abdiraxman Adan MaxamudWaxaa aynu wadda ognahay in dalka laga isticmaalo mukhaadaraad fara baddan oo uu ka mid yahay qaadka sigaarka iyo IMW, kuwaasoo aanay wax ka qaban dowladihii dalka soomaray ilaa dowladii siyaad bare kadib.

Waxaynu ognahay dhiaatada uu qaadku ku hayo bulshadeena iyo sigaarkuba. Haday tahay mid dhaqaale, iyo mid caafimaad iyo mid qoysba, sidaa darteed waxa kamuhiimsan joojinta bada inlajoojiyo jaadka iyo sigaar oo aynu ognahay khatarta uubulshadeena kuhayo Kuwaas oo dhamaantood ay dowladu ay cashuurkaqaadato sida aynu ognahayna ay raali ka tahay.
Taa macnaheedu waxa weeyi inay dowladu iska indho tirayso dhibaatada uu bulshada ku hayo mukhaadaraadka ku habsatay bushadeena ee halista ah . Waxa aanu ka hadlaynaa maaha inaanu kasoohorjeedno joojints bacda laakiin waxa haboon in lakeeno badalkii bacda.
Sababtoo ah bulshdeenu waxay u badantahay danyar. Sidaynu ognahayna waxay ku adeegtaan bacda oo ay waxa ku shubtaan ama ay waxa ku qaataan. Hadaba waxaanu usoojeedinaynaa dowlada inbacaha lagajoojiyo dekeda. badalkeediina ay dowladu keento ama ganacsatada ay usoo bandhigto wixii ku haboon ee aan deegaakeena waxaba yeelayn. Waxa wadanka ka jira sidaan ognahay duruufo dhaale xumo oo aanay dadku awoodi Karin inay iskabixiyaan ganaax. Waxaanu usoojeedinaynaa dowlada gaar ahaan wasaarada deegaanka inay bulshdeeda hoos u eegto.
By Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud