Noocyada Dulucda iyo Nuxurka uu Xambaarsanaan Karo Heshiisku
Garyaqaan Maxamed Axmed Daahir (Maxamed Baxsane)

Kadib markii aynu wax ka taa-taabanay hilinka dheer ee hanashada iyo ka-midho-dhalinta hantida qaranka iyo kaabayaasha dhaqaale, ayaa waxa ila habboonaatay inaynu wax iska weydiino dulucda mawduuca iyo nuxurka uu xambaarsan yahay heshiiska xukuumadda Somaliland iyo DP World.

Heshiiskani waxa uu daba socdaa waan-waan iyo wada-xaajood dahsoonaa oo laga dheegan karo jilayaasha kala duwan iyo dhinacyada uu sida tooska ah u khuseeyo heshiisku, kuwaasoo kala ah;

1) Mulkiile [Somaliland] u xil-saaran hagista iyo illaalinta hantida qaranka.

2) Xaqle [DP World] loo igmaday ka-midho-dhalinta kaabe-dhaqaale
3) Gacan saddexaad [Ethiopia] oo danaynaysa, isla markaana u diyaar ah isticmaalka Dekadda Berbera.
Markaynu eegno heshiisku labada dhinac ee uu tooska u khuseeyo,  kala yihiin;
Xukuumadda Somaliland: Oo leh awoodda ee lagu hagayo mashruuca iyo himilooyinkiisa istaraatijiyeed
DP World: Oo iyadu u xil-saaran, isla markaana saaran tahay mas’uuliyadda hirgelinta iyo fulinta ujeeddooyinka heshiiska.

Dhinaca kale, gacanta saddexaad ee Ethiopia waxa laga dheegan karaa in hay’adaha dalkaasi uga hawlgala gaadiidka badda iyo hawlaha maraakiibta ee Ethiopian Shipping Line iyo Martine Transit Service ay diyaar u yihiin hawlgalkooda iyo isticmaalka Dekadda Berbera.

Marka aynu si qodno heshiiska laftiisa iyo hirgelintiisa waxa uu nuxurkiisu yahay:

1. Casriyeynta iyo qalabaynta dekaddii hore ee Berbera oo uu u yahay bar-tilmaameed heshiiskii 11/October/2018, oo ah waqtiga ay si rasmi ah DP World ula wareegayso maareynta iyo hagista la xidhiidha dekaddii hore.

2. Ballaadhinta iyo dhismaha marso cusub oo u gaar ah rarista iyo rogista koontiinarrada, oo ay bar-tilmaameed u yahay waqtiga cayiman ee ku beegan laba sannadood ka bacdi [October/2020] oo ah xilliga ay ka bilaabmi karaan dhaleecaynta, oogista, wax-ka-beddelka, kaabista iyo dhammaan dacwadaha soo food-saari kara meel-marinta iyo hirgelinta heshiiska, oo saameyntiisu tahay mid Retroactive (dib-u-jaleecayn).

Geesta kale, haddii aynu wax iska weydiino wajiga sharciyeed ee maalgelinta la xidhiidha heshiiska ee ku saabsan aasaaska shirkad caalami ah, oo dabcan shuruucdeedu iyo awaamiirteedu ka soo jeedaan dhaqannada sharciyeed ee dhinacyada kala duwan ee uu heshiisku khuseeyo. Sida Somaliland, DP World iyo Ethiopia, kuwaasoo ay mudnaanta leeyihiin ​qodobadda la xidhiidha:
1) Tilmaanta iyo astaamaha iyo magaca shirkadda
2) Wadarta guud ee gashiyada iyo isu-dubaridooda (capital)
3) Aqoonsiga saamileyda ah xaynleyda aan ka badnayn boqolkiiba toban (10%)
#) Aqoonsiga saamileyda u diyaar ah xayn hoose oo ka yar boqolkiiba soddan (30%)
#) Aqoonsiga saamileyda yeelan karta xayn wax-ku-ool ah oo ka badan boqolkiiba soddon (30%)
#) Aqoonsiga saamileyda u diyaar ah kadin dhexe oo ka sarreysa boqolkiiba konton (50%)
#) Aqoonsiga saamileyda awoodi karta ama xaq u leh kadin sare oo ka badan boqolkiiba lix iyo lixdan (66%).
4) Nidaamka soorista saamiyadda iyo qaybsiga awoodaha ee saamileyda
5) Qaab-dhismeedka shirkadda iyo qeexidda hoggaankeeda, maareynteeda iyo maamulkeeda (Boards).
6) Caddeynta shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee loo adeegsan karo dhaqangelinteeda iyo hirgelinteeda oo noqon kara kuwo caalamiya ah oo khuseeya shirkad maxalliya, amase shirkad hoos timaadda xeerarka, awaamiirta iyo shuruucda Somaliland, taasoo ka soo if-bixi doonta heshiis ay u dhan yihiin saddexda dhinac ee hadda ka kooban yihiin saamileyda shirkadda.
Waxa iyaduna habboon in aynu is-weydiino waxay noqon karaan tiirarka sharciyeed ee dhammaan turaabta aynu soo sharraxnay ay cuskan karaan oo dajintooda, nidaamintooda iyo dhaqangelintooda ay leeyihiin xukuumadda Somaliland iyo Golayaasheeda Sharci-dajineed, kuwaasoo ka kooban:

#) Nidaaminta heshiisyada la xidhiidha ku-tagri-falka kaabayaasha dhaqaale
#) Nidaaminta isticmaalka iyo maareynta hantida qaran dhismayaasha iyo qalabadda dawliga ah
#) Dajinta xeerar qeexaya waajibaadka iyo xuquuqda kala duwan ee ay yeelan karaan ilayaasha iyo unugyaasha matela shirkadaha caalamiga ah. Sida DP World iyo dhiggagooda maxalliga ah oo kala ah; Berbera Port Authority iyo Free Zone Authority.
#) Dajinta shuruucda la xidhiidha maqaamka iyo mas’uuliyadaha saaran hawlwadeennada ka hawlgala Dekadda Berbera iyo adeegyadeeda.
#) Dajinta waajibaadka iyo mas’uuliyadaha saarnaan kara hay’adaha, shirkadaha, hal-abuurada, xirfadleyda ka hawlgasha Dekadda Berbera iyo adeegyadeeda kala duwan.
#) Dajinta xeerarka la xidhiidha diiwaangelinta hantida ma-guurtada ah ee qaranka.
Ugu dambeyn, waxa is-weydiin mudan, siday xukuumadda Somaliland isu-waafajin lahayd hawshaa culus ee la xidhiidha arrinkan isaga ah iyo ajandayaasheeda siyaasadeed, bulsheed iyo doorashooyin ee horyaalla.