qoraalCabdiraxamaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro) oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, wuxuu saaxada siyaasada Somaliland kasoo galay xisbiga ucid, taas oo ay ugu xigtay xildhibaanimo golaha wakiilada ah, isla markaas uu ka mid noqday xildhibaanadii la soo doortay , ayuu nasiib u helay inuu noqdo gudoomiyihii ugu horeeyey ee ay golaha wakiiladu doortaan 2005.

Wixii intaa ka danbaysay ayey bulshada somaliland baratay magaca iyo muuqa gudoomiye C/raxmaan C/llaahi Ciro, gudoomiyaha WADDANI, isla markaana ah gudoomiyaha galaha wakiiladu muu ahayn shaqsi intaa wixii ka horeeyey la yaqaanay ama aqoon buuxda loo lahaa.

Intii uu Golaha wakiilada xilka Guddoomiyaha hayay waxa lagu bartay inuu yahay hogaamiye qabow oo aan u firfircoonayn shaqada uu hayo, hadaynu in yar dib ugu noqono taariikhdiisa shaqsi ahaaneed gaar ahaan shaqooyinkiisii, C/raxmaan Ciro waxa uu ka tirsanaa safaarada Soomaaliya ee dalka ruushka , 1990 ilaa 1993 oo ahayd wakhtigii ay burburtay dawladii somaliya, shacabka Somalilandna ay go,aansadeen inay dib ula soo noqdaan xoriyadoodii lixdankii , balse isagu waxa uu sii aaminsanaa midowgii somaliya iyadoo xataa ay burburtay dawladii dhexe ee somaliya, fikirka gooni isu taaga ee shacabka Somaliland qaateen 1991kii ciro waxa uu ku soo dhacay 1994kii.

Wuxuuna xiligaa wixii ka danbeeyay soo galay saaxada siyaasda Somaliland oo uu soo galiyey gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal cali waraabe, inta uu karti leeyahay iyo aqoontiisa dawladnimo iyo ta sharciba waxa la bartay intii uu baarlamaanka madaxda ka ahaa, iyadoo lagu eedaynayo inta badan fadhidnimo iyo maamul jilayc, ayaa waxa u raacday inuu sameeyo intii uu kursiga ku fadhiyey khaladaadkii ugu waawaynaa ee sharci oo ah wax aan la qarin Karin, waa hogaamiyihii ama gudoomiyihii ugu horeeyey ee wax kabadal xafiiskiisa kaga sameeya sharci dhan oo baarlamaan u codeeyeen oo ay ansixiyeen isagoo waliba markaas goobjoog u ahaa ansixinta sharcigaasi uu xafiiskiisa sida khiyaanada ah wax ugaga badalay, balse arinkaas waxa fashiliyey golaha guurtida Somaliland oo ah shaandhada wax kala miirta oo dib u eegis ku samaysa inta badan shuruucda ay ansixiyaan golaha wakiiladu.

intaa waxa u dheer C/raxmaan Ciro in dhawaanahana ay soo baxayeen inuu shir hoosaadyo qarsoodiya oo uu ku wiiqayo qaranimada Somaliland la yeeshay Madaxweynaha aan ina ogalayn ee ka taliya muqdisho, taas oo sida warbaahintu qortay uu u sheegay inuu faderalka aaminsan yahay , oo haduu dalka madaxweyne ka noqdo uu qaadan doono mabda a federalka ee somaliya lagu dhisayo,arinkaasi ayaa haduu dhaboobo waxa uu noqonayaa khiyaamo qaran tii u waynayd oo u galo siyaasi Somaliland ahi , hadaba su aasha iswaydiinta mudan ayaa waxa ay tahay, duminta sharciga, danaystanimada ku salaysan iyo khiyaanada qaran ee uu ku kacayo c/raxmaan ciro gudoomiyaha xisbiga socod baradka ah ee wadani ma waxa ay ka tahay aqoon yari mise ujeedo fog oo aan wali la garan? Mid ay noqotaba , waxa la yidhi warkii jiraaba cakaaruu iman, ninka waxaas ku kacay waxkalana kasoo dhagawayn. ….

Wa bilaahi tawfiiq.

W/Q: axmed koosaar

Email : mahamedfantastic@hotmail.com