garyaqan abdikarimSida aan kala socono warbaahinta maxaliga ah iyo ta dibadaba waxaa maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraya dadka loo laynayo si arxan darro ah ama bilaa sabab ah, waxaad maqlaysaa qof baa halkaa lagu dilay, mid kala meel heblaayo maydkiisa laga helay. Hebel baa inta la kaxaystay maydkiisa meel lagu tuuray. Nin baa xaaskiisii qudha ka jaray ,Gabadh baa ninkeedii gawracday, mid baa inta la dilay maydkeedi god daarada guriga god looga qoday oo lagu aasay. Mid baa ……………… qof kala …………………..

Waxa ay taasi socotaba waxaa muddooyinkii ugu danbeeyay inoo bilaabantay arrin inagu cusub oo aan hore loo maqli jirin marar ay mid mid si adag u dhacdo mooyee, waxa la maqlaa la soo sheegaa askari ciidan ah baa toogtay oo dilaya taliye guuto amma askari ka tirsanaa guutadiisa oo ahaa kii ay dhaxanta iyo cadawgaba iska kaashanayeen. Ha ugu horreeyo ninkii labada sarkaal ee ciidanka qaranka ahaa ku toogtay jiida hore ee ay ciidanka Somaliland fadhiyaan , haddana mid kale ayaa isna ku dilay jiida hore ee fadhiisinka ciidanka qaranka somaliland ee GAMBADHA IYO ……………………….. haddana waxan shalay markay goor sheegtu maraysay 5:00pm aan furay websiteska qaarkood si aan wax uga ogaado wararka cusub ee saacadihii ugu danbeyaya warbaahinta, waxaan isha la raacay wararkii ku qornaa mise waxaa indhahayga ku soo dhacay askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaaliland ee jiida hore ayaa waxa uu toogtay oo uu dilaya taliye guuteedda 93 aad ee ciidanka.

Haddaba, waxaas oo dil ah ee aan ka soo sheekaynaynaa ee soo dhacayey muddooyinkaas badani waa dhibaato iyo naxdin hor leh oo waddankeena ku soo korodhay, taasoo magac xumo iyo laf jab ku ah nabadgalyadii aan ku faanaynay ee aan caalamka ka iibinaynaya, innaga oo leh “ Somaliland waa dal nabdoon oo ay ka jirto kala danbayn ballaadhani, dalka gudihiisa saacada aad doonto ayaad soconaysaa habeen iyo maalin, miyi iyo magaalaba. Waa dal aan dadkiisu hubaysnayay oo ku arki maysid qof aan askari qaran ahayn oo suuqa la jooga qori ama hub kalaba, suuqa dhexdiisa ayaa lacagta la soo wadhaa, oo dahabku yaalaa, meheraduhu wada camiran yihiin, iyadoo aanay jirin cid waardiyaynaysaa ama qof ku ilaalinaysaa , waxay taasi ku suuro gashay ammaankaa iyo nabadgalyadaa uu ilaahay inagu manaystay” Markaa walaal ma inala tahay in haddii sidaas ay ku sii socdaan dilalkaas iyo falalkaasi xumi in dalku sidaa ammaan inoogu ahaanayo , jawaabtu waa maya qof kastaa naftiisa ayuu difaacayaa oo qori buu soo qaadanaya dadka kala shakiyaya oo ka laba jeer ku soo eegaba waad ka bacoobaysaa kana taxadiraysa. Haddaba Ilaahay waxa uu quraanka kariimka ah inoogu sheegay SUURATU BAQARA in qisaasta ay inoogu sugnaatay nololi yacnii qofkii wax dila oo loo dilaa waa badbaado oo waynu ku kala nabadgalaynaa nololna waa ku helaynaa ” ولكم في القصاص حياة يا اولي الباب”.

Waxaan aaminsanahay oo dad badanina qabaa in dilalkii fulinta ahaa oo aan muddo la fulin intoodii dhaaftay nidaamnkii sharciga ahaa ama darajoojinkii xukunnada, ee ehelada kii la dilayna codsanayaa in loo fuliyo qisaasta ay sababta ugu weyn tahay, waayo qofkastaa naftiisa ayuu u baqan lahaa oo si fudud uguma dhaceen inuu xabada qaato oo uu qof nool qudha ka jaro. Waxan soo jeedinayaa in aan shareecada islaamka iyo ku dhaqanka Quraanka qaadano oo aan ku fulino qisaasta qofkii mutaystay ee eheladu codsanayaan.

Allaa mahad leh

Allahayoow ka yeel dalka Soomaaliland dagal barwaaqo, guri lagu nagaado bashshash iyo badhaadh barwaaqo

Guul iyo gobonimo

Qalinkii: garyaqaan A/kariim sh.Mahamoud A/laahi “Suldaanka”
suldaancabdi4@hotmail.com
9042120