan musharax mid taageersanyahay. Silaanyo labada ninba wuxu u leeyahay aqoon fiican oo taariikh dheer ah, maadaama aanu ahayn milatari ee yahay siyaasi shacbi ah, waxay dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda saadaalinayaan inuu aad uga fiirsanayo cidda uu mustaqbalka umadda u doorbidayo ee uu taageerayo in xisbigu doorto. Go’aankaas aan weli cadayn ayaa isaguna saamayn ku leh waxa laga saadaalin karo xisbiga Kulmiye iyo doorashada musharaxa ee dhaw.
Sida lagu qorsheeyay inay dhacdo marka la gaadho 10 november, haddii la doorto Muuse Biixi, waxa laga yaabaa inay xisbiga ka baxaan xubno aan badnayn oo cabdicasiis samaale ugu horeyo balse waxa halis geliya markaa soo bixista Kulmiye ee doorashada 2017 oo taageerada shacabka inuu hanan waayo ay u dhawdahay; haddiise la doorto Maxamed Biixi, waa laga yaabaa inay xubno door ahi ka baxaan xisbiga laakiin waxa markaa hadana dhinaca kale sare u kacaysa fursadda uu markale xisbiga Kulmiye ku guulaysan karo hoggaanka dalka doorashada 2017 waayo taasi waa mid immikaba sii muuqata oo dadka u badan ee Kulmiye ka tirsani ay laabta ka jecelyihiin in maxamed biixi ku guulaysto tartanka doorashada golaha dhexe ee loolankiisu socdo.
Musharixiinta kale ee kijaandhe iyo samaale waxa iyaga laga sadaalin karaa inay aakhira licibka ku kala raacaan labadan musharax ee ugu tunka roon inkasta oo kijaandhe ka fursad badanyahay cabdicasiis samaale oo xaaladu noqon karto doorashadii golihihii SNM ee C.tuur, Ibrahim Maygag iyo Maxamed Xaashi.
Si kastaba ha noqotee, waxa la odhan karaa ciyaari waa gelin dambe oo waxbadan wakhtigan xaadirka ah lagama saadaalin karo miisaanku docda uu raacayo, waxase muuqata in bulshadu aad u hadal hayso oo ay taageersantahay in xisbiga Kulmiye u doorto musharaxiisa jagada madaxweyane Maxamed Biixi Yoonis taasoo ay dadku ku sababaynayaan in Maxamed Biixi kaga habboonyahay Muuse Biixi xagga arrimaha gudaha iyo arrimaha dibaddaba labadubana muhiim u yihiin Somaliland.
Ilaahaybaa garanaya oo isagu sii qora cidda madaxweyne umadiisa u noqonaysa waana xilka ugu culus ee adduunyada korkeeda la qaado ee lagu imtaxaano qofka insaanka ah, waxan ilaahay ka baryanaa mid khayr leh inuu inoo dooro.
Qore: Maxamed Cabdilllaahi
maxamedcjama@gmail.com