Jude Kelly
Farxad bay u haystaan wallee, gaal fashiista ahe

· Doofaar finaaqeey hadhow, furar ku maaleene

· Wataa subaga faarka leh cuntee, faraxal yoow dooni

Diinteenna suuban waxa ay dhiirri gelisay wax akhriska iyo qorista. Farriiintii koobaad ee soo gaadha nebigeenii Muxamed (NNKH) waxa ay ahayd ”wax akhri”. Taasina waxa ay caddaynaysaa mudnaanta ay diinta islaamku siisay in la barto aqoonta. Sidoo kale qur’aanka waxa aad ku arkaysaa Alle -sarree oo korree- oo ku dhaaranaya qalinmaanta iyo buugaagta.

Sidoo kale waxaa la innoo ogol yahay in aynu wax ka faa’idaysanno qof kasta oo innaga aqoon badan. Aqoontaasi aynu ka dheefsanaynaa waa in aanay noqon mid saamayn ku yeelanaysa diinteena iyo dadnimadeena.

Magaalada Hargaysa sannad walba waxa lagu qabtaa ‘ Carwada Bandhigga Bugaagta oo uu soo agaasimo Jaamac Muuse Jaamac; maamulaha “Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa’’

Bandhigga buugaagta sannadkan 2015 ayaa soo shaac saaray ujeeddo qarsoon oo laga leeyahay bandhigga buugaagta iyo inay ka gun dheertahay in dhallinyarada lagu dhiiri galiyo akhriska iyo qoraalka. Arrintan sirta ah ayaa la ogaaday markii bandhigga buugaagta lagu arkay; barnaamij aad uga dhex muuqday oo layidhaa haweenka dunida ‘World of the Women’ (WoW). Barnaamijka WoW ayaa sannadkan lacag maaliyadeed oo badan ku bixiyey sidii loo qaban lahaa carwadan buugaagta.

Wuxu yidhi abwaankii waynaa ee Cabdi Iidaan:

Dalba juuqahaaguna

Wax la dado ka xeel dheer

Allow yaa ku dooxoo

Haddana aan ku dilinoo

Waxaad damacsantee kale

Dibadda ula soo baxa

Somaliduna waxay ku maahmaahdaa “Walle karintan haddaan laga guurin, goroyo heeryeysanna way iman”

Waa run oo maanta waa innagaa arkayna waxa ka dhacay ”Bandhigga Buugaagta Caalimaga ah ee Hargaysa” wax intaas kasii daranna ka filo haddaan laga hor tagin Bandhiggan Fusuqa.

Barnaamijkan WoW ayaa waxa aasaastay gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska oo la yidhaahdo Jude Kelly.

Jude sidoo kale waa agaasimaha fanka ee xarunta South Bank ee Ingiriiska.

Gabadhan ayaa ka mid ahayd dadka martida ah ee sida cad cad uga dhex muuqday Bandhigga Buugaagta ee sannadkan.

Hadaba aan is waydiino, waa tuma Jude Kelly? Maxay ahayd u jeedada ay Hargaysa u timid?

sssttt

Jude aasaasaha WoW ahna agaasimaha xarunta fanka ee South Bank, waa gabadh u ololaysa guurka dadka jinsiga (homosexual) ah, sida nin iyo nin amma gabadh iyo gabadh.

Waxa ay muruq, maal iyo maskaxba galisaa, sidii ay dumar u fidnayn lahayd ee ay u suuldaarayn lahayd.

Qoraallo lagu baahiyey warbaahinta standard ee dalka Ingiriiska ayaa war bixintan Jude siisay aan kasoo guuriey:

(Everyone, she says, can learn from the gay community, who embrace a much wider view of sexuality. Gay rights are close to her heart; she tells me proudly that her 27-year-old daughter, Caroline, a poet, is gay and will be marrying her partner later this year.)

“Qof waliba ayaa ay tidhi (Jude) wax buu ka baran karaa bulshada liwaadka. “Gay society” kuwaas oo waafi ka dhigay fikirkooda la xidhiidha galmada.

Guurka lammaanaha isku jinsiga ah aad bay qalbigeeda ugu weyn yihiin.

Waxa ay sheegtay in ay u han weyn tahay inan teeda 27 jirka ah ee Caroline oo gabayaa ahi, inay guursan doonto gabadh kale dhowaan.”

Iyada oo warbixintu sii wadda arrintaas waxa ay tiri: “ Kelly waxa ay ka furaysaa xarunteeda South Bank, goob ay isku aroostaan dumarka is guursada iyo ragga isguursadaa.”

Jude waxa si fiican loogu soo dhaweeyey magaalada hargaysa, oo ay khudbado ka jeedisay Bandhigga Buugaagta halkaasi oo aad loogu wayneeyey.

Dabadeedna intaa kuma ay joogin ee waxa ay kulanno gaar ah la qaadatay hablihii reer hargaysa oo ay gaadhsiisay fikraddii foosha xumayd ee ay wadday.

Sidoo kale waxay ay gabadhani la kulantay ururrada bulshada taasi oo keeni karta dhibaato ba’an. Waxaa suurto gal ah haddii gabdhani xidhiidh la samayso ururada bulshada ee Somaliland in ay saamayn ku yeelan karto hawlaha ururada Somaliland looga bartay.

Waxa suurto gal ah in ay sadhayso oo ka dhaadhiciso fikirkan liwaadka ah ee ay waddo, iyada oo usoo maraysa meelaha ay u liitaan ee ay u nugul yihiin ururada bulshadu sida mashaariic, koorsooyin dibadda ah, maal-gelin, tobabarro…..ikk

Sayid Maxamed Cabdille ayaa gabay uu tiriyey ku yidhi:

Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe
Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye

Waxaabad mooddaa inuu sayidku ka hadlayey waxa maanta hargaysa ka dhacaya ee ay ka waddo shaydaamadda Jude.

Maalintaas uu sayidku ka hadlayey may jirin gaal liwaad ka waday gayiga somaliyeed balse waxa uu sheegay in uu saadanbe oo maanta ah lasoo bixi doono waxaan laga filanayn.
Akhriste gabadhan isku sheegtay gadhwadeenka Haweenka Dunida, ma u malaynaysaa in aynu isku duni nahay? Isku haweenna ka waramayno?

Waa kala maan, dunida ay ka sheekaynayso ee reer luud iyo dadka somaliyeed ee 100% islaamka ah.

Gabadhan shaydaamada ah waxa ay kasoo jidaashay carri fog, iyada oo ay innoogu timid malkadeena si ay inoo siiso sun ay adagtahay kasoo kabashadeedu. Waa suntii lagu halaagay reer luud markii ay dhadhamiyeen.
Waxa layidhi, geedbaa yidhi: “ Gudinyahay imaad goyseen, haddaan badhkay kugu jirin” Jude hargaysa iskamay iman ee waxaa, u fududeeyey ninka sheegtay inuu yahay guddoomiyaha Bandhigga Buugaagta oo if iyo aakhiroba lagala xisaabtami doono falkaas foosha xun.
Hablaha reer hargaysa mar ayaa la dagay, se mar labaad la dagi maayo. Qofka muslimka ahna god laba jeer lagama wada qaniino, Bandhigga Buugaagta iyo xaruunta dhaqanka ee hargaysana waxa ay sannadka soo bandhigeen afkaarta iyo mabaadi’da qaldan ee ay kasoo qaadaan qaaradaha fog-gog.

Dawlada Somaliland oo ay dadkeedu u doorteen ilaalinta diintooda iyo naftooda ayaad moodaa inaanay kaba war qabin arrintan dhabar jabka ku ah mustaqbalka bulshada reer Somaliland.
Dhallinyarada reer hargaysa waa ay ku ammaanayaa in ay mudanyihiin sida ay uga falceliyeen arrintan. Waxa aan ogaaday inay hargaysa joogaan dhallinyaro caqli badan, hawl-kar ah, xor ah, ku sifaysan akhlaaq wanaagsan, fikiraya, doonayana inay samaystaan mustaqbal fiican. Dhallinyaro qanacday khayr ma leh ee waxa barakaysan oo burjigoodu sarreeyaa dhallinyaro hammigeedu sarreeyo.

Maanta laga bilaabo barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen. Dhammaanteenn waxa aynu nahay masuuliyiin, qofkastaana haddii uu ilaaliyo qaybtiisa waxa hubaal ah in aan dhanna, waraabe danbe inooga soo dhacayn. Intaasina ha inoo ahaato cashar aynu kaga gaashaamanno aragtiyaha dus duska ah ee la inoogu soo gudbinayo sida hoos ahaantaha.

E-mail: mukhtaar717@gmail.com