W/Q. Axmedyaasiin Sheekh Cumar Axmed Furre

Dheguhu way ii xidhnaayeen, dhaqaaqna iguma jirin, jarbaana iga xigay dhinac kasta, hiilna hadalkiisaba daa, balse waxaa igu jiray yididiilo habeenkii dhammaada, wuxuunna igu dhaafayay mugdi, maalintii timadaadaana waayaheeda ayay wadatay runtii madow ayey gashay. Waxa la i siiyay qooshkii xumaanta iyo wanaaga oo isku walaaqan, haddaba yaa kuu kala saari? Jahawareer, balse waxaan is lahaa mar uun baad dhabbada saxda ah ku dhici doontaa.
Buug magaciisu yahay Turn the ship around oo uu qoray nin la yidhaahdo David Marque, ayaa wuxuu si xirfadaysan oo fudud u sharxayaa hoggaaminta wanaagsan ee dadka iyo dalba horumar gaadhsiin karta.
Waxa ku jira buuggan qisooyin maskaxdaada si dagan u gali kara, fahankaagana ballaadhi kara, wuxuunna odhanayaa qoraagu; “Waxaa horumar la gaadhaa marka aad daaryeel iyo badbaado ku ilaaliso dal iyo dadkiisaba, isla markaa waxaa si fudud lagu helayaa in si midaysan dadku ugu huraan inay ilaashadaan maamulkaa ay nolosha wacan ka heleen.”
Buugan la yidhaah Turn the ship around wuxuu xoojinayaa in la abuuro jacayl iyo kalgacayl ummadeed oo qof waliba noqdo hoggaamiye isagu xalka qaybtiisa guta, la abuuro kalsooni iyo waddaniyad jacayl la aamino aqoonyahanka dalka jooga oo la siiyo xoojin (empowerment), lana dhiirigaliyo oo niyaddooda, korna loo qaado.
Dawladda cusub ee ka dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland, waxay qaaday dhaqaaq togan oo dardargalisay aqoonyahanka dalka u dhashay, waxayna abuurtay jawi wanaagsan oo kor u qaadaysa hanka da’yarta. Waxa ay seeftu qaaday wejiyo magac siyaasi huwanaa waqti dheer oo waxtarkoodu yaraa, iyadoo ay kaalintoodii galeen dhiig cusub oo inta aragtida dheeri aad ugu farxeen. Arrintan dadka intooda yari uma arkaan guul, waayo dhaqankeenu, gaar ahaan dhaqanaddan danbe waxay dhiirigaliyaan in dadku seexdaan, kuna raaxaystaan inay hurdada ku jiraan ilaa ay ka dhimanaayaan.
Noloshuna waxay macno yeelataa marka dadka xaaladoodu khatar gasho, qof walbana xannuunku taabto si ay u badbaadaana waxaa abuurma awood mid ah oo si wadjir ah xalka u raadiya, maantana awooddii midaysnayd ee isbeddel-doonka ahayd ayaa dhalisay in isbeddel siyaasadeed yimaado. Haddii aad eegto xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada Somaliland, waxa ka mid ah rag dhisan aqoon iyo kartiba leh oo dalka degan aan nasiimo u joogin, waana kuwan qaar ka mid ah;
Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo loo magacaabay wasiirka cusub ee Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, waana nn dhallinyaro ah oo sita shahaadadda PhD. Sidaas oo kale waa xaafidul qur’aan hadalkii Ilaahay xambaarsan, Ilaahay (SWT) ha u fududeeyo xilka.
Wasiir Cawad oo ah wasiirka Maalgashiga isaguna waa masuul aqoon iyo kartiba leh aqoon dheeraad ahna waan u leeyahay waa borofaseer jaamacadaha dhiga, wuxuunna haystaa shahaadada MBA-da, sidoo kale waa dhallinyartii dakhliga dalka kor u soo qaaday ee la soo shaqeeyey dawladdii Axmed Silaanyo.
Wasiir Cabdiqani oo la dhigay Wasiirka Caddaaladda Somaliland, isaguna waa nin da’yar oo karti iyo aqoonba leh, lana rajaynayno inuu wax badan ka qabto adeegyada caddaaladda ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu mudan yahay in xilkaas lagu taageero.
Haddaba, waxa aan ku talin lahaa in loo duceeyo in Ilaahay xilka u fududeeyo dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku jira Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Somaliland, waana aqoonyahanno dalka gudihiisa joogay, waxayna taasi hordhac u tahay in la maalgashado dadka aqoonyahanka ah ee ku nool gudaha dalka Somaliland, laguna aamino xil iyo xoolaha.

W/Q: Axmedyaasiin Sheekh Cumar Axmed Furre