Shirka Dawladaha Khaliika GCC

Curfiga siyaasadeed ee aduun-waynaha ayaa dhigaya in dawlada marti galinaysa shir-gobaleed ama shir-qaaradeed uu Madaxwaynaha dalkaasu, ama Boqorka dalkaas, ama Amiirka dawladaas uu martiqaad rasmi ah u diro dhamaan madaxda dawladahaas ee shirku quseeyo.
Warqada marti qaadka waxa qaadaya heer wasiir oo kaliya wasiirka arimaha dibada ama wasiirka kale ee Boqorkaas ama Madaxwaynahaasu u dirto, Ma qaadi karo warqadaas safiirka dawladaas kuu jooga waa hadii aad rajo laka leedihiin.
Shirkaasu haduu ka dhacayo xarunta midawgaas muhiim maaha in dawladaasu dirto waraaqo wasiiro qaadan, sida shirarka sanad laha ah UNAITED NATION ka xaruntiisa  NEW YORK  iyo GENEVA ka dhaca, sida shirka AFRICAN UNION ee ka dhaca xaruntiisa ADDIS ABABA sida shirka JAMACADA CARABTA ee ka dhaca xaruntiisa QAAHIRA, iyo kuwa lamid ka ah ee caalamka.
Hadaba 9 bishan waxa ka furmi doona sacuudiga shirka Dawladaha Khaliijka GCC oo isagu bilaa xarun ah, sidaan kor kusoo xusay Boqor Salmaan bin cabdi caziiz isagoo raacaya Curfiga siyaasadeed ee aduunka wuxuu warqado casuumadeed u kala diray dhamaan madaxda Dawladaha Khaliijka.
Hadaba warqadii Amiirka Qadar muuqaadin wasiir sacuudi ah oo waata lakal goostay ee waxa qaaday xooghayaha guud ee GCC Dr. Abdiladiif bin Rashid Al Zayaani, oo ka sareeya heer wasiir kuna haboon qaadista warqadan wakhtigan oo kale
Waxana soo dhaweeyay oo warqada gudoomay wasiira dawlaha arimaha dibada ee qadar Mr.Suldaan bin Sacad Al mariikhi karaamaduna waxay ku jirtay inuu Amiirku gudoomo warqada Boqorka.
Intii xidhiidhka loo jaray QATAR Waa markii labaad ee Boqor Salmaan waraqad casuumadeed u diro Amiirka Qatar laakiin casuumadii hore muu-iman waxayna ahayd shirkii jaamacada carabta ee ka dhacay DAHRAAN waxa waqada casuumada loogu dhiibay wakiika Qadar ee jaamacada carabta ee xarun tiisu tahay Qahira, Qatarna isla isagii ayay soo direen,
Doorkan Caalamka oo dhan ayaa eegaya inuu tana ka baaqdo iyo in kale maadaama aanuu warqada gudoomin isagoo dalka ku sugan.
By. Axmed Safiina.

safiina99@gmail.com

Alaa mahd leh