The Danger of Herbal Medicines
and the Greed for Wealth
Bulshada Soomaaliyeed waxa ku soo badanaya ama beryahan a la caadeystey dad faa’iido-doon ah oo si aan cilmi iyo damiir-toona ku salaysnayn uga ganacsada daawooyin dhireedka, malab qaldan iyo isku-dhisyo aan bedqabkooda la hubin.
Dadkani waxa ay bulshada u soo bandhigaan dawooyin ay ku sheegaan in ay dawaynayaan cudur kasta, iyaga oo aan u lahayn aqoon caafimaad, culuunta dhirta iyo kemistari, tijaabo saynis ah iyo oggolaansho dawladeed.
Dadkaa oo u tafaqsanaya sidii ay lacag ku heli lahaayeen oo la soo baxay tabo ay bulshada hanti uga urursan lahaayeen, ka iibinaya wax aanay aqoon u lahayn, wax ay ka samaysan yihiin-na garanayn, dibedda ay ka soo iibsadaan iyo shisheeye, bulshadana ku caameeya.
Waxyaabahaa waxa ka mid ah daawooyin dhireed, Malab xeeladahan iyo isku-dhisyo ay cudurro ku asteeyaan.
Bulshada waxa ka soo muuqday kuwo aan dhinacooda u tudhanaynin oo la moodo in uu dumey damiirkoodu oo ku beddeley runta iyo daacadnimada, khiyaano iyo hunguri. Dadkani waxa ay bulshada u adeegsadaan cudur iyo cabsi, iyaga oo sheegaya in ay hayaan dawooyin dhireed mucjiso ah, balse dhab ahaantii aan lahayn cilmi-baaris, shahaado caafimaad ama oggolaansho dawladeed.
Waxa kale oo ay ka faa’iideystaan kalsoonida shacabka iyo jahliga ku saabsan caafimaadka, iyaga oo magaca “daawo dabiici ah” ku xayeysiinaya wax kasta, xitaa haddii ay khatar yihiin, ma kala ogoo baahi baa eryanaysa.
Tani waa dhibaato bulsho iyo tu caafimaad oo u baahan in laga hortago, laguna baraarujiyo bulshada in ay ka fiirsato cidda ay caafimaadkooda u dhiibayaan, ku aaminayso iyo daawooyinka la aqoonsan yahay, taasoo u baahan in laga taxadiro oo caafimaadka la dhawrto, si wadajir ahna shicib iyo dawladba looga shaqeeyo joojinta dhaqankan halista ah ee faa’iido-doonka ku sallaysan .
Dadkan faa’iido-doon ahi waxa ay u tafaxayteen sidii ay hanti uga urursan lahaayeen bulshada. Dadkani waxa ay u adeegsadaan macaash-doon, iyaga oo bulshada u soo bandhigaya dawooyin dhireed iyo isku-dhisyo ay dibedda dalal shisheeye ka soo iibsadaan, wax ay yihiinna garanayn iyo wax ay daaweyn oo ku sheega in ay daawaynayaan cudur kasta, laga bilaabo macaanka iyo dhiig-karka, Galaha, Bawaasiirta, hammo yarida, kelyo iyo wadne xanuunka iyo cudurro kale oo halis ah oo u adeegsada Dawo-dhireed aan loo meel deyaynin.
Waxa ay iibsadaan waxyaabo aanay aqoon u lahayn, daawooyin dhireed aan la tijaabin, isku-dhisyo aan la hubin badbaadadooda, taasoo ay bulshada u xayeysiiyaan si ay lacag u helaan, iyaga oo aan wax tixgelin ah siinayn caafimaadka dadka iyo xuquuqda caafimaad.
Dhibaatadu waxa ay tahay, dadkani kuma shaqeeyaan cilmi, aqoon ay u leeyihiin dhirta ama caafimaadka, waxa ay u beddeleen daacadnimadii iyo naxariistii Islaamka damac iyo hanti urursi badheedh ah.
Daawooyinkaasi Bukaanno badan ayaa ay waxyeelo u geysteen, kuwaas oo dhaawacaya caafimaadka bulshada oo aan tijaabo soo marin baadhiseed iyo hubintoona.
Talo ahaan, waxa aan halkan ka soo jeedin lahaa, gaar ahaan bulshada ku socota:
1. in aanay iibsanin daawo-dhireed aan la diiwaangelin ama aan laga oggolayn hay’adaha caafimaadka.
2. in laga hubiyo dhakhaatiirta iyo Dawo-yaqaanka ka hor intaydaan isticmaalin dhirahaa lagu sheegayo in ay dabiici yihiin.
3. Bulshada waa in laga wacyigeliyaa, si ay u fahmaan in daawo kasta u baahan tahay baadhitaan iyo tijaabo cilmiyeed, lana ogaado waxa ay ka samsysan tahay.
4. Dawladda waa in ay ka hortagtaa ganacsiga dhiraha ee caafimaadka dhibaya ee faa’iido-doonka ku dhisan.
Caafimaadku waa amaano, mana aha meel lagu tijaabiyo damac iyo hanti jiheysan oo tartankeeda leh.
Waxa aan baraha bulshada, had iyo jeer ku arkaa dad aan tudhaale lahayn oo siyaabo qaldan ugu ganacsanaya daawo-dhireed iyo waxyaabe kale, sida:
1. Daawo-dhireed ay sheegaan in ay cudurro badan daaweynayaan oo la yaab noqotay aan xaqiiqo ku dhisnayn, macquul aan ahayn oo keliya hanti ganacsi ah.
2. Malab dhalan-beddelan oo lagu soo daray maadadda loo yaqaan Sildenafil Citrate ( Viagro ) oo asal ahaan ahayd daawada dhiig-karka, hase yeeshee dib loogu qaatay kicinta hammo-yaridda (anti-erectile dysfunction) oo dhaqaale ahaan loo raacay. Sidiisaba, Malabku meel ay tahayba waa isku mid, midab ahaanba ha kala duwanaadee. Tudhaale la’aan baa loogu soo daray fiyaagaro, si uu tamarta u xoojiyo, waana qish iyo khiyaamo bulshada loogu talogalay iyo hanti raadis.
3. Cudurka Bawaasiirta, isagana daawo-dhireed bay ku sheegaan inay u keeneen, kiniino u badan oo aan daawo ahaan shaqo ku lahayn, waxna ka tarin hase yeeshee dhuuni- raac ah, dhaqaale ku doon iyo khiyaamo bulsho.
4. Bawaasiirtu, sideedaba qalitaan ma laha oo waa tii soo noqnoqota calool-istaag ka dib, lamana qali karo oo dhibaato ayuu ku keenayaa lingaxa duburta sahasha in naqaska iyo saxarada fuudka ahi dareen la’aan u dhaafto bukaha, siina nuglaato.
Dhakhaatiirta ku baaqa qalitaanka Bawaasiirta maaha Dhakhaatiir ee waa soo shaqo tag dalal kale ka soo hangagaaray oo lacag ka raba, dan iyo muraad aan ka lshsyn bulshadan dhibban, iyaga oo og in qalitaanku dhibaatooyin leeyahay iyo khataro badan, cudurkana ka kaxaynayn.
5. Kuwo kale oo daawo-dhireed la soo kambadhuudha oo xayaysiiya iyaga oo leh, waxaanu haynaa daawada Galaha,macaanka, xiiqda iyo kaloo badan oo dhammaan hanti urursi ah looga tudhayn bulshada xanuunada kale duwan la daalaadhacaysa ee la yidhi “ nin bukaa boqol u tali”, ee wixii daawo lagu sheegaba ku daal leh inaad caafimaad ka heshid.
Ma jiraan tijaabooyin caafimaad oo lagu xaqiijiyay badbaadada dawooyinkaas iyo waxtarkooda ama waxa ay ka kooban yihiinba, sidaa oo kale, ma jiraan shati iyo diiwaan rasmi ah oo ay ka haystaan wasaarada caafimaadka iyo hey’adaha caalamiga.
6. Dadkaa baraha la wareega daawo-dhireedka maaha dad aqoon u leh cilmiga dhirta iyo cilmiga kemistariga midna, ee waa dad maqlay macnaha oo dhaqaale hel hor cararay iyo wax baa la iibiyaa oo ay ka maqan tahay tudhaale iyo Alke ka cabsi intuba.
Haddaba, waxa aan talo ahaan u soo jeedin lahaa in ay ka waantoobaan oo waxa ay aqoonteeda leeyihiin bulshada u keenaan ama aan dhibo ku keenaynin oo sax ah, soo martay hubinta wasaaradda caafimaadka iyo in aanay nuqul (copy) ahayn.
Aqoonyahannada ku takhasusay cilmiga kemistarigu waa ay soo saari karaan waxyaabaha ay ka kooban yihiin, haddii ay isku-dhiskoodu ku qoran yahay warqadda isticmaalka dhirtaasi.
Bulshadu ha ogaado daawo-dhireedku waxa uu yahay, fikirna ha ka haystaan siyaabaha loola dhaqmaayo iyo siraha hanti raadiska jira iyo muuqaal ahaan dadkaa daawooyinka ka sheekeeya, Xukuumaddana waxa aan ku dhiirinayaa in ay bulshada ka eegaan daawo-dhireedkaa baraha bulshada ku waashay ee iska daba imanaaya, xayaysiinta joogtada ah leh iyo dhibaatada ay keeni karaan aqoon la’aanta ka jirta darteed.
Dadkaa xayaysiinta baraha bulshada ka wadaa waxa ay u badan yihiin Wadaado iyo ganacsato daba fadhiya oo ku adeegta oo u haysta in aanay daawo-dhireedku dhibaato lahayn, siday qabaan.
Haddaba, inta dadkaas loo yeedho wax ha laga weydiiyo aqoonta waxa ay bulshada ka iibinayaa, taas baa lagu ogaan karayaa intay ay aqoon u leeyihiin, haddii ay ku caddaato sidaan sheegay waa in meheradaha laga xidhaa oo bulshada laga badbaadiyaa.
Waxa aan ku soo gebogebeen lahaa sheeko gaaban, nin waalan baa Hargeysa joogi jirey, ninkaas waxa uu odhan jirey “ waan hayaa dawadii”, marka dadkani waxay ka dhigan yihiin ninkaa waalan oo kale, baraha bulshada ayuun bay ka leeyihiin” waan haynaa daawadii “, waxba kuma kala duwana waalidaa iyada ah.
Allaah Mahad Leh,
Prof. M. J. Robleh
Chemist
The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.


