Gorfaynta: Buugga Taariikhda Soomaalida ee uu Qoray
Jaamac Maxamed Qaalib (2020)

By. Sayid-Axmed Dhegey

Magaca buuggu waa Taariikhda Soomaalida. Maxaad filaysaa? Haa taariikhda dadka Soomaalida oo dhan. Isirka Soomaaliyeed waxay degaan geeska Afrika, dhinaca ugu sii geeseeya. Waa dad ku kala nool maamullo kala geddisan,

laakiin waxa mideeya magaca Soomaali.Buuggu magacaas uu qoraagu siiyey ma buuxinayo. Isaga oo keliya maaha ee buuggii uu qoray Cawil Cali Ducaale ayaa isaguna waxa uu u bixiyey: Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed.

Halkaa marka aan marayo, aan idhaahdo taariikhda Soomaalida marka la qorayo, ma aha sida xusuus qorka qof uu inoo qoro wixii uu xasuusto. Waa hubaal in taariikhdu tahay dhacdooyin la soo dhaafay oo la isu geeyey, laakiin waa in marka la qorayo aanay noqon wax qof ku kooban.

Qofka wax badan u soo joogay laba qaab ayuu wax u qori karaa. 1. Xusuus-qor uu isagu innooga warramayo, wixii uu u soo joogay iyo wixii uu maqlay, oo uu inoo sheegayo halkii uu ka maqlay ama akhriyey. 2. Inuu inoo soo gudbiyo taariikh uu raadraac fiican u sameeyey, oo aanuu isagu innala hadlayn, ee uu innala hadalsiinayo raadraacyo, maqal, muuqaal iyo qoraal
ba leh. Tan labaad ayaa taariikh ah, oo haba ka dhexmuuqato aragtida uu qofkaasi aaminsan yahay, laakiin toos innooma tusayo waxa uu aaminsan yahay. Waayo waxa uu soo gudbinayaa waa taariikh, deegaan, dal ama ummadi leedahay. Buuggan Jaamac waxa uu aad ugu habboonaa in uu u bixiyo (Xogogaal ama Waxaan u soo joogay)

Gorfaynta Buuggaa halkan ka akhriso.

 

Gorfayn-Buugga-Taariikhda-Soomaalida-ee-uu-qoray-Jaamac-M.-Qaalib-3 

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.