farduus xasan cabdiHufnaanta xisaabaadka iyo hab-dhaqanka maamul, hadii ay tahay mid dawladeed iyo hadii ay tahay meel gaar loo leeyahayba waxa weeye hal-beeg u taagan hubinta hanaanka la isticmaalay si loo ogaado saxa iyo gurac iyo inuu hanaanka maamul u shaqeeyey sidii loogu talo galay.
Qaabka iyo hal-beegga loo isticmaalo dhawrista iyo ilaalinta hanaan socodka xisaabaadka iyo maamulka dhaqaalaha ayaa loo yaqaan Hanti-dhawr, dadka mihnadaa ku shaqeeyana waxa la yidhaahdaa hanti-dhawrayaal.

Sababaha ay dunidu uga maarmin wayday inay samaysato waxa ka mid ah in xakame loo helo si xun u isticmaalka ama ugu takri falka maaliyadda iyo maamulka dhaqaale oo ay jirto si ama hanaan loogu talo galay in loo meel-mariyo, taas oo keeni karta sifo musuq-maasuq oo wadada ka duwa ujeedadii loogu talo galay inay maaliyadaasi daboosho.

Muhimadda hanti-dhawrka ayaa keentay xisaab-xidhka maaliyadeed ee khuseeya hayado dawli ah iyo kuwa aan ahaynba in loo inuu baahdo hanti-dhawr ansixiyo si loo aamino inay run ku fadhido, iyadoo taa macneheedu yahay inuu hanti-dhawrku noqdo booliska la dagaalama musuq-maasuqa, waana dhaqan dunida oo dhan ka jira oo looga maarmi waayey dunida cusub ee dhaqaalaha, laakiin musuq-maasuqu waxa uu aad ugu badan yahay dunida saddexaad, sababtana waxa lagu tilmaami karaa , iyadoo ay dadku masuuliyadda dawlad-nimo u citiqaadeen mid ka mid ah dariiqyada lagu helo hantida, taasina ay dadka bartay inay hiig-sadaan jago dawladeed si ay hantida ummadda u lunsadaan.

Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ay dabeecadaha noocan ahi aadka ugu badan yihiin, taas oo aad moodo inay jiraan dad badan oo shaqada ama xilka ugu haliilaya inay lacag helaan. Shaqadaa ama xilka aqoon ha u lahaadeen ama yaanay u lahaane, waxayna ujeedadu tahay inay hanti lunsadaan si uu qof ama qoys badhaadhe gaar ah uga helo maaliyadii ummaddu wada lahayd ee ay ahayd in danaha guud lagaga shaqeeyo.
Waxay is-waydiintu tahay xafiiska hanti-dhawrku ma yahay mid shaqadii loo abuuray qabta ama ka soo baxay ama dhodhoweeya.

Jawaabaha su’aalahani runtii ma aha, kuwa adag-adag ama meel dheer laga doonayo ee waxay xaqiiqdu tahay inaanu xafiiskaasi qaban, una dhowayn hawshii looga baahnaa inuu qabto, waxaana markhaati ugu filan musuq-maasuqa naafeeyey dhaqaalaha dawladda, hadii uu xafiiska hanti-dhawrku yahay mid si daacad ah u guta xilkiisa oo ay jirto xisaabi xil ma leh waxa la arki lahaa dad badan oo ka cararayay xilalka ama shaqooyinka hayadaha dakhli soo saarka, halka iminka loo kala dheeraynayo, taas oo hadii masuulka wax is dhaaf-dhaafiya la marin lahaa xisaabi xil ma leh, ka dibna sharciga hortiisa lagu ciqaab marin lahaa laga raysan lahaa hanti lunsiga iyo musuq-maasuqa.

Shaqada hanti-dhawrku keliya ma aha inuu daba galo miisaaniyadda qoondaysan oo keliya, laakiin waxa waajibaadkiisa ka mid ah inuu qiimeeyo Qandaraasyada ay dawladdu bixiso, iyaga oo horjoogsanaya iibka aan macquulka ahayn ee ay u arkaan in dawladda lagu cawarayo, iyadoo ay hubaal tahay in hadda inta badan gaadiidka iyo qalabka dawladda loo iibiyo ee Qandaraasyada lagu bixiyaa aanay is lahayn lacagta badan ee la xisaabiyo iyo tayadoodu, taas oo la rumaysan yahay in hanti badan lagu lunsado Qandaraasyada ay dawladdu bixiso, waxaase taa fashilin lahaa, hantida halkaa dawladda kaga luntana bad-baadin lahaa hanti-dhawrka oo kaalintiisa buuxiya.
Waxa kale oo uu hawl-galka hufan ama dhaqan galka ah ee hanti-dhawrku ka hor tegi lahaa kharashaadka iyo daymanka aan xadka lahayn ee ay had iyo goor hayadaha dawladdu galaan, taas oo ah caado musuq-maasuq oo fayga la baxday.

Marka aragtida arintani noqoto sida aynu u fallan-qaynay waxa lama huraan ah inuu hanti-dhawrka dawladda Somaliland meesha ka kaco oo uu hawl galo si uu u yaraado musuq-maasuqa xadhiga goostay, iyadoo dhinaca kalena si uu hanti-dhawr dhab ahi u jiro loo baahan yahay inay hayadda hanti-dhawrku hesho dhaqaale ku filan iyo hawl-wadeeno xirfad iyo aqoon ku filan u leh muhnidan.
Hadii ay jirto habrasho uu hanti-dhawrku ka habranayo maamulka sare, waxa lagama maarmaan ah inay taasi meesha ka baxdo oo uu maamulka sare u arko inuu hanti-dhawrku yahay gacanta midig ee toosin karta maamulka.

Runtii waxay hadda xaaladdu u muuqataa inuu xafiiska hanti-dhawrka guud ee dawladda Somaliland yahay fadhiid aan xataa far ku fiiqin karin xafiisyo ay hawshiisu si toos ah u khusayso oo u jira talaabooyin tirsan, waxaana waqtigan xaadirka ah jiritaanka xafiiska hanti-dhawrka lagu tilmaami karaa magac u yaal, iyadoo ay hubaal tahay in hadii uu hanti-dhawrku hadda qaado talaabooyin adag inay taasi ka cadhaysiin doonto rag oo badan o masuuliyiin ah oo ku mamay dhaqanka musuq-maasuqa iyo lunsiga hantida ummadda, laakiin xanaaqa dhawr masuul waxa ka mudan dhismaha nidaam dhaqaale oo ka caafimaad qaba cudurka musuq-maasuqa

farduus xasan cabdi
Gabiley

18maylotto@gmail.com