Faalo: Suxufi Maxamed Cirro

Qodobka 17-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa si cad loogu qeexay inay waajib ku tahay dowladda sidii dalka looga haqab-tiri lahaa qalabka lagaga hortago cudurrada faafa, si dadka muwaadiniinta ah looga ilaaliyo cudurrada iyo xannuunada keeni kara dhibaatooyinka caafimaad-darro ama sababi kara in nolosha dadka muwaadiniinta ah halis gasho. Waxa kaloo uu qodobkaasi dowladda ku waajibinayaa in la helo daawayn lacag la’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud, qodobkaas dastuuriga ahna waxa uu u qoran yahay sidan;

QODOBKA 17-AAD

CAFIMAADKA

1. Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag Ia’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud.

2.  Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.

Haddaba, muwaadin maxaa kuu baxay? Waa suurtogal ama waaba xaqiiq in marka aad qodobkaas insha mariso ama aad wada akhrido in aad isweydiiso su’aasha ah; ‘dowladdu ma fulisay qodobkaas dastuuriga ah? Haddii aanay ilaa hadda fulin qodobkaas, maxaa ka hortaagan inay fuliso? Haddii aad hayso dood kale oo arrintaas ka duwan oo ah inay qodobkaas Dowladdu fulisay, waxa ku hortaagan su’aasha ah ilaa intee ama heerkee ayaa la fuliyey waxyaabaha lagu waajibiyey qodobka 17-aad ee dastuurka Somaliland?

Qofka muwaadinka ah, haddii uu ku doodo dowladda waxba kamay fulin qodobkaas ama qayb yar oo aan heerkii loo baahnaa gaadhsiisnayn ayey ka fulisay, arrintu intaas oo qudha kuma dhammaanayso, lagumana go’aan qaadanayo, balse waxa iman kara dood kale oo ay dowladda laftigeedu qabto ama ugu jawaabayso qofkaas muwaadinka ah, iyadoo dawladuna soo xiganayso isla qodob kale oo dastuuri ah.

Dowladdu waxa ay doodeeda ku fadhiisin kartaa qodobka 34-aad ee dastuurka Somaliland, kaasoo isna lagu qeexay waajibaadka laga doonayo qofka muwaadinka ah, waxaannu qodobkaas dastuuriga ahi u dhigan yahay sidan;

QODOBKA 34AAD

WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA

GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA

1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.

2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq-dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

3.  Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la’aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.

4. Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.

5.  Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan faqradda l-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

Marka ay hadlayaan madaxda qaranka Somaliland ama dowladdu doodayso, waxay inta badan sheegaan in aanay dadka muwaadiniinta ah ka soo bixin waajibaadka saaran oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka qarannimada, difaaca dalka iyo diinta, sidoo kalena aanay muwaadiniintu si fiican ama sidii loogu talogalay u wada bixin cashuuraha ku waajibay, taasina waxay sababaysaa in aanay dowladdu awood dhaqaale u helin xakammaynta cudurrada faafa oo uu ka mid yahay xannuunkan Coronavirus ee albaabada u wada xidhay caalamkii oo dhan.

Xalku waxa uu yahay in dowladda iyo dadweynaha uu mid walba dhankiisa ka soo baxo, isla markaana sida ugu habboon u fuliso waajibaadka saaran, cid walbana si fiican u gudato shaqada loo xilsaaray. Dadweynaha ama muwaadiniinta waxa ku waajib ah inay cashuuraha si fiican u wada bixiyaan, una hoggaansamaan awaamiirta iyo nidaamka dowliga ah, halka dowladdana laga doonayo inay si caddaalad iyo sinnaan ah ugu adeegto bulshada, cashuuraha ay muwaadiniintu bixiyaana si loo maamulo si u adeegaysa horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dowladdu waa inay kasbato aaminaadda dadka muwaadiniinta ah, la dagaalantu musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo-kiilka. Dowladnimada ama nidaamka dowliga ah waa shay ay wada leeyihiin dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool dalku, mucaarid iyo muxaafidkana si siman oo caddaalad ah ugu wada adeegta.

W/Q: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.