Macluumad Guud ee Shirkaddaha Baadhista Ka Wada

Labadii sanno ee u dambeeyay, Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, waxay mashquul ku ahayd sahaminta shidaalka ee gobollo ka mid ah Somaliland, kuwaas oo lala galay shirkado kala duwan oo ay ka mid yihiin DNO. BGP, RAKGAS iyo Genel Energy.
Inkasta oo aannu dalku awood sharci u lahayn inuu heshiisyo caalami ah la galo shirkadaha macdanta ee adduunka, waxa haddana cad in heshiisyo dhex mareen qaar ka mid ah shirkadaha sahaminta iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka ee qaarkood aan kor kusoo xusnay. Maadaama oo aynu ognahay sifada sharci-darro ee shirkaddahani ku qaadayan hawgalka sahaminta shidaalka ee SL-8, SL- 9 iyo SL-12.

Arrinta  iswaydiinta muddan ayaa ah in la oggaado shirkaddahan iyo taariikhdooda iyo khibraddaha sahaminta shidaalka ee ay leeyihiin?

Sidoo kale, waxaynu tilmaami doonaa dariiqooyinka iyo nidaamada loo maro ama lagu xusho shirkadaha sahaminta shidaalka ee caalamiga ah iyo doorka wacyigelinta bulshada arrimaha la xidhiidha sahaminta iyo maamulida.


Shirakadda Genel Energy.


Shirkadda (Genel Energy) waxay laga aasaasay dalka Faransiiska (France) sannadkii 2011, dhawaana waxay xafiisyo shaqo ka furatay dalalka Ingiriiska (London) iyo Turkiga. Sannadihii u dambeeyay waxa laga diwaangaliyey dalka Britain, siiba suuqa iswaydaarsiga lacagaha ee London (London Stock Exchange). Shirkadan soo saarista iyo sahaminta shidaalku waxay hadda uun bilowday sahaminta shidaal iyo soo saaritisaba ee gobolka Kurdistan ee Ciraaq, iyada oo u sii ballaadhinaysa shaqadeeda woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee Genel Energy waxay hawsheeda shaqo ka bilawday dalka saddex ilaa afar sanno ka hor. Genel Energy malaha khibrad iyo waayo-aragnimo ballaadhan oo u sahalaysa inay ku guulaysato hawlahan sahaminta iyo soo saarista shidaalka, waxanay heshiis (contract) siisay shirkadaha kale ee side Rak Gas, DNO iyo GBP oo ka hawlgalaya block-yada SL-9, SL-11 iyo SL-12.

Shirkadda RakGas


Shirkadda Ras al Khaimah oo loo yaqaano (Rak Gas) waxa laga aasaasay Imaaraadka ama UAE (United Arabian Emirates) sannadkii 1984, iyada oo lagu soo saaray dikreeto lagu magacaabayo shirkadan. Haddaba, iyada oo ujeedada loo aasaasay ay ahayd soo saarto gaasta (gas) dalalka Imaaraadka, waxa ay hawlaha sahaminta shidaalka kala duwan ka wadaa dalal badan oo Afrika (Africa) ka mid ah. RAKGAS waxay hadda hawlo waxqabadyo ka wadaa gudaha dalalka Imaaraadka Carabta, sida Oman iyo Qadar, RAKGAS waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay dawladda Imaaraadka. Shirkadani waxa hadda ka hawl-gashaa saddex dal oo laba ka mid ah la aqoonsan yahay, sida Malawi iyo Tanzania iyo Somaliland oo aan aqoonsi adduunka ka haysan.

Dhinaca Somaliland waxay sahamin ka wadaa Block 9 & Block 12. Isku soo duubo RAGAS waa shirkad ka waaya-aragsan Genel Enegy, laakiin ma laha waayo-aragnimo adduunka ah iyo suurogalnimada fulinta heshiisyada caalamiga ah, taasina waxay keenaysaa in guul iyo khasaare labadaba laga fisho hawleheeda Somaliland iyo in shaki wayn uu galo ilaalinta bulshada iyo deegaanka sahaminta ama soo saarintu ka socoto.

Shirkadda DNO

Shirkadda DNO ASA waxa laga leeyahay dalka Norway, waxaana la aasaasay sannadkii 1971. DNO waxay ka hawl-gashaa Barriga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, waana shirkad caalami ah oo si buuxda sahamin shidaalka ee Gas iyo Oil ka wadaa dalalka Iraq, Norway, Oman, Somaliland, Tunisia, UK iyo Yemen. DNO in kasta oo ay ka soo jeedo mid ka mid ah dalalka ugu caansan adduunka ee Norway, haddana waxay isku koobsanysaa 50% faa’iidoyinka kasoo baxa soo saarista saliidda madow (Oil) ee Block 18 Somaliland. Si kastaba ha ahaatee DNO kuma jirto liiska 60-ka shirkadood ee adduunka ugu horeeya ee sahaminta iyo shidaalka.

Shirkadda BGP

Shirkadda BGP waxay ka soo jeeda dalka Shiinaha, waana shirkadda ugu da’da wayn shirkadaha Somaliland sahaminta iyo soo saarista shidaalka ka wada, waxana la aasaasay sannadkii 1961. BGP waxa ay xooga saartaa baadhida macluumaadka meelaha la rajaynayo in shidaalku ku jiro.

BGP oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa kaga horaysa shirkadaha kale ee DNO, Genel Enegy iyo RAKGAS dhinacyada baadhista macluumaadka block-yada gobollada Somaliland, taasina waa sababta keentay inay u sii wakiishaan hawlahooda sahamineed. BGP maaha shirkad aad looga yaqaan adduunka, kamana mid ah 50-ka shirkadood ee adduunka laga dareemo hawlohooda dhanka dhidaalka, tanina waxay khatar ku keeni kartaa hawl-galkeeda, maadaama oo aannay Somaliland ahayn dal hore u soo galay heshiisyo caalami ah.

Guntii iyo gebogabadii, dhammaan shirkaddaha aan kor kusoo xusnay kuma jiraan liiska 100 shirkadood ee sahaminta iyo shidaal soo saarista adduunka, waana sababta ay arrintani shaki galinayso kalsoonida shaqada ay ka wadaan Somaliland, maadaama oo aannay jirin shirkaddo aqoon u leh maamulka iyo gacan ku haynta shuruucda iyo dabagalka shirkadaha Genel Enrgy, BGP, DNO iyo RAKGAS.

Waxa iyana xusid muddan in shirkaddahani aannay ku iman tartan iyo in aan ilaa haddana la garanayn waxyaabaha ay ku heshiiyeen shirkaddaha iyo dawladda Somaliland, taasina waa mid si weyn bulshada ugu  keeni karto shaki.

Sidoo kale ma jiraan hay’addo dawli ah oo daba-gala in heshiisyadii la galay in sidooda loo fuliyay iyo in kale.

Qaybaha kale la soco dhawaan
Waxa Qoray: Maxamed Rashiid Xuseen

Email: mohamedrashid402@gmail.com