Hooyo Somaliland Ah Oo Warqad U Qortay Wiilkeeda Aan Weli Ifka Iman

“Hooyo Wiilkaygiiyow waxaad dhalan doontaa laba bilood kadib haddii Allaha awoodda lihi aqbalo, waxaan Alleh kaaga  baryayaa inuu caafimàad qab aduunka kugu keeno.” Sidaa ayay ku bilawday qoraalkeeda.

Hooyo waddankeena waxaa la yidhaahdaa Somaliland, waxaynu Soomaliya kala soo noqonay xoriyadeena 18 May, 1991, halgan dheer kadib markii ay hungawnay midnimadii Soomaaliweyn ee aynu xoriyadii ay 26 Jun 1960 ka qaadanay mustacmaradii Boqortooyadii Britain, (British Somaliland Protectorate) 27 sanno ayaynu haysanay xoriyada qiimaha badan ee aynu ku taamayno maanta, Aniguna maalintaa ayaan dhashay oo hooyo waxan ahay  27jir, ayay sii raacisay qoraalkeeda, iyadoo in Wiilka ay caloosha ku sidaa haddii Illaahay nabad ku keeno uu wax ka ogaado halka uu kusoo socdo iyo taariikhda dalkiisa.

“Hooyo,  Aabaha waa 28jir,  malahayga 1sano ayuun buu iga weynaa,  wiilkaygiiyow anniga iyo Aabahaa waxanu isku baranay Jaamacadda Hargeysa,  waxaanu waxa dhigan jirnay Kuliyada Ganacsiga iyo Xisaabaadka. Inkasta oo  Aabahaa aannan isku Fasal ahayn, sannad buu iga sareeyey jaamacadda malaha waa sanadkii uu iga weynaa uune!!

Anniga iyo Aabahaa waxaanu ahayn kuwa ugu dalaalka badan Ardayda marka ixtixaanka semester-ka la qaado, Hooyo annigu Fasalka aan dhigto qofka koowaad baan noqon jiray, Aabahana Fasalka uu dhigto qofka koowaad ayuu ahaa.

Markii anniga sannadkii koowaad ii dhamaaday, Aabahaana sannadkii labaad u dhamaaday, waxaa xaflad lagu Abaalmarinayo Ardayda kaalmaha hore imtixaanka ka gashay soo qabanqaabiyey hormuudka kuliyada ganacsiga iyo xisaabaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

Hooyo habeenkii xaflada la qabanayay dhamaan Ardaydii kuliyada ganacsiga iyo xisaabaadku way faraxsanaayeen,  waxayna dhammaantood ku labisnaayeen dhar qurux badan, wiilkasta iyo gabadhkasta waxaad moodaysay in Abaalmarin loo hayo,  laakiin sheekadu sidàa may ahayne waxay la faraxsanayeen inta kaalmaha hore gashay ee la Abaalmarinayo.

Hooyo waxaanu soo galnay goobtii ay xafladu ka dhacaysay, waa hool ka mida hoolasha Jaamacadda Hargeysa,  hoolka gudihiisa waxa lagu sharaxay oo qurux iyo bilic dadka soo jiidanay u sameeyay, daahyada, Calamada iyo waxyaabaha kale ee lagu qurxiyay, waxaad moodaysay in Qoys cusub arooskoodu ka dhacayo,  intaasi waxaa dheer tabeelo yaal qoraalo dhiirigalin ahi ku qoran yihiin oo dhinicii aad deymootaba ishaadu qabanayso.

Markii xafladii bilaabantay Hooyo ee maamulkii, macalimiintii iyo marti sharaftii kale hadalkoodii dhamaysteen,  waxaa soo kacay hormuudkii kuliyadda ganacsiga iyo xisaabaadka oo ka hadlay muhiimada xaflada, wuxuuna bilaabay inuu ka sheekeeyo ujeedada xafladan,  markii uu dhamaystay hadalkii dar-daaranka iyo dhiiri galinta u badanaa,  wuxuu bilaabay inuu yeedhiyo magacyada Ardayda Abaalmarinta la siinayo.

Hooyo wiilkaygiiyow waxaa ugu horeeyey magacyada Ardayda wiil waxaa la siiyey abaalarin, qofkii labaad ee la yeedhiyaana hooyo anniga ayuu ahaa,  goobti abaalmarinta ayaan tegey wixii la iigu talo galay baa la i gudoonsiiyey,  markaa ayaanu goobtii kasoo wada dhaqaaqnay anniga iyo wiilkii iga horeeyay,  intii aannaan soo gaadhin halkii aanu fadhinay, ayaanu wiilkii isa soo baranay.

Hooyo wiilka aan habeenkaasi is baranay,  wuxuu ahaa Aabahaa, wixii habeenkaa ka danbeeyeyna xidhiidh joogto ah ayaanu yeelanay, kaas oo suurta geliyay jacaylka na dhexmaray anniga iyo Aabahaa ee sababay innaad noqoto Wiilkayagii Curad haddii Ilaahay ifka nabad iyo caafimaad kugu keeno. Sidaa waxa tidhi, Hooyada wiilkeeda aan weli dhalan warqada u qortay oo ka sheekaysay sidii ay isku barteen saygeeda.

Way sii waday qoraalkeeda, waxayna tidhi, “Hooyo markii aanu in muddo ah Aabahaa wada sheekeysanaynay, waxaa la gaadhay wakhtigii uu qalinjabinayay annigana sannad ii hadhsanaa jaamacadda,  runtii waan ku farxay qalinjabintiisa waxaan dareemey in qayb iga mida iyo mustaqbalkii nollosha guul gaadhay,  hooyo wiilkeygiiyow marna waan ka naxay qalinjabintiisa oo waxaan dareemay in aan ku cidloon doono jaamacadda.

waxaa lasoo gaadhay  hooyo, xiligii aan qori lahaa buuggii jaamacadda ee qalinjabinta si weyn ayuu iiga caawiyey diyaarinta buuggaasi oo ahaa markii 6 bilood kasoo wareegtay qalinjabintiisa, wuxuuna isla xilligaa Aabahaa helay shaqo.

Farxad weyn ayay ii ahayd Hooyo, inuu shaqo helo, wuxuuna  bil markii uu shaqaynayay  Aabahaa ii soo bandhigay wixii aan filayay oo ahaa in aanu is guursano,  anniguna waan ka aqbalay, waxaana u sheegay in sida dhaqanka Islaamka iyo diinteena suubani ina faray reerkayaga iga soo doono.

Wiilkaygiiyoow Aabahaa, wuu aqbalay, waana la I siiyay, iyadoo si sharaf badan uu meherkayagu uga  dhacay Hoolka ugu qiimaha baddan Hargeysa ee Green Plaza,  laakiin Hooyo, waxa jirtay in waalidkay Aabahaa shuruud keliya ku xidhay,……. La soco