Ilays DableIlays Dable
Uumiyaha Dunida Ku Nool Lab iyo Dhedig Ilaahay Waxaa uu dhex-dhigay Muxubo iyo jaceyl midba mid ka kale ku doorto una noqda labada qof ee dunida nolol raaxo iyo rafaad mid walba isla qaybsada .Nolasha Aadmiga Dunida Ku Nool waxaa dhamaystir iyo Hogaan wacan u noqda Marka ay is helaan laba qof oo in badan isku hamuun qabay ama dadka dunida ku nool inta kale iska doortay. Taasina Waa Sababta Ilaahay Umada U dhex-dhigay si ay isku afgartaan una noqdaan laba qof oo wada daadihiya Nolasha aduunyada. Jaceyl iyo Kalgacal ay labada qof ee dareenku ka dhexeeyaa ay dheeryihiin umada Inta-kale Iskana Doorteen Inta umad Dunida ku Dhaqan.
Iyadoo ay intaasiba jirto Ayaa Hadana Gayiga Aynu Ku Noolnahay Jiraan Duruufo mar walba hortaagan laba oo uu ka dhexeeyo dareen jaceyl iskana xushay dadka inta la faca doorbidayna in ay Nolasha ka gaadhaan halka uu qof waliba ku hamiyo ee guurka.

Waxay ahayd Sanadii 2006 markii Wiil La Odhan Jiray Cismaan bartay xaafad ka mida xaafadaha ku yaala degmada gacan-libaax ee ka tirsan magaalada hargeysa Cismaan Wakhtigaa Waa 13jir aan caqligiisu Ku Filnayn Si Naftiisa uu uga badbaadiyo khatar kasta oo lasoo darista Waa wiil saxiibo badan samaystay taasina waa astaanta lagu yaqaano wiil wakhtigaasi isku arkay astaamaha Qaangaadhnimo,Cismaan Xaafada uu bartay ama xidhiidhka la sameeyay Waa Xaafad Aad ay ugu badantahay dhaliyarta Faciisa ah,hablo iyo Wiilal Xaafada Uu Cismaan Bartay Waalawada Noolyahay Lama Kala Xishood Meelbaa wax lagu wadaa cunaa Laguna wada ciyaaraa Wakhtiga ay Jaaniska leeyihiin dhalinta Xaafada usoo kacaysa oo markaa tiradoodu aad u badnayd.
Dhalinta Xaafadi kolayba meelbay iskugu wada yimaadaan oo lagu wadaa ciyaaraa Cismaan iyo dhalinta Xaafada wiilal iyo gabdhaba waxaa la iskugu iman jiray Guri xaafadaas ka mida oo aad loogu wada ciyaari jiray.Cismaan Ciyaaraha halkaasi dhalinyartu kusoo bandhigto ama lagu ciyaarayo marwalba Waxaa uu ahaa kuwa ugu horeeya ee yaqaan sida loo ciyaaro Ciyaartaas ay dhalintu xiisaynayso,Cismaan Waxaa uu wiilasha kale kaga duwanaa Ma uu ahayn nin hablaha dhexgala kuna milma Laakiin la ciyaara Kaliya Hawsha Markaa goobta lagu hayo,Arintu Marka in badan sidaa ku socotay ee la ciyaaro ama lakala tago la isku soo noqdo,Bili’aadamka waxaan ka dhamaan oo marwalba la wehela Dookh Ama Damaca,Waxay Ahayd Ishwaaq Gabadh ka mida Halbaha Meesha Yimaada Oo Ilaahay Ku Manaystay Qurux Iyo Akhlaaq Labadaba Una Dheeraysiiyay Waayo Aragnimo Aadna U Taqaanay Lana Tartami Jirtay Cismaan Markasta Oo Ay Dhalintu Ciyaarayso ,Ishwaaq Waxay Si Fudud U Galay Dareen Caashaq oo ay u qaaday Qofka ay marwalba oo dhalintu isku timaado wada xafiltamaan iskana soo horjeedaan ee aanay waxba isku ogalayn Dadka Inta badana Iskuba Xantaan Inay Ishwaaq iyo Cismaan Yihiin laba Qof oo aad iskugu Dhaw,Dareenka Ishwaaq galay Kama Maqnayn Dhinaca Cismaan balse Nin Adkaysi Baa Dilla Ayay Soomaalidu Hore U Tidhi,Ishwaaq Jaceylka Ay Cismaan U Qaaday Waxaa uu Noqday Mid Culays badan Saaray Qof Ay markaas isku soo dhawyihiin gabdhaha ay saxiibka yihiin oo la yidhaa (Hodan).
Hodan Waa ay ka Waayo aragsanatahay Ishwaaq iyo Cismaan labadaba Waana Qof hore usoo aragtay jaceyl iyo macnaha uu ku fadhiyo oo ay ka aradan yihiin labada qof ee ay imika ugu horayso Nolasha jaceylku,Cismaan Cid uu uga Cawdo ama u sheegto inuu Ishwaaq jecelyahay Ma Jirto saxiibadiina aad ayuu uga Gaabsadaa marka ay timaado waxyaabaha Noocaas oo kale ah maadaama aan hore looga baran cudurka maanta ku dhacay ka hor Balse Ishwaaq Waxaa ay iyadu kaga wanaagsantahay Cismaan waxay haysataa qof ay Uga xaal waranto nafteeda oo maskaxda u dajisa una diyaarisa sidii ay ku heli lahayd Qofka uu dareenka jaceylku u hayo.Sidii waxay ku socoto labadii qof ee Dareenka jaceylku haleelayna u kala meeraystaan,Ayaa Waxaa dhacday si Cismaan Loo Tojaabiyo Loona Ogaado inuu jecelyahay Ishwaaq iyo Inkale ayaa Habeen Habeenada ka mida Hodan,Ishwaaq Iyo Inan Kale Oo La Yidhaahdo Hana U Yimaadeen Wiilkii Cismaan oo Wahtigaasi La Ildarnaa Jacelka Uu U Qaaday Ishwaaq Xaafadii ay ka dhawayd uu ka gaabsaday Ayaa looga yeedhay Gurigooda markii Uu Cismaan U Yimid Hablihii Doonayay Mise Waa Ishwaaq,Hodan Iyo Inan Kale oo Ay Saxiibo hablaha ahaayeen Ee Hana,Kaftan Dheer iyo is-Xogwaraysi Ka Dib Cismaan Waxaa loo sheegay in ay caawa usocoto oo ay doonayso inay la sheekaysato ama jecel Hana Oo la Socotay Hodan Iyo ishwaaq,Waxwalba oo sheeg laakiin lagu qancin kari waa inuu Cismaan Hana la sheekaysto isagoo u sheegay Inaannu Wakhti Xaadirka jaceyl Diyaar u ahayn,Habeenka La kala tag Hani iska hoyatay iyadoon war wanaagsan Cismaan ka helin Balse Hani Ma ahayn Qofka Xaqiiqada U Socday Ee Waxay ahayd Wadadii Ishwaaq usoo mari lahayd Cismaan Oo Ay Maskaxdeeda Lahayd Hodan Oo Iyadu Ahayd Ladka Ka Wayn labadan Qof Ee Isjecel Hadana Aan isku Soo Dhicin,Wakhtigu Intaasi Waa uu soconayaa wagii baryaaba Waxaa uu lasoo toosaa Xaaladdiisa Jaceylka Cismaan Iyo Ishwaaqa sidaasi oo kale ayuu ahaa oo ay matalaysay Hodan Oo Garab La Ahayd Ishwaaq in badana Wax u faa’idayn jirtay.
Bilo ayaa sidaa ku dhamaaday wakhtigii Hana Loo Keenay Cismaan Lix-bilood ayaa kasoo wareegay Waa Ramadaan 2009Kii Maalintii kowaad ee lasoomo habeenkii markii la Afturay ayaa Cismaan Xaafadii uu hore u iman jiray oo baryahay Dambe Kabtiisu ku yarayd yimid si uu hawada iskugu yara dhigo,Waxaa uu soo hor-istaagay Tukaanka ugu wayn xaafada markaas ay ku wada noolaayeen Hodan Iyo Ishwaaq oo ahaa Jaar aad iskugu Dhaw,Xanjo ayuu tukaanka ka iibsaday isaga oo aan ka dhaqaaqin ayaa Hodan iyo Ishwaaq oo wada Socda Iyaguna Xanjo ay Dharag u cunaan soo galeen Tukaankii uu hortaagnaa Cismaan,Xanjadii hablihii Iinsade Hodan la kaftatay Cismaan Balse Ishwaaq iyo Cismaan La Isma Tuso Oo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (INDHO ISJECEL ISMA ARKAAN)Way kala Dhacaan ismana eegaan si xishood ku jiro ayay u wadahadlaan hadiiba ay dhacdo in ay Afka isku galiso Hodan oo aad u jeclayd in ay Saaxiibadeed Dhabta kala hadasho Cismaan una sheegto inay jeceshay kaftankii Tukaanka hortiisa Hodan ayaa tidhi inaga hor-dhaqaajiya meeshan waa dad badantahaye Waa ay ka dhaqaaqeen Waxay wada fadhiisteen sees aan ka fogayn xaafada ay ku noolayeen,Hodan iyo Ishwaaq iyo Cismaan Halkaas ayay sheeko Wadaaga la dhacsanyihiin oo midba mar la dhagaysanayaa,Hodan ayaa markaliya Cismaan Waydiisay Sababta Uu ula sheekaysan waayay Hana,Hadalkii oo aan afkii Hodan kasoo wada Bixin ayay Ishwaaq oo iyadu jeclayd in loo bilaabo hadalka ka hoos qaaday Kuna Tidhi Cismaan Waa Runteed Hodane Maxaad ku diiday Hana,Cismaan Oo Meesha ku kaliyaystay Ayaa ugu jawaabay Si Kaftana Nin Ishwaaq arkayaa Ma Hana Ayaa u muuqanaysa,Hodan oo iyadu kalmadaas uun ka sugaysay Cismaan In maalin uun ay afkiisa ka hesho ayaa iyadu markiiba Tidhi cismaan adiguu ku jecelyahay ee naag kale haku wareerin Ishwaaq ayaa damacday in ay iska caabido hadalka ay Hodan Tidhi Balse Isagoo hadalkii Afkii Ishwaaq Kasoo Wada Bixin Ayay Hodan Tidhi (Aniga Markaan Imika Ninkan ka tagnana ka igu wareerin markaad imika la joogtana hala dhicin ee runta kala hadal una sheeg inaad jeceshay isba waakaa kuu sheegay inuu ku jecelyahay)
Cismaan iyo Ishwaaq oo aad u kala baqanaya ayaa waxaa ka dhex kacday Hodan oo ku tidhi Hadii aad is jeceshihiin idinku dhexdiida kusoo kala dhamaysta Hadal Waafiyana ilaa yimaada.
Halkaas marka ay sheekadu marayso ee ay Hodana Iska Tagtay inankii Ishwaaq Iyo inankii Cismaan isku Afgarteen inay Wada sheekaystaan oo ay iska daayaan dadka dhexdhexaadinaya Hodana u sheegaan inay soo wada heshiiyeen Oo Waxwaliba Sidii ay ka rabtay Ay Noqdeen.
Ishwaaq iyo Cismaan Waxay Noqdeen laba Ku Faraxsan Nolasha Kalinimada Ah ee Ay Ka Baxeen Mudo Markii ay Wada Socdeen Ayaa Waxaa la guursaday inantii Hodan ee iyadu inta Badan Isku Keeni jirtay Ishwaaq iyo Cismaan.Markii la guursaday Hodan Xidhiidhkii Ishwaaq iyo Cismaan Waxaa uu noqday mid aan sidii hore ahayn maadaama ay meesha ka baxday hodan oo ahayd qofkii marwalba isku keeni jirtay Cismaan Iyo Ishwaaq.
Xidhiidhkii ka dhexeeyay Ishwaaq iyo Cismaan waxaa uu noqday mid Qofwaliba Sidiisa U Gaabsaday Iyagoo waayay meel ay isku soo maraan ama iskugu yeedha Sababtoo ah wakhtigaasi oo aanay Isgaadhsiintu aad inoogu yarayd ama qaali ahayd,Cismaan iyo Ishwaaq Way is-ilaabeen jaceylkiina waxaa uu noqday mid qofwalba dhinaciisa u haya oo uu ka baxay meesha jaceylkii la iswaheshanayay.
Sanad ka did wakhtigii iskugu Danbaysay Ishwaaq iyo Cismaan Ayaa habeen Habeenada ka mida waxaa Mobilka Cismaan Number aanu aqoon u lahayn Horena aan usoo Wicin,Markii uu qabtay Mobilkii Ayaa waxaa kala hadashay inan ku tidhi “Miyaad I garanaysaa,Yaan Ahay”Cismaan Ayaa Aad ula yaabay qof soo garaacay hadana waydiinaysa Cida ay Tahay Waxaana uu ku yidhi kuma Garanayo;Ishwaaq iskuma Sheegin Cismaan Balse waxaa ay u sheegtay ereyo labadooda ka dhexeeyay uu oo markii dambe ku aqoonsaday ,Cismaan Waxaa uu la yaabay Qof soo garaacday Inay Ay Tahay Ishwaaq Iyo Inay Tahay Qof Ku Ciyaaraysa Markii dambe se waxay noqotay Ishwaaq Waxaana ay u sheegtay inuu sida ugu dhakhsaha Badan ugu yimaado Dhibaatooyin badana ay ku dhaceen intii uu ka maqnaa oo ay doonayso inuu la xaliyo.Cismaan Habeenkii ku xigayba Waxaa uu damcay inuu u tago Isagoo la yaaban dhibaatada aanu ogayn ee lasoo daristay Ishwaaq intii ay kala maqnaayeen,Waa ay isku yimaadeen Wakhtigii hore waa la isku keeni jiray Balse Imika Waxaa sadexeeya Ilaahay ,Ishwaaq iyo Cismaan In Badan Ay Wada Fadhiyeen Habeenkaas Arimo Dhawrana Waa kawada hadleen Balse muhiimada Ugu Wayn Ee Ishwaaq u socotaa waa sidii ay Cismaan Xidhiidhkoodii Usoo Celin lahaayeen ,Habeenkaas Waxay Cismaan U Sheegtay inay rabto inay wada sheekaystaan oo ay dib isugu soo noqdaan Taasina Waxay u dhacday sidii ay doonaysa ee ay markii horeba kusoo talo gashay Ishwaaq.
Lasoco…….
W/Q:Ilyas Abdi Ali
Ilyasdable1994@gmail.com