1Maadhiin Tayuub

By. Maadhiin Tayuub
Maalmahan waxa jiray mooshin ay wadeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada ee caadaystay mudo-kordhinta, mooshinkaa oo la doonayo in wax lagaga badalayo xeerka golayaasha deeganka ee dalka qodob ka mida oo ah, kaas oo ah mid la doonayo in lagu fududeeyo xilka qaadista Maayarada si ay u noqoto Afar iyo Toban xildhibaan inay ka tuuri karaan kursiga in imika laga dhigo xilka qaadista Maayarada hal dheeri, taas oo dhibaato ku noqonaysa habsami u socodka hawlihii qaranka ay u hayeen golayaasha deeganku.

Waxa kale oo dhacaysa in Xildhibaan kasta oo dantiisa ka waaya Maayar inuu abaabulo, ama ay u fududaato inuu keeno mooshin uu kaga araa-guto. Sidaa darteed waxan golaha wakiilada usoo jeedinayaa inay ka noqdaan Mooshinka dhibta u horseedi kara golayaasha deeganka ee dalka, waxa fiican in la abuuro xeer Maayarada lagu xakamaynayo oo haddii uu jabiyo loo cuskado sida haddii uu gudanwaayo wajibkiisa iyo sidoo kale haddii uu ku kaco musuq-masuq in xildhibanadu kusoo ooggaan Maayarka mooshin, iyagoo ku eedaynaya wuxuu jabiyay, ama ku xadgudbay xeerkii, laakiin haddii aan xilka qaadista xeer loo cuskan ummadana loo sheegin dembiga uu galay waxay iska noqonaysaa iiga kac aan fuulee, taasina waa jaha wareer iyo curyaamin.
Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah marka Ninka Maayarka doonaya ee 14 xildhiban kasban waayay maba aha shaqsi hogamin kara golaha, ama maagalo Maayar ka noqon kara, sidaa awgeed waxaan golaha wakiilada u soo jeedin lahaa in ay mooshinada iyo shaqadooda ku dabakhaan rabitaanka shacbiga iyo waajibka ay qaranka u hayaan oo ay ku foofaan hawlaha muhiimka ah ee laga sugayo sida xeerkii caasimada oo laga sugayo inay dhamays tiraan, xeerkii is mamulka gobolada iyo dagmooyinka iyo kuwa kaloo dalkan mihiim u ah oo ay indhaha ka qarsanayaan, balse aanay ku mashquulin xeer dano gaar ah laga leeyahay, waxaan leeyahay golaha wakiiladda ee awoodi waayay inay sameeyaan xeerkii lagu dooran lahaa ma waxay ku bedeleen inay dhooqeeyaan golayaasha deegaanka ee xalaasha ah, waar dalka sidan u dhaama.
Wabilaahi Towfiiq.
By. Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub).
madhin77@gmail.com