marxuum maxamed rashiidGeerida Maxamed Rashiid Muxumed Faarax Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay shil Baabuur ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, Khamiistii 25 Dec, 2014, ayaa lagu aasay Xabaalaha xeedho ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa.
Hubaal weeye in aanu jirin qof ka badbaadaya wadada geerida, waana mid qof walba oo innaga mid ah sugaysa oo aynu yiqiinsanahay, balse waxa hubaal ah in geerida Marxuum Maxamed Rashiid Muxumad Faarax ahayd naxdin iyo murugo laga dareemay deegaamada Somaliland oo dhan iyo dhulka soomaalidu degto inta baddan.
Marxuum Maxamed Rashiid labaatankii sanadood ee u danbeeyay noloshiisa wuxuu u huray xoriyada saxaafada Somaliland iyo hirgelinteeda, wuxuu ahaa halyay hoggaamiye ah oo door aan la ilaawi Karin kasoo qaatay xoriyada saxaafada Somaliland iyo hirgelinteeda, taas oo ahayd mid mabda’iyan ka go’an, isla markaana wuxuu ahaa shaqsi Illaahay hibo u siiyay hoggaaminta iyo Abaabulka oo jecel ururinta dadka iyo asxaabta, waana taas ta mararka qaar u muujinaysay Abaanduule iyo gadhwadeen u dhashay geed adaygnimo.
Marxuumka dabeecad wanaaga iyo dadnimadiisa oo ahayd mid muuqata iyo bashaashnimadiisa, ayaa kalgacal baddan u gelinaysay qof walba oo ay is bartaan, taas ayaa ka dhigtay Marxuum Maxamed Rashiid inuu saaxiibo baddan ku yeesho deegaamada soomaalida oo dhan iyo meelo kale oo dunida ah oo ka baxsan Somaliland, sidaa darteed waxa hubaal ah in Marxuum Maxamed Rashiid Muxmad Faarax geeridiisa ay ka murugoodeen kumanaan qof oo ka baxsan gobolada iyo deegaamada Somaliland.
Wuxuu ahaa qof jecel xalinta iyo maaraynta khilaafka, maaha saxafaadda oo keliya ee Marxuum Maxamed Rashiid, wuxuu ahaa xidhiidhiyaha iyo Odayga kooxo baddan oo dhalinayaro iyo asxaab ay ahaayeen oo qaarkood ku jira ganacsiyo balaadhan, kuwaas oo runtii u tebi doona doorkii uu lahaa sida looga tebi doono saaxadda saxaafadda Somaliland iyo goobaha xoriyatul qawlka.
Marxuum Maxamed Rashiid, wuxuu lahaa astaamo baddan oo Ilaahay ku manaystay, wuxuuna ahaa xidhiidhiye iyo gar-gaare u samafala qof walba oo uu dareemo dhibaatadiisa boqolaal dhalinyaro ah ayuu ka dhigay qoysas deggan oo uu doorka ugu weyn ka qaatay inay yagleelaan qoysas. Sidoo kale Marxuum Maxamed Rashiid, wuxuu lahaa aragti fog oo uu ku naaloonayay oo maskaxdiisa ka guuxayay, kuwaas oo uu doonayay in lagu hormariyo saxaafadda Somaliland, isla markaana uu qaarkood waqtigan dhidibada u taagayay, balse xaqa Ilaahay iyo mawdku kasoo gaadhay.
Maaha kuwo aynu kusoo koobi karo taariikhdii iyo noloshii Marxuum Maxamed Rashiid intaa oo keliya, waxaana laga bixiyay sifooyin dhamaantood lagu tilaamamay inuu ahaa Adoon wanaagsan oo u taagnaa horumarka iyo xoriyada saxaafada, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Mr. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo tilmaamaya doorkii marxuumka, wuxuu yidhi, “marxuumku waxa uu ahaa nin aad u dedaal badan oo markasta saxaafadda madaxabannaan uga fikiri jiray sida waalidku ay ubadkooda uga fikiraan,” ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamed Ducaale, isagoo marxuumka Alle uga baryay inuu naxiirtii Janno ka waraabiyo, samir iyo Iimaan saadiq ahna ka siiyo dhammaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay. Sidaa awgeed waxa hubaal ah in geerida Maxamed Rashiid Muxumad Faarax saxaafadda Somaliland u muujinay sidii ay yihiin Aggoon uu Aabohood dhintay, waxaana murugo iyo xanuun ah sida aanay u muuqan cid buuxin karta kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ku baneeyay saxaafadda Somaliland iyo saaxiibada kale ee uu gadhwadeenka iyo guddoonshaha u ahaa.
Alle ha u naxiirto Janno ha ka waraabiyo, samir iyo Iimaan saadiq ahna haynaga siiyo dhammaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay, bahda saxaaafadda, qoyskii qaraabadii ehelkii iyo saaxiibada tirada baddan ee uu ka baxay Marxuumku.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com