By. Maxamuud Jawhar


Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee dalka oo laga sugayey inuu dabaqo sharciga dalka ayaa isku qaaday arrin aan looga fadhiyin ,xeer jajab iyo in uu Tusaale usoo qaato waxa mar is qabtay, SOLTECO IYO DOGOX IYO AFAR-JEEBLEH IYO HEBEL.


Sharcigu wuxuu mihiim u yahay dhamaan qaybaha kala dawan ee bulshada sida, masuul ummadda xil u haya, qof shiciba iyo mid sharciga yaqaan, (marking law).
Waxan daawaday Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee dalka oo warbaahinta la hadlaya.


Masuulkaasi waxa uu aad ugu raftay, inuu Fasiraad sharci oo cad ka bixiyo Xudunta khilaafka u ah arrinta xadhiga xildhibanada golaha deegaanka Gabiley, bal inay sax ama qalad tahay.?


Garyaqaan ku-xigeenka somaliland, isaga oo la bidayey inuu yahay sharci yaqaan, ama marjac loo noqonayo marka uu yimaado khilaaf inuu xaliyo noqdo laakiin sidii loo baahnaa ugama hadal arrinta sababta loo xidhay xildhibaanada laga soo xidhay Gabiley,dhawr-sanaan, amma xasaanad ma leeyihiin mise malaha. Iyo nidaamka loo maray xadhiga xildhibaanada xidhin.


Sidoo kale marna muu adeegsan qodobo sharci oo Cayiman sida qodob hebel iyo xeer hebel.


Laakin masuulaka Afka xukuumadda ku hadlayaa waxa uu tusaale iyo daliil u soo qaadanayaa arrimo hore u dhacay isagoo leh arintan oo kale mar hore ayay dhacday waxa kale oo yaableh qof leh sharci yaqaan baan ahay in hadana uu meel ka dhac ku sameeyo dad aan iyagu ku lug lahayn arintan, amma mawduuca uu ka hadlayo, qaarkood masuuliyiin xilal haya yihiin, balse aanay khusayn sheekadan.

Waxa kasii daran Magacyada uu adeegsanyo iyo naanaysaha oo qaarkood aanay raaliba ka ahayn, amma aan ku haboonayn qof sharci yaqaan ah inuu sidan oo kale uu tusaale usoo qadanayo, taas oo meel ka dhac iyo sumcad dil ku ah, masuuliyiintaa, amma shaqsiyaadka uu ku faygaray warbaahinta magacyadooda ee uu waliba Naanaysyadoda isticmaalay, isagoo yidhi,. “mar hore waxa is qabsaday Solteco iyo dogox, mar kale na Afar jeeb leh iyo xildhibaan Boorame ah” dhacdooyinku ma xumayn hadduu hayay xal sahrci oo loo hayay amma lagu maareeyay inuu tusaale usoo qaato, laakiin ma ahayn qof sharci yaqaan Garyaqaan derejadaa sitaa uu tusaale ka dhigto masuuliyiin, amma shaqsiyaad oo sidaa warbaahinta ula soo fadhiisto, halkii laga sugayay inuu arrinta uu ka hadlayo sharcigu wuxuu ka qabo si cad u iftiimiyo, waxayse garyaqaanka arrinta siduu uga hadlay u muuqatay sida ay dadka suuqa ka sheekeeyaa uga hadlaan dhacdooyinka sidan oo kale iyo kuwo kale oo u muuqanaya mala awaal aan haysan qodobo sharci oo mucayin ah.


Arrinta iyana in la xuso muddan waxay ahayd maan arkayn wax su’aal ah oo laga weydiinayo hadday arrinta wax loo weydiiyay ahayd tallaabada xildhibaanada la xidhay ma sharci baa mise sharci maaha? masuuliyadaa waxa dayacay kuwa soo duubay muuqaalka aan daawaday.