maadhiin TayuubWaxa maalmahan laga hadlayey doorashada inay mudadeeda ku dhacdo, waxaana amawduucaa aad u hadal hayay Asxaabta Qaranka, haddaba marka aynu iswaydiino doorashadu haddii ay wakhtigeeda ku dhici waydo yaa iska leh denbigeeda, maxaase dhici kara?
Annigu marka aan arrintaa rayigayga ku cabiro waxaa ii muuqata in denbigaas aanu ahayn mid meelnaba ay kaga baxsanayaan golaha uu hooggaanka ka yahay Guddoomiye Cirro ee Wakiiladda, sababtoo ah Golaha wakiiladdu wuxuu ka gaabiyay waajibkii uu qaranka u hayay, isagoo golaha sharci dejintu wajibkii uu qaranka u hayan gebi ahaanba ku fashilman, isla markaana ku mashquulaya waxyaabo dib u dhaca sababay oo abuuray muran aan loo baahnayn.
Goluhu wuxuu caaddo ka dhigtay in marka doorashadu soo dhowaato ee loo baahnaa in la gudagalo diyaarintii shuruucda doorashada uu bilaabo muran aan wakhti loo hayn iyo inay si ay u carqaladeeyaan doorashada soo saaran dabar sharci oo odhanaya “labada doorasho mar qudha halawada qabto,” si culays kale u fuulo qaranka, isla markaana ujeedada keliya ee ay ka leeyihiin tahay cimri dherer iyo inay kuraasta kusii fadhiyaan.

Waynu garan karaa culayska ay leedahay in doorashada mar la wada qabto iyo sida ay arrintaasu Komishanka iyo hay’addaha ku shaqada leh ay culas ugu noqonay, jawaabta ay markaa golaha wakiiladu filayaan waxay noqonay in aanay arrintaasi suurta gelayn ee muddo kordhin loogu sameeyo Baarlamaanka, iyagoo waa golaha wakiiladdee ku andacoonaya xukuumadda iyo Baarlamaanka waa in doorashadooda mar lawada qabtaa ama waa in muddo kordhin la helaa.

Guddoomiye Cirro iyadoo la ogyahay in hawlo baddan u yaalaan golaha ayuu fasax geliyaa, taas oo ujeedadu tahay waqti lumis. Sidoo kale waxay isweydiintu tahay halkee ayuu Guddoomiye Cirro ka keenay in la dhiso dawlad wadaag ah haddii ay doorashadu dhici weyday.
Waxa sidoo kale Guddoomiye Cirro la weydiinayaa marka uu leeyahay Xukuumadda iyo Baarlamaanka halakala diro dalku ma wuxuu ku dhacayaa dawlad la’aan, fawdo iyo qalalaase, waxaan leeyahay Guddoomiye dib isugu noqo hadalka aad leedahay, wuxuu ummadda ku noqday fajac iyo yaab, sababtoo ah Guddoomiye muddo laba jeer ah ayaa xilka laguu kordhiyay Xukuumaddana waa tiila doortay oo weli ku joogta doorashadii sharciga ahayd, markaa maaha inaad adigu maanta muddo kordhin ka hadasho, am acid kale ku dhaliisho, waxaana maanta arrintaa ka hadli kara oo keliya Xisbiga UCID, kaas oo aan meelna kasoo gelin dhaliisha kugu geddaaman.

Marka aan usoo noqdo arrinta Doorashada waxaan leeyahay waa ayaandaro qarankan haysata in mar walaba oo doorashadu soo dhowaato ay saaxadda siyaasada ka abuurmaan murano siyaasadeed, kuwo sharci iyo muddo kordhin.

Somaliland waxay halkaa kusoo gaadhay tanaasul iyo is qancin waana qaybta ugu muhiimsan dumuqraadiayada aynu qaadanay ee dunidu inagu majeerato. Sidaa darteed, waxaan tallo kusoo jeedinayaa in arrintaa laga yeesho tallo qaran si marxaladan looga baxo, isla markaana hawsha loo daayo Hay’addaha ku shaqada leh oo ay komishankuna hawshooda dar-dar geliyaan.

By. Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tuyuub)
madhin77@gmail.com