1Maadhiin Tayuub
By. Maadhiin Tayuub
Waxan maalmahan golaha guurtida ku cakiran heshiiskii xukuumadda iyo xisbiyadu ka gaadheen khilafkii mudada doorashada, heshiiskaa oo dalka iyo dadkaba mihiim u ahaa dadkuna ku farxeen in murankii xal lagaga gaadho.
Haddaba waxa layaab ah arrinta Madaxwaynihii loo kordhiyay ka tanasulay, isagoo ka eegay midnimada iyo wada jirka ummada in golahii guurtidu yidhaahdaan socon mayso.
Waxa haddaba lagama maarmaan ah marka aynu eegno sharciga iyo wixii aynu ku dhaqmi jirnay dooda guurtidu ma sax baa mise waa khalad, aniga rayigayga markaan eego waayihii ina soo maray golaha guurtidu In baddan ayay arrin muran keentay xal ka gaadheen, kuna xaliyeen arrin aan shirci ahayn, waxa u danbeeyey tii Baarlamaanka(Wakiiladda) oo ay xildhibano sitay mooshin shirciya guurtidu hor istaagtay, kuna xalisay waaxan shircigii golaha ahayn.
Labadii dhinac ee is hayayna ku qanceen wali arrin lagu murmay oo guurtidu dhex gashay laguma xalin shiciga, balse waxa lagu xalin jiray wixii guurtidu xal u aragto runtiina rag ayay ku adkaan jirtay oo xukunkaasi ku adkaan jiray arrinta maanta guurtida ku addagi, waxay noqonay Guurtiyeey in baddan ayaad go ‘aan addag cid ku rideen oo laydinka qaatay idinkana maanta waxa loo bahan yahay inaad u qaadataan si xil kasnimo ah oo Odaynimo ah oo guurtinimo ah oo tudhaale ah oo adkaysi ah ku aqbashaan go’aankan xalka qaranka loo arkay, kana noqotaan goaankiinan qaranka u horseedaya tafaraaruqa, muranka iyo is qabsiga.
Waxa qaranka sharci u ah wixii ummadu isla garato, ama ku heshiiso heshiiskan waxa galay saddexdii xisbi qaran oo matalaya shicibka iyo Madaxwaynihii qaranka, waxa kaloo ku jira hogaankii golaha Wakiiladda oo isna qayb ka ah, ama ku jira mudo-kordhinta, haddaba waxa la odhan karaa go’aankani waa go’aan qaranku gaadhay waxa kaloo xusid muddan in wax laga baddalo go’aan mudo-kordhin lagu sameeyay haddaba haddii guurtidu arrintan ka noqan waydo waxa dhici in beri marka muran yimaado ee guurtidu xal keento in la yidhaahdo yeelimayno.
Guurtida waxaan xasuusin lahaa malinii ay Muuse Biixi xukumeen wuxuu yidhi, “ inkastoo ay igu adagtahay haddana waxaan u yeelayaa danta qaranka marka waxan guurtida u soo jeedinayaa in ay maraan wadadii geesinimada iyo adkaysiga lahayd ee Muuse Biixi ku liqay go’aankii ku adkaa inaad idinkuna ku liqdaan go’aankiina danta qaranka iyo midnimada umadiina iyo xisbiyada qaranka loona gudbo hawlaha qaranka, waxay soomalidu ka maah maahdaa geel duqbaa loo tumaa marka idinku wixii idinku qalooca ku dhaafa danta qaranka in baddan ayaad tidhaahdeen hebalow tanaasul xisbigasow tanaasul maanta indinku qaranka u tanaasula Guurtiyay ayaan odhan lahaa.
Wabilaahi Tawfiiq
Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub)
madhin77@gmail.com