NimcoDeggan

Waxaan halkan doonayaa inaan uga mahad naqo fannaanada NIMCO DEGGAN oo ka
mid ah fanaaniinta kasoo jeeda dalkani Somaliland,isla markaana aan ku
tilmaami karo,shakhsiyad aad iyo aad u qiimo badan,

Xaqiiqadii maaha waxaan sidaas u leeyahay inaan ka helay heesaha ay ku
luuqayso ama wax ku saabsan arimaha la xidhiidha dhinaca fanka,saa maba ahi
shakhsiyan qof xiiseeya fanka ,hase ahaatee waxaan aad ugu amaanayaa kuna
bogaadinayaa,qaabkii ay uga hadashay xaalada dhalin yartii fanaaniinta ee
dhawaan lagu xidhay hargeysa,

Runtii waxaan odhan karaa jawaabta ay ka bixisay qiiradii Kasoo yeedhay
fanaanada NAKRUUMA iyo sidii ay uga hadashay xadhiga fanaaniintaasi waxay
bannaanka usoo saareen,in dad badan oo aan aniga iyo asxaabataydu kow ka
nahay cashar ka barano shakhsiyadda iyo qiimaha gabadhan fanaanada ah ee
nimco deggan,waxaan si aad iyo aad ah usoo dhoweynayaa,qaabka aragti
fogaanta ah iyo raganimada leh ee ay u cabirtay dareenkeega, waxaan u arkaa
in hadalka gabadhaasi xambaarsanaa xikmad, wadaniyad iyo garsoor ay ka
faaruq yihiin in badan oo raga ka mid ah iyo haweenka asaageega ah,waxay
nimco deggan si cad farta ugu fiiqday,caqli xumada iyo doqoniimada in badan
oo ka mid ah bulshada debeda iyo gudahaba ku nool,ee reer Somaliland, ay ku
garan kari waayeen,in fanaaniintan xadhigooda laga hadlayo ee la buun
buuninayo qabashadooda,ay yihiin muwaadin reer Somaliland ah,cidda
xidhatayna ay tahay dawladdii Somaliland ee aan cid shisheeye ahi
xidhanin,dal shisheeyena lagu xidhin,dilna lagu xukumin, iyadoo aan odhan
karo.

Dawladi waa tii wax xidha waxna cafida,kolkaa haddii ama denbi halagu helo
ama ha lagu waayee qofka muwaadinka ah, cidnaba la xidhi Karin,marka qof
la xidhana laysla qaylinaayo,sidee dawlad u sheegan karnaa,adduunka ma been
baynu ka iibinaa kolkaan leenahay dawlad baan nahay.

Waxaan qabaa dadkii ka hadlay ee siyaasi iyo shacab kaleba lahaa,ee reer
Somaliland,inay dhammaan wada ahaayeen,ashkhaas maan gaab ah.sababtoo ah
waxay dhammaan ahayeen u adeegayaal,dad duulaan ku ah jiritaankooga iyo
qaranimadooda oo doonayay inay kacdoon ka dhex abuuraan Somaliland,waxay
garan waayeen aqoon ay dadka kasoo jeeda soomaaliaya ee nakruuma ka mid
ahayd,ku fahmaan ujeedooyinkooga,iskuna waydiiyaan,waa maxay sababta ay
ciyaal dawladoodii xidhatay uga qaylinayaan,uguna oynayaan,ee ay ugu qaylin
waayeen dadkooga aan waxba galabsan ee KABO CASEEYE ILAA NABADOONKII
dharaar kastiba gobolada soomaaliya lagu gawracayo,miyaanay idaacadaha
dhegaysan,tolow miyaanay website-yada daalacan,miyaanay tv yada daawan,
maxay xasuuqa ka socda dalkooga ugu qaylo dhaami waayeen,caalamkana uga
codsan waayeen in xasuuqa ku socda wax looga qabto,hablaha,wiilasha iyo
dhalin yarta jaamacadaha ka baxay,ee la dhahayo,waxa dishay rag dablay ah
oo aan haybtooda la aqoonsan maxay ugu oyni waayeen, dhegahoogu ma waxay
maqlaan oo qudha,dad dawladoodii oo amni iyo kala danbayn lehi
xidhato,waxaanu leenahay sheekadu intaas way ka fogtahay,waxaana xaqiiq ah
inay isku xidhan yihiin arrinta fanaaniinta la kaxaynayo,sheekada VOA ka
wado deegaano ka mid ah Somaliland,iyo qaylo dhaanta soomaliya ee ilmada
yaxaaska,nimco degana waxaan leeyahay runta ayaad taabatay,waan kugu
amaanaynaa ee ha u debcin hadaaqa dadka magaratada ah.

Cabdimalik Dalmar Xayd Hargeisa