qoraalWaxaan rabaa inaan maanta fikirkayga ka dhiibto talaabadii khaldanayn ee ay ku kaceen madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ee waqooyiga Amerika oo ah in xubin nimadii xisbigaa la sheegay in laga saaray marwo Jawaahir Caano-nug oo sababta loga saaray xisbigana ay ku sheegeen kooxdani in marwadani ka qayb gashay soodhawayntii madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md A/raxman A/laahi Ismaaciil Zaylici oo April 14keeda 2015 lagu soo dhaweeyey magaaladan Toronto oo runtii ahayd waajib wadni ah oo saaran qof kasta oo reer Somaliland ah,laakiin waxaa nasiib daro ah in muwaadin sharaftiisa meel lagaga dhaco iyadoo loocuskanayo sababo garaadka ka aradan.
Waxan rabaa inaan u sheego nimankan sida yeelay inuu ka midyihiin rag iyagu ku soo dhaweeyey Md Zaylici dalka Maraykanka kuwaas oo ay ka mid yihiin C/casiis Buubaa(oo isagu uga soo dhoofay Minnesota sidii uu u carqaladayn lahaa soodhawaynta madaxweyne ku xigeenka) iyo gudoomiyaha xisbiga ee Maraykanka Mr xasan oo labadaba aan halkan soo dhigayo sawiradooda iyagoo ka qayb gelaya soodhawayntii Madaxweyne kuxigeenka.

Waxaan ka le oo aan rabaa inaan xasuusiyo in eng.faysal Cali waraabe lakulmay madaxweynaha dalka Somalia Xasan Sheikh Maxamuud isagoo aan sharci iyo dhaqantoona u haysan,markaa hadii taasi denbi ka noqonwayday xisbigan wareeray ma muwaadinad soo dhawaysay madaxdeeda ayaa danbi noqotay oo xilkii xubin nimo lagaga qaadayaa.

Ugu danbayntii waxaan ka raaligelinayaa Marwo Jawaahir Caano-nuug ficilkaa bilaa axshaxa ah isla markaana aqoonta ka aradan ee cisaabadani kula kacday.

Jamaal Adan Bille
Toronto,Canada