Waqti kastaa wuxuu leeyahay Samaan iyo xumaan waayuhuna waxay usocdaan wareegto Balse waxa xilli kasta ka adag dadka iska difaaca xusuus xumo iyo xanaf uu ku reebo WAQTIGU.

Somaliland hadda waxay tahay Dal Aduunku indhaha ku hayo waxa laga daawanayaa dacalada Dunida waxaa la dareemayaa markasta waxii ka dhacaya gudaheeda ,waxaynu dacal isaga dunay doorashooyin Dalkeena Soo maray oo aan dhib iyo dharaaro xun inagu reebin waxaynu dhawranay dhulkeena waxaynu dhisanay Qaran isu dhigay sidii dawlad guun ah inaga oo aan ictiraaf haysan ayeynu dhidibada u taagnay tiirar udub dhexaad u ah dhinackasta oo nolosha ka mid ah .

Qaranku wuxu soo dhaafay xili uu liiq-liiqdo marka la yara lig-ligo waayo xidid guun ah iyo xukuumado dhisan oo shacabku laf-dhabar u yahay ayaa Dhankasta ka joogay taariikhduna way is dhigtay oo way qoran tahay .

Doorashooyinkii Dalkeena ka dhacay Dharaarihii ay awoodeenu intan ka yarayd waxay ahaayeen duruus isku daabacay Bogaga wanaaga iyo wadajirka somaliland duniduna qiimaynaysay,waxaa danta dalka iyo dadka markasta tanaasul iyo isutashi kaga go’aan qaadanayey Hogaamiyayaashii Guusha Haneeyey Guul daradana Aqbalay Iyo Shacabkii Nabada Doorbidayey.

Xiligan waxaad moodaa markaad dareenka dadka eegto inay ka wer-wersan yihiin Doorashada La Filayo inay Ka Dhacdo dalka Waqtiga ay inaga xigto Maalmaha kooban ee 3 cisho ah ee Loo asteeyey 13-Nov -2017 Waxaana shacabku Farta Ku hayaan wadnaha inta jecel samaha iyo jiritaanka somaliland Balse waxa jira dad iyagu hilmaansan inay doorshada ka weyntay Danta dadka iyo Dalkeena.

Xisbiyadeena waxaan u arkaa dad xalaal ah oo aan xumaheena ku talinayn Halkii lixdankii Uma Malaynayo inuu xisbina u xaglinayo Balse xod-xodashada siyaasadeed ee ay xisbiyadu codka ku doonayaan ayaad moodaa inay dhaafayso xayndaabka Ololaha .

Cidkasta oo maanta somaliland joogtaa waxa saaran masuuliyad Qof ,Qoys Iyo Qaran Taasoo la rabo inuu dhankiisa Gacan adag ku hayo ,Siyaasiyoow Hadimo ha talin hantaaqana ha horseedin ,Shacaboow Hiilkaagu waa codkaaga oo aad ku taageerto Murashaxa aad Taageersan tahay Laakiin yaanu Kugu Guurin nimaan adiga kuu furayn Ha horseedin ammaan xumo Adigu aad Eedo Hadhaw yaanay ku qaadin caadifad Calan jacayl Iyo Qabyaalad .

Wuxuu dalku hagaagayaa markay hinjiyaan Hareerahana hayaan Dadkiisu, Allaa Qoray Qofka Fuulaya Kursiga Madaxweyne ee somaliland Qadarna cidi ma baajin karto Waxaa lagaa rabaa inaad noqoto Muwaadin Jecel dalkiisa Iyo Ciidiisa Caqligiisuna Shaqeeyo Oo Aanay Xamaasadu Xadhkaha Goynin.

Xaqa u hiili Xilkaaga Gudo Xumaana Ha horkicin xaladaadu markasta ha ahaato Mid dagenaan wax ku dooranaysa Ogow Fartaad ku codaynayso Waxaad Ku Dooratay Musharax laakiin haduu dhaco waxa adigu kuu madaxweyne ah kii soo baxay Ka kale haka yeelin haduu diido wixii soo baxay uu si kale wax u doono.

Mudane Musharaxoow Maqal warkaygan U Meeldayo Aakhiradaada Aaamin Qadarka Oo Ha adeegsan dadka Jilicsan Carruurta iyo dumarka Waa duulkaagi oo Dhibtu Dhinacna Kuu Dhaafimayso.

Waxaad aaminteen Komishanka somaliland wixii ay sheegeen Kolayba Mid uunbaa soo baxayee Go’aan sax ah ka qaado Cidhib danbeedkaagana ha Tir-tirin Waxaad tahay ayaad tahaye Kalsooni iyo bisayl Siyaasadeed muuji Waddan jacayl Iyo waayeelnimo muuji.

Waa Qalinkii

Maxamed Mataan Gabalaax (Moto)