W/Q. Cabdullaahi Axmed Jama ( Indho yare )


Madaxweynihii hore Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Maxdaxweynaha talada kala wareegay Mudane Muuse Biixi Cabdi , ayaa ah labada Siyaasi ee Xisbiga Kulmiye ugu kala guulaystay Doorashooyinkii Madaxtooyadda ee sanadadii 2010-kii iyo 2017.

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hogaaminta qaranka la wareegay 27-kii Bishii July 2010 ayaa dejiyey qorshe cad oo waxqabad kuna wajahan boqolka Cisho ee ugu horeeya mudada xilhayntiisa,Inkasta oo sida uu Mudane Siilaanyo sheegay in riyooyin badan oo uu rabay inuu wax ka qabto ay caqabad ku tahay duruufihii dhaqaale ee uu la wareegay isla markaana ay ugu weynayd Khasnado madhan oo haawanaya iyo Shaqaalaha dawlada oo Mudo afar bilood ah aan wax mushahar ah qaadan hadana waxa uu sameeyay dhacdooyin taariikhi ah oo uu ku soo koobay 100ka cisho ee ugu horeeyay markii uu kursiga fuulay kuwaas oo marag u ah khibradiisa dhanka maamulka ah ee uu mudada nusqarniga ah ku soo dhex jiray.

Marka aynu soo Koobno Waxqabadkii Boqolka Cisho ee ugu Horeeyay ee Muddadii Xil haynta Madaxweyne Siilaanyo Waxaa ka mid ahaa.

1. Bixinta Mushaharka Shaqaalaha dawlada Mudo afar bilood ah.

2. Kordhinta 100% ee Mushaharka Shaqaalaha dawlada

3. Wuxuu soo dhisay Xukuumad Kooban oo tiradeedu dhamayd 26 Wasiir iyo Wasiir ku Xigeen taas oo noqotay Xukuumadii ugu tirada yarayd ee Somaliland soo marta.

4. Wuxuu Bilaash ka dhigay lacagta lagu qaadi jiray dugsiyada hoose dhexe ee iskuulada dawlada

5. Wuxuu dhamaystiray biriishka labaad ee Caasimadda

6. Wuxuu kor u qaaday Miisaaniyadda qaranka 70% iyadoo sanadkii 2010-kii ee Madaxweyne Siilaanyo ay ahayd 310,259,111,704, halka ay gaadhsiiyeen sanadkii Kowaad ee Xil-haytiisa 527,720,451,875 Iyadoo caddadku Korodhka ee u dhexeeyaa uu noqonayo 217,461,340,153.

7. Kordhinta 50% ee Kabka dhaqaale ee Xukuumadu siiso Xisbiyadda qaranka.

8. Dhismayaasha iyo Dayactirka Qasriga Madaxtooyadda iyo in badan oo ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawlada.
9. Wuxuu dhigay gogol nabadeed oo uu fidiyey beelaha dega Gobolka Sool,Buuhoodle iyo qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.
10. Waxaa Guud ahaan dalka laga fuliyey olole nadaafadeed oo heer qaran ah.

11. Wuxuu Telefishanka qaranka gaadhsiiyey in laga daawan karo dalalka qaarada Yurub

12. Wuxuu dhamaystiray qayb ka mid ah Jidka Laamiga ah ee Xidhiidhiya Degmada Dilla iyo Boorama.

13. In khasnada dawlada ay ku xerootay Cashuurta dekeda iyo ta dawlada dhexe iyadoo hore cashuurta dekedu ugu dhici jirtay xarunta Madaxtooyadda.

Intaas oo qudha mayn ahayn Waxqabadkii Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee Boqolka Cisho ee Xil hayntiisa hasa yeeshee waa qodobada ugu mudan ee uu wax ka qabtay.

Geesta Kale Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee Ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda ayaa xafiiska hogaaminta qaranka la wareegay 13-kii bishii December 2017.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu soo dhisay gole Xukuumadeed oo ka kooban 32 Wasiir iyo Wasiir ku xigeen,

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu qabsaday Mudo 120 Cisho ah inuu ku soo bandhigo waxqabadkiisa taas oo ku eeg 11-ka Bisha April ee soo socota, oo ay ka hadhsan tahay mudo laba todobaad ah,arrimaha laga filayay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Wax ka qabto wakhtiga uu qabsaday waxaa ugu weyn.

1. Wax ka qabashada Sicir bararka xadhkaha goostay ee ka taagan suuqyada Somaliland ee saamaynta taban ku yeeshay nolosha mujtamaca.

2. Xalinta qardoofooyinkii ka dhashay doorashadii Madaxtooyadda.

3. Sidii dadka loogu Jihayn lahaa Wax soo saarka dalaga beeraha si Somaliland u gaadho wax soo saar ay kaga maaranto cuntooyinka dalka dibadiisa inooga yimaada,

Hasa yeeshee Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hada muu rumayn filashadii umaddu ka sugaysay maadaama ay u arkayeen Siyaasi si dhab ah ula socda xaalada guud ee dalka ee dhinacyada dhaqan/dhaqaale.

Guddidii uu u xilsaaray wax ka qabashada Sicir bararka saamaynta culus ku yeeshay nolosha mujtamaca Somaliland ayaa soo saaray go’aamo dadka dhaqaalaha u dhuun daloolaa ay u arkayeen kuwo aan keenayn xalka Sicir bararka inay uga sii darto mooyee isla markaana aan loo qaabayn si cilmiyeysan.

Waxaa kale oo Waxqabadka Boqol iyo labaatanka Cisho ee Madaxweyne Muuse Biixi soo raacay inuu qasriga Madaxtooyada ka dareeriyey Tiradii ugu badnayd ee Shaqaale ah,Wasaaradii Duulista hawada oo hada isu bedeshay Hay’ada Madaarada ayaa iyana tiro badan oo Shaqaale ah irida ka saartay Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa isaguna bannaanka dhigay Shaqaalihii ugu badnaa ee ka hawlgalayay Wasaaradaasi, Xili ay dalka ka jirto Shaqo la’aan baahsan oo sababtay in dhallinyaro badan oo qarankani lahaa ay ku lee’deen Tahriib.

Waxay dhacdooyinkani wiiqayaan rajadii ummadu ka naawilaysay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi halka aanu Madaxweynuhu waxqabadkiisa ku sheegan Karin Heshiisyada DPW ee Horumarinta dekeda Berbera iyo Saldhiga Milateri ee Somaliland Imaaraadka ka siisay Magaaladda Berbera heshiisyadaas oo ay gashay Xukuumadii uu xilka kala wareegay.

Si kastaba ha ahaatee hal xidhaale adag ayaa Sugaya sidii uu Madaxweyne Muuse Biixi ummada ugu soo bandhigi lahaa Waxqabadka uu fuliyey.

Suxufi Cabdullaahi Axmed Jama ( Indho yare )
Alaahijama2001@hotmail.com