amirfaysal
Salman Bin Cabdulcasiis waa ninka noqday boqorka cusub ee boqortooyada Sucuudiga, waxaannu dhaxaltooyada hoggaaminta boqortooyada kala wareegay walaalkiisa ay isku aabbaha yihiin boqor Cabdullah Bin Abdulcasiis Al Saud oo geeriyooday 23 Janaury, 2015kii, kadib markii uu xannuunka oof-wareenka in badan hayey, kuna geeriyooday da’da 90 shirka.
79-jirkan markii uu xilka la wareegay wuxuu ballanqaaday inuu tubta walaalkii qaadi doono oo siyaasadiisu noqon doonto mid aan wax badan iska beddelin horumarna ku tallaabsan doonta.
Haddaba, waxa uu Salman dhashay sannadkii 1935kii, waxaannu ka mid yahay toddoba wiil oo loo yaqaan “Toddobada Sudairi”, sababtoo ah waa toddoba wiil oo uu dhalay boqor Cabdulcasiis Bin Al Sadu oo ay u dhaleen xaasaskiisa sida Hussa Bin Ahmed Sudari Al Saudi.
Boqorka cusub waxa uu waxbarashadiisa hoose ku qaatay dugsiga Amiirrada qoyska boqortooyada tacliinta hoose loogu dhigo oo ku yaal magaalada Riyaad, kaasoo uu aas aasan Ibn Saud si uu ubadkiisu wax ugu bartaan. Tacliintiisa sare wuxuu ku bartay Diinta iyo waliba cilmiga sayniska casriag ah (Modern Science).
Waxa uu jidka siyaasadeed qaaday isagoo aad u da’ yar, waxaannu noqday Badhasaabka Riyaadh sannadkii 1963-ki, isagoo ka faa’iidaystay waqtigii dagaalka siyaasadeed uu ka dhexeeyey Boqor Saud iyo Boqor Faysal oo ahayd laga bilaabo 1960-kii ilaa 1962-kii.
Ku dhawaad muddo 50 sannadood ah waxa uu goob-joog u ahaa horumarka Sucuudigu ku tallaabsanayey, gaar ahaan magaalooyinka, sababtoo ah waxa uu ogaa Sucuudiga oo u badan tuulooyin yar yar oo saxare ah.
Sannadkii 2011-kii waxa loo magacaabay Wasiirka Difaaca, isagoo 2012 si toos ah loogu dhawaaqay inuu yahay dhaxal-sugaha ugu horreeya ee boqortooyada, kadib markii boqorka geeriyooday labadiisi walaal ee ay isku hooyada iyo aabbaha ahaayeen Suldan iyo Nayef geeriyoodeen muddo sannad gudahii ah.
Aragtida difaaca Sucuudigu waxay ku dhisan tahay mid furfuran, sababtoo ah waxay hubka ka soo iibsadaan waddada Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska iyo waliba in xidhiidh lala yeesho qabaa’ilaadka Sucuudiga dega.
Salmaan laf ahaantiisa waa nin saamayn badan leh oo xidhiidh la leh shabakado qoysas ganacsadayaal ah kuwaasoo ay ka mid yihiin mulkiilyaaasha Wargeysyada ee Al Sharq Al Awsat ay ka mid yihiin, waxaaba la sheega in qoyskiisu wargeyska leeyahay warbaahin badan oo wargeyskan iyo mid la yidhaa Al Eqtisadiyah la yidhaa. Sidoo kale waxa uu 10% ku leeyahay Ururka Cilmi-baadhista Ganacsiga Suuqyada ee Sucuudiga (Saudi Research and Marketing Group (SRMG).
Waxyaabaha adkayn doona inuu xidhiidh badan dibadaha la yeesho waxa ka mid ah in Salmaan uu aaminsan yahay siyaasadda xidh xidhan ee aan furfurnayn, kuna dhisan hab dhaqameedka, iyadoo laga sugaayo inuu siyaasadda iyo bulshada isbeddel u keeno.
Waxa jira warar badan oo caafimaadkiisa laga sheego oo ku saabsan in aannu muddo dheer xafiiska sii joogi karin, waxa hore ugu dhacay cudurka faaliga (Waax-qalalka), taasoo ku keentay in dhaqdhaqaaqiisu noqdo mid xadidan.
Boqorkan waxa la sheega in maskaxda kaga dhacay cudurka la yidhaa dementia oo ah ka keena aakhirka asaasaqa sida uu faalo ahaan ku bixiyey Simon Henderson oo ka tirsan Mac’ahad magaalada Washington ee dalka Maraykanka ku yaala.
Boqorka hadda talada la wareegay wiilal badan oo uu dhalay waxay haystaan jagooyin badan oo muhiim ka ah qaranka, tusaale ahaan Amiir Cabdulcasiis waa Wasiir-ku-xigeenka Saliida, Amiir Faysal waa Badhasaabka Madina, Amiir Suldan waa Madaxa Hay’adda Dalxiiska.
Wiilasha wiilkiisa ugu saamaynta badan waxa la yidhaa Amiir Maxamed waana wiilka ugu weyn ee ubadkiisa ay u dhaleen saddexdia xaas ee boqor Salmaan, sababtoo ah Maxamed markii uu 30 jirka ahaa waxa uu noqday Madaxa Maxkamada Boqortooyada maamulka aabbihii.
Haddaba, qofka dhaxalka ka sugi doona Salmaan waa wiil ka yar oo ay walaalo yihiin oo la yidhaa Amir Muqrin oo ahaa Madaxii hore ee ciidammada Sirdoonka, kaasoo loo magacaabay March 2014 inuu noqdo dhaxalsugaha 2aad ee boqortooyada.
Geesta kale, Salmaan waxa lagu yaqaan inuu yahay nin xaliya khilaafka soo kala dhax gala qoyska boqortooyada oo ku dhawaad 4,000 amiir ku abtirsadaan, waxaana inta badan lagu xantaa inuu yahay nin talada ugu weyn ku lahaan jiray soo dooriska golayaasha u taliya sharci-dejinta Sucuudiga.
Hadalkii ugu horreeyey ee uu ka jeediyo markii xilka boqortinimo uu la wareegay waxa uu ku sheegay inuu darriiqii aasaasihii Sucuudka Boqor Cabdulcasiis ku wadi doono majaraha siyaasadaha iyo maamulka uu dhaxalka ku helay.
“Carabta iyo Qaramada Islaamka ah waxay maanta u baahan yihiin midaw iyo isku duubni is jacayl ku jiro. Waxaannu dalka ku wadi doona nidaamkii u yaalay. Boqortooyadayaduna waxay ballanqaadaysa in ay qaado tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso midnimada iyo difaacida Sucuudiga. Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu kalkaalo in aan dadkayga qaliga ah u adeego, rajadoodana fahmo, kuna guulaysto sugida ammaanka iyo xasiloonida qarankayaga, kana difaaco shadaadiinta, Ilaahaybaana taas awoodda,” ayuu yidhi boqor Salman.
Boqor Salmaan waxa uu wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan u magacaabay inuu noqdo Wasiirka cusub ee difaaca iyo Madaxa Maxkamadda Boqortooyada.
Tix-raac
1. Al Jazeera
2. CNN
3. Al Arabia
4. Al Sharq Al Awsat