Ka baxsan mayno in aynu kolba waajahno Gobol uu maamulkii ka jiray ay taladu farahooda ka baxday, oo ay u gacan gashay oday-dhaqameed ama qaar kale oo ka mid ah kuwii ay maamuli lahaayeen, inta ay awooddo maamul ku urursantahay Hargeysa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waa in ay awoodda maamul iyo siyaasadeedba la daadajiyo oo ay badhasaabada Gobolladu noqdaan qaar kasoo jeeda deegaannada loo magacaabo, sidoo kalana la hirgaliyo Golayaashii Gobalada ee dastuurku ugu talogalay maamul-daadajinta iyo dhiraandhirinta hawlaha amni, adeeg iyo horumarineed ee gobolkooga (eeg Qod, 110-aad ee Dastuurka JSL). Marka ay adeegyada dawladdeed ay noqdaan wax caasimadda uun loo soo wada doonto, oo aanay badhasaabada iyo isu-duwayaasha wasaaradaha ee la sheegaa iska dhaaf in ay wax go’aan ah ku yeeshaan xaaladaha khuseeya ee ka jira halka ay joogaane, aanay codsi-adeeg ka qaban karin muwaadinka la jooga, ma dareemi karaa muwaadinka ka durugsan caasimaddu in ay dawladdu tahay wax uu isagu leeyahay? Misa waxa uu u haysanayaa in dawladdu tahay wax Hargeysa taalla, oo kuwa halkaas jooga uun ka baaba’aysa?
Maamul-daadajintu waxa ay keentaa in ay isku soo dhawaadaan shacabka iyo dawladdu. Waxa ay keentaa in uu maamulka gobollada iyo degmooyinku noqdaan kuwa waxtar leh oo deg-deg uga ka jawaabi kara baahiyaha iyo tabashooyinka ka jira deegaannaadooda iyaga oo aan taar ka sugin xafiisyo kale oo ka durugsan. Waxa ay keentaa in ay maamulka gobolka iyo degmooyin ay yeeshaan awood go’aan-qaadasho, iyada oo dadka ay go’aannadoodu saameynayaan ay yihiin qaar ay isku dhawyihiin, xogogaal u yihiin, sla markaana ay kala-tashan karaan qaabka ay u wada waajahayaan caqabadaha hadba soo foodsaara.
Waxa kale oo maamul daadajinta ka mid ah in bilayska la magaaleeyo (city police) oo ay bulshooyinka ku dhaqan xaafadaha magaalooyinku ay awood u yeeshaan in ay amnigooga ilaashadaan. In ay u dirtaan cid ay ku kalsoonyihiin oo ay la xisaabtami karaan, isla markaana ay wadar ahaan uga jawaabaan baahiyaha joogtada ah ee la xidhiidha adeegyada amni ee loo fidinayo, iyaga oo wixii ka taagtooda dhaafsanna ay maamulka degmooyinkoodu ay tahay in ay la kaashadaan Wasaaradda Arrimaha Guud iyo Taliska Guud ee bilayska oo isna cudud iyo khibradba ku kabi kara. Taas oo u baahan doonta in uu xeerka bilaysku kala xadeeyo awoodaha bilays magaaleedyada iyo bilayska guud (police jurisdictions), iyo siyaabaha ay isku kaashan karaan una wada xisaabtami karaan.
W/Q . Garyaqaan Maxamed Bacaluul
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.


