Halgamayaashii SNM iyo Hagrashada ku habsatay.
Waa mowduuc murti iyo taariikh isku dhafan oo taabanaya farqiga u dhexeeya geesinimadii halgamayaashii SNM (Somali National Movement) iyo xaaladda bulshada maanta ee ay ka muuqato hagrasho, hammi la’aan, abaal-gud la’aan, iyo dareen la’aan dul-hogganaysa madax iyo mijoba.
Halgamayaashii SNM waxa ay ahaayeen dad naf iyo maal u huray xorriyadda, caddaaladda iyo karaamada dadka Somaliland ee reer waqooyi. Waxa ay rumaysnaayeen in ummaddu u qalanto in ay yeelato dowlad cadaalad ah, adeegyo bulshadda ah iyo madax-bannaani dhab ah, laakiin maanta, halgankii shalay lagu qaaday dhiig, naftu ku baxday iyo riyooyinkii halgamayaasha waxa badalay hammi la’aan iyo danaysi, abaal yaa guda ?.
Dadkii xorriyadda loo keenay waxa ay u muuqdaan kuwo aan u halgamayn sidii ay u ilaalin lahaayeen himiladii iyo qiimihii halganka iyo halgamayaasha.
Farqiga la dareemayo:
1. Halgankii shalay:
• Ku dhisnaa fikir, qaranimo iyo isu tanaasul.
• Dadku waxa ay aaminsanaayeen in
la dhisayo mustaqbal ka
wanaagsan kii hore.
• Qof walba waxa uu dareemayey mas’uuliyad ummadeed.
2. Bulshada maanta:
• Qof walba dano gaar ah ayuu
raadinayaa.
• Halgankii lagu dhintay waxa loo adeegsaday magac iyo manfac siyaasadeed.
• Abaalgudkii SNM waxa uu noqday tacab khasaar iyo gudasho la’aan.
Halgamayaashii SNM waxa ay u dhimanayeen runta iyo xorriyadda, halka bulshadeennu maanta u muuqato mid ku nool beenta, qabyaaladda, hunguri danaysi iyo abaal-laawe.
Casharka laga baranayo ama taagani waa:
•Haddii bulsho aanay qiimayn
halgankii shalay, mustaqbalkeedu waa mugdi iyo taariikh la’aan.
•Xorriyad la illaabaa waxa ay isu beddeshaa addoonsi cusub, mid maskaxeed iyo mid dhaqan.
•Waa in jiilasha cusub la baro qiimaha halgankii SNM, si aysan u noqon bulsho hilmaantay dhiiggii lagu xorreeyay dalkan iyo kii halgamayaasha.
Halgamayaashii SNM waxa ay ahaayeen astaan sharaf, geesinimo iyo wadaniyad lahayd, laakiin Hammi la’aanta maanta waa dhaawac ku dhacay maskaxda ummadda, waa in la toosaa, si loo ilaaliyo qiyamka iyo riyada ay ku shahiideen kuwii naftooda bixiyay, una huray xorriyaddan iyo nabaddan lagu naaloonaayo.
Halkudhig-murtiyeed baa tidhaa: Qofka u dagaallama ummad juhalo u baddan, waxa uu la mid yahay sida midka naftiisa dab ku ololiyay si uu jidka ugu iftiimiyo indhooleyaal.
“ He who fights for an ignorant people is like the one who immolates himself by fire to light the way for the blinds.”
Halkudhig-murtiyeed waa odhaah am.a weedh gaaban oo xambaarsan xikmad, waayo-aragnimo iyo cashar nololeed, waxaana badanaa lagu cabbiraa run guud oo bulshada laga bartay, sidaas oo kale waa hadal kooban balse micno ballaadhan leh oo bulshada lagu wacyigeliyo ama loogu muujiyo aragti nolosha ku saabsan.
Haddii la sii Sharraxo, waxa ay la macne tahay in qofka naftiisa u hura ama u dagaallama dad aan wacyi iyo waciid lahayn, garasho iyo aqoon aan lahayn ama aan geesinimo iyo go’aan-qaadasho lahayn, dadaalkaagu, inta badan, waxa uu noqdaa mid khasaaraya, dadkaasi ma fahmaan, ma qiimeeyaan, mana raacaan dadaalkaaga iyo halganka loo soo galay, Inkasta oo ujeedkaagu yahay mid sharaf leh, haddana cidna faa’iido uma yeelayso, waayo kuwa aad u iftiiminayso ee u halgantay ma arkaan iftiinka aad u siddo amma u keentay.
Waa weedh micno qoto dheer leh oo tilmaamaysa xaqiiq murrugo leh oo taagan marka halyey, caalim ama hal-abuure uu naftiisa iyo noloshiisa, waqtigiisa iyo fikirkiisa u huro dad aan fahmin qiimaha halgankiisa.
Marka qof garaad leh ama halgan wadani ah uu dadaal ku bixiyo sidii uu bulshadda u wacyigelin lahaa, u xorayn lahaa, u horrumarin lahaa ama u xoreeyey, balse bulshadaas ay ku jirto Tiih iyo jaahilinimo, cabsi amma danaysi gaar, waxa dhacda in dadaalkiisii la iska indho-tiro ama laftiisa lagu eedeeyo, ama la yiraahdo waa dhib-bade, halka uu dhab ahaantii u ahaa mid doonaya badbaadadooda iyo iftiinka runta ah.
Sidaa darteed, weedhani waxa ay muujinaysaa xanuunka iyo daryeel la’aanta hogaamiyayaasha runta ah ee xorriyaddan, kuwaas oo iftiin u keenay bulshooyin aan diyaar u ahayn inay arkaan iftiinka, sida muuqanaysa.
Qofka u dagaallama ama u halgama dad aan garanayn qiimaha xorriyadda, caddaaladda iyo aqoonta, waxa uu halis ugu jiraa in uu gubo naftiisa isagoo doonaya inuu iftiimiyo jid ay ka indho la’ yihiin kuwa uu u iftiiminayo – waa geesinimo la horgeeyay jaahilnimo, waa halyey naf-huray, balse dadkii uu u huray aanay garan qiimaha naf-hurintiisa iyo qiimaha ay keeneen.
Bulshada Somaliland iyo xukuumadba, gaar ahaan xukuumadda, waxa aan halkan fariintan uga soo jeedinayaa ay xambaarsan tahay in ay u abaal-gudaan halgamayaashii SNM ee weli nool, kuwaas oo maanta u baahan daryeel, caafimaad iyo taageero nololeed. Waa dad muddo dheer naftooda u huray xorriyadda, nabadda iyo qaranimada aynu maanta ku naaloonayno.
Dhibaatooyin baddan ayaa haysta qaar badan oo ka mid ah, waana arrin mutrugo leh in aan weli la siin xaqii iyo qadarintii ay ku muteysteen halgankii ay ummaddan u soo galeen.
Xamar waxa maanta haysta cuqubadii ay hore u gashay;(halkii lagu galay caw ku hurudaaye), innaguna ma doonayno in aynu cuqubo ka galno halgameyaashii keenay nabadda iyo nashaadka iyo xorriyadda aynu maanta ku faanayno, ku dabaaldegeyno oo hadhsanayno.
Waa waajib qaran, Diin iyo dadnimo in la daryeelo, la maamuuso, lana xasuusto halgamayaashii SNM, si aynaan u noqon bulsho hilmaantay geesiyaasheedii oo caqiibo seegta.
Allaah Mahad Leh,
Prof. M. J. Robleh
Muhaahidkii.
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network


