NOOCYADA TAMARTA
B. Tamarta la cusboonaysiin Karo (Renewable) waxa ka mid ah:-
1. Tamarta Qorraxda,
2. Tamarta Dabaysha,
3. Tamarta Biyaha (Hydropower),
4. Tamarta Mawjadaha & Hirarka Badda,
5. Tamarta Biogas ee
qoryo, hadhaaga
beeraha, qashin xoolaad,
iwm,
6. Tamarta Dhulka
Hoostiisa (Geothermal).
T. Tamarta aan La cusboonaysiin karin (Non-Renewable) waxa ka mid ah:-
7. Saliida (Petroleum),
8. Dhuxusha (Coal),
9. Gaaska Dabiici ah (Natural Gas),
10. Tamarta Nukliyeerka (Nuclear Energy).
Somaliland waxa ay leedahay awood dabiici ah oo ay ku gaadhi karto isku-filnaansho guud, gaar ahaan kaabeyaasha dhaqaale ee kala duwan, waxauna ay ku taallaa bogcad istaraatiji ah oo leh xeebo kulul oo mawjaduu is-hirdiyayaan, Qorrax joogto ah iyo dabayllo xooggan oo weliba ay u dheertahay khayraad kale sida madam, shidaal, Gaas iyo bad-ku-noole badan oo kalluunka aynu ka naqaanno, nimcaa fadhida waa astaan dhab ah oo laynooga baahan yahay in la helo dadkeedii iyo aqoonba.
Biyaha badda waa kheyraad dabiici ah oo aad u ballaaran, waxaana looga faa’iideysan karaa siyaabo badan oo dhaqaale, caafimaad, tamar iyo warshadoba leh oo kala ah:
* Cunto & Nafaqo,
* Soo saarista Cusbada,
* Biyo Macaan (Desalination),
* Tamarta Badda (Wave energy),
* Macdanta & Kheyraadka Dabiiciga,
* Dalxiis & Dhaqaale,
* Caafimaad & Daawo,
* Gaadiid & Ganacsi,
* Biyaha badda ma aha oo kaliya meel kalluun laga helo ee waa kheyraad istaraatiiji ah oo taageera cunto, tamar, caafimaad, warshado iyo horumar dhaqaale laga helo, haddii si cilmi oo qorshe leh loo maareeyo, waxa ay noqon kartaa tiir muhiim ah oo kobcin kara dal kasta oo xeeb leh.
Somaliland waxa ay awood u leedahay inay soo saarto tamar waarta iyada oo ka faa’iidaysanaysa kheyraadkeeda dabiici ah oo aad ugu badan sida:-
* Biyaha badda oo looga faa’iideysto biyo nadiif ah iyo milix saafi ah.
* Dabaylaha oo Tamar ahaan looga faa’iideysto.
* Qorraxda oo, iyana, tamar looga faa’iideysto.
* Mawjadaha badda oo laga dhaliyo tamar koronto ah.
* Faa’iidooyinka Tamarta Mawjadaha
– Tamartu waa nadiif aan qiiq lahayn
– Waa mid joogto ah oo hirarku ma istaagaan.
– Kharash shidaal ma laha marka la rakibo kadib.
– Ku habboon dalalka xeebaha leh, sida Somaliland.
Isku-darka dhawrkaa khayraad iyo hirgelintooda, waxa ay Somaliland u horseedi karaan isku-filnaansho tamareed, biyo iyo Milix keenta horumar dhaqaale, ilaalinta deegaanka iyo shaqo abuuris intaba. Tamar dheeri ah waxa aynu ka samayn karnaa wax allaale waxaynu qubno, sida Qashinka khudaarta, waraaqaha hudheelada, saxarada noolaha, dad iyo duunyoba loo laga sameeyo oksajiinta (Gaasta) wax lagu karsado ee afka qalaad loo yaqaano “Biogas“ oo inoo sahlan oo innagu filan tahay, keliya, digada xoolaheennu.
B. Biyaha Badda iyo Tamarta
Hababka biyaha loo sifeeyo waxa ka mid ah:-
* Sifayn miireed(Physical Filtration) oo ama Shaandho ciid ah la soo dhexmariyo ama Shaandho maro ama filtar caadi ah oo biyaha nadiifin miirta oo wasakhda iyo murugga ka saarta.
* Karinta Biyaha (Boiling) oo biyaha la kariyo kolka ay islaba-roggaan dila bakteeriyada iyo fayrasyada kolka da la laga qaado, la qaboojiyo oo dabeed la isticmaalo, waa hab fudud oo guryaha lagu isticmaalo beryihii hore ama miyigaba.
* Kalooriin, Kiimiko ahaan loogu daro biyaha. Kalooriintaa ayaa disha daraa biyaha jeermiska, dirayaa biyaha Inta badan magaalooyinka ayaa isticmaala, badnaanteeduse xanuuno ayay dhalin kartaa.
* Uumi-Biyood (Distillation) waa nooc ka mid ah sifaynta biyaha oo la karkariyo, ka dib Uumiga dib loo qaboojiyo sameeya biyo nadiif ah oo laga reebay milixdii, macdantii, jeermiskiina laga diley. Waxa faa’iido kale ah milix nadiif ah oo laga sameeyo oo mashiino Uumi-biyood ah ( Distillation Machine).
Biyaha badda waxa Farsamo ahaan looga faa’iideysan karaa laba wax-soo-saar oo waaweyn:
1. Biyo nadiif, milixdii laga saaray.
2. Milix saafi ah oo siyaabo badan loo isticmaalo.
Qaybta 1: Soo saarista biyo nadiif ah oo af-qalaadka la dhaho “Desalination”.
Hababka loo isticmaalo waxa ka mid ah ama ugu muhiimsan:-
* Sifeynta bukhuureed,( Distillation ), Biyaha badda ayaa la kululeeyaa ilaa ay uumi noqdaan, Uumiga ayaa dabeed la qaboojiyaa, si ay u noqdoaad biyo nadiif ah , Cusbaduna sagxadday ku hadhaa , taasoo laga helo biyo nadiif ah oo loo isticmaalo wershadaha waaweyn ee kemikada, daawooyinka, beytariyada iwm, iyo milix nadiif ah.
Qaybta 2: Soo saarista Milix Saafi ah
* La isticmaalo mashiino( distillation) biyaha badda u kala saara biyo saafi ah iyo milix nadiif ah oo laba-eef dhaqaale ah.
* Uumi bixinta Qorraxda (Solar Evaporation), waa hab Uumi-bax kale oo biyaha badda milix looga diyaariyo oo barkedo waaweyn lagu dhuro biyihii badda oo qorraxda daran engejiso iyo dabayluhu oo biyihii uumi ahaan u saara oo dabeed milixdii ku jirtey baa salka fadhiisata, waana hab leh kharash tamar yar oo ku habboon dalalka qoraxda leh sida Somaliland.
* Hab Warshadeed casriga ah oo Milixda soo Saarta, Xaddi badan soo tuurta xataa dibedda loo dhoofiyo oo ku habboon Warshadaha dawooyinka, Warshadaha kiimikada iyo Cuntada la farsameeyo.
T. Tamarta Qorraxda
Tamarta qorraxdu waa mid ka mid ah ilaha tamarta dib loo cusboonaysiin karo qaarkood ee ugu muhiimsan dunida maanta, waxaana looga faa’iideysan karaa siyaabo badan oo koronto, biyo, beeraha iyo warshadaba leh oo ay ka midka yihiin:-
* Soo saarista Koronto ee Qorraxda (Solar Electricity),
* Isticmaalka habka bileydhada soolarta (Photovoltaic System), si iftiinka qorraxda loogu beddelo koronto,
* Biyo Soo Saaris & Bamgareyn (Solar Water Pumping),
* Kuleylinta Biyaha (Solar Water Heating),
* Soo saarista biyo macaan (Solar Desalination),
* Iftiiminta Waddooyinka & Magaalooyinka ee Laambadaha,
* Warshado & Qaboojin (Solar Cooling),
* Iyo siyaabo kale oo badan.
Tamarta qorraxdu waa fursad dahabi ah oo lagu horumarin karo koronto loo adeegsado biyaha, beeraha, warshadaha iyo farsamooyin kale, haddii si qorsheysan loo maalgeliyona noqon kara tiirka madaxbannaanida tamarta ee dalka.
J. Tamarta Dabaysha
Tamarta Marwaxadda ee dabaysha (Turbine energy) waa tamar laga dhaliyo marwaxad dabayshu baalasheeda wareejinayso oo kolka ay wareegeysato kaxaysa daynabada oo markaa dhalisa tamarta korontada oo looga faa’iideysan karayo waxyaabo badan ee tamartaa Qorraxda aynu ka soo hadalnay.
Ugu dambayn, waxa loo baahan yahay in shicib, gaar ahaan ganacsatada iyo dawladba laysku tashado oo dadaal la keeno sidii waxyaabahan kor ku xusan iyo kuwo la mid ahba wax looga qaban lahaa keenaya:-
– Koronto la isku halayn karo,
– Biyo nadiif ah,
– Cusbo warshadeed oo nadiif ah,
– Isku-filnaansho tamareed,
– Shidaal ka maarantay,
– Shaqo-abuur iyo xirfado cusub.
Waxa fiican in qorsheyaal horumarineed aynu dhakhso dalka uga hirgelino, maadaama aynu haysano nimcooyinka kala ah:
– Xeeb dheer oo ballaadhan(850km).
– Mawjado badeed joogto ah,
– Qorrax kulul oo joogto ah,
– Dabaylo xooggan,
– Baahi koronto oo sii kordhaysa,
– Shidaal dabiici ah,
– Aqoon ku filan fulintooda,
– Baahi shaqo-abuuris loo baahday,
– Horumar ictiraafka la hal maala,
– Iyo kaleba.
Intaa waxa inoo dheer nimcooyinka kale ee Alle swt innagu mannaystay oo, iyana, ay tahay in loo guntado sida:-
– Daryeelka meesiyada xoolaha kala duwan iyo dhaqaalayntooda, biyo iyo baadba loogu samayn lahaa,
– Xooginta wax-soo-saarka beeraha ee dalagyada kala duwan,
– Ka faa’iideysiga khayraadka badda guud ahaan,
– Macdanta Kala duwan ee dul iyo hoosba ceegaagta iyo Aasaarta ku duugan,
– Hirgelinta shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah,
– Hirgelinta adeegyada tamarta kala duwan ee tilmaaman iyo kuwa deegaanada sida tamarta gaasta Biogas ikm ee Qashinka,
– Aqoonta iyo tayada waxbarashada ee Sayniska iyo teknoolajiyadda oo kor loo qaado, maxaa yeelay iyagaa dal ku horumaraa,
– Ka hortagga Abaaraha soo noqnoqonayaa oo meel wax looga sii dhigto, sida Riigag iyo waro,
– Biyaha Roobka ee badda gelaaya sidii looga faa’iideyn lahaa ama loo qaban lahaa, biyo-xidheeno iwm.
Tamarta qorraxda, mawjadaha badda iyo dabaylaha, marka la kaydiyo oo si sax ah loo qaybiyo, waxa ay si joogto ah u quudin kartaa magaalooyin, dekedo, warshado iyo miyiba, hal-na ha la ogaado sirta guusha noloshu waa Qorshayn, Dadaal, Kaydin, Mudnaan iyo Maamul ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo Alle ka cabsi.
Allah Mahad Leh,
Prof. M. J. Rooble
– Mujaahidka-


