W/Q:- Xil. Maxamed Cali Xirsi (Obama)

Waxaan halkan Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyaynayaa kulankii uu la qaatay shalay Professor Ali Khalayf Galaydh oo muddo dheer ku sugnaa Somalilad.

Professsor Ali Khalayf Galaydh waxa uu ka mid yahay odayaasha aad looga yaqaan dhammaan dhulka ay guud ahaan soomalidu degto iyo badiba caalamkan aynu ku noolnahay.

Professor Ali waxa uu ka soo jeeda waxna ku bartay degaamada Somaliland, waxaana uu ka mid yahay waqtigan aynu ku jirno odayaasha aad u aaminsan qadiyada Soomaliland iyo gooni isutaageeda, waa oday u diyaara in uu ka qayb qaato dhamaystirka iyo qurxinta Soomaaliland si ay ugu guulaysto madaxbaanideeda.

Marar badan baynu doodahiisa ku aragnaa isagoo ka hadlaaya Somaliland dhamaystirkeeda, wada noolaashaheeda iyo quruxdeeda isla mar ahaantaana ka muujinaaya cabashooyin heshiisyadii ay Dawladii hore ay wada saxeexdeen oo weli qabyo ah waa sida uu u hadalka u dhigaye,

Marna kamay suurta-gelin xagiisa isbedel siyaasadeed oo ku yimaada gooni isutaagii Somaliland ee uu aaminsanaa, waxayse ku abuurtay in uu si deep ah u sii dhex galo dhulkiisii iyo shacabkiisii kuwaasoo meel kastoo uu tago aad ugu soo dhaweeyo ayna ka muuqato in uu helay kalsoonidii iyo quluubtii shacabwaynahii Reer Somaliland gudo iyo debedba.

Professor Ali waxa uu Somaliland u noqon karaa rukun u geli kara dhinac kastoo aynu uga baahano, haday noqoto siyaasad iyo ictiraaf doon, haday noqoto garnaqsiga Somaliland iyo Somalia, haday noqto taariikhda iyo Xusuus qorka gayigan aynu ku noolnahay iyo haday noqoto isu soo jiidka iyo midaynta beelaha Somaliland. Uma arko nin aynu ku koobi karno beesha uu ka soo jeedo laakiin-se waxa uu qaadan karaa doorar kale oo badan oo uu ku walaalayn karo dhammaan beelaha reer Somaliland.

Waxaan kaloo aan aaminsanahay in Professor Ali aanu ahayn oday Xil ka doonaya Somaliland amaba ku baaycatamaya in uu xil ka qabto, walaakiinse waxaan u arkaa in ujeedada ugu wayn ee uu leeyahay ay tahay in uu oday ka noqdo dhamaystirka iyo walaalaynta shacabka reer Somaliland.

Waxaan qabaa in uu Madaxweynahu uu qaaday talaabo fiican, waxaan kaloo qabaa in ay Madaxweynaha waajibaad dastuuri ah ku tahay in uu ururiyo odayaasha magaca iyo maamuska ku leh qaranka Somaliland kuna nool Gudo iyo debedaba.

Waxaan qabaa in Mdaxweynaha ay kala shaqayn karaan shaqooyin badan oo weli banaan una bahan in la buuxiyo, waxa ka mida wada hadalka Somalia iyo Somaliland, waxaa ka mida dhex galka iyo qadiyad ka dhaadhicinta qadiyadeena Beesha Caalamaka, waxaa ka mida abuurista iyo kobcinta dhaqaalaha qarankeena, waxaa ka mida demoqraadiyada iyo maamul daadejinta dalkeena waxaa ka mida adkaynta nabadgelyada waxa kaloo ka mida ku dhaqida dadka iyo dalkaba cadaalad waarta.

Waxaan Mar labaad ku bogaadinayaa Madaxweynaha qaranka talaabadan uu qaaday Maanta iyo shalay ee ku jihaysan Dr Ali Khaliif Glaydh oo labada kulanba ay ku dhamaadeen is fahan iyo kulamo kale oo ay wada qaadan doonaan hadii u eebe idmo.

Ugu Danbayn Waxaan Madaxweynaha ku dhiiri-gelinayaa in uu qaado talaabooyinkan oo kale kuwasoo aad ku marti geliso odayaasha la mida sida Professor Samatar, Mr Mohamed Biixi Yoonis iyo qaar kale oo badan oon qabo in ay kaalin mug leh ka qaadan karaan wadahadalada Somalia iyo Somaliland ee socda waqtigan aynu ku jirno.

Allaa Mahad leh

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (OBama)

Hargeysa/Somaliland