W/Q. Suxufi:Barkhad-ladiif M. Cumar.

Dacwadda ay Madasha wadatashiga ka gudbiyeen go’aanka labadda sanno  loogu kordhiyey Baarlamaanka waa fursad sumcadii Somaliland ku lahayd beesha caalamka lagu soo celin karo, waa haddii loo fahmo dhinaca fiican oo aannay xukuumaddu u arag talaabo lagaga soo horjeedo.

Ma jiro Dal keligii istaagi kara oo xidhiidhka dunida iyo inuu yeesho saaxiibo ka maarmi karaa , Somaliland waa sidaas oo kale,  sida aynu ognahay laba arimoodba dalalkii aynu saaxiibka la ahayn way inagu dhaliileen. arrinta la xidhiidha in dadka layska xidh-xidho iyo arrinta labaad oo ah muddo kordhinta labada sanno ee aan lala tashan dadkii ay khusaysay ee qaybta ka noqonayay nidaamka geedi-socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka, kuwaas oo ah axsaabta mucaardka oo aan waxba laga weydiin arrinta muddo kordhinta, sida ay ka dhawajiyeen labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ee ay u markhaati fureen golaha guurtidu markii ay muddo kordhinta samaynayeen, waana labada arimood ee sumcadii iyo qayimkii ay Somaliland ku lahayd beesha Caalamka hoos u dhigi karta, isla markaana ay ku waayi karto saaxiibo caalamka ah oo badan oo ku taageereeyay dhabbaha geedi-socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka iyo kuwo kale u  doodi lahaa.

Somaliland waxay lahayd saaxiibo badan, balse ixilligan waxay u muuqdaan kuwo ay kasoo baxayaan dhawaaqyo muujinaya niyad jab ay sabab u tahay siyaasada ay xukuumaddu u dhaqmayso iyo sida ay dalalka iyo saaxiibada taageera Somaliland la doonayeen oo ah mid kaaf iyo kala dheeri ah.

Somaliland waxay mar gaadhay in tusaale loo soo qaato oo dalal badan oo Afrika loogu faanno in dal aan aqoonsi lahayn ay doorashooyin kala duwani ka dhacaan oo aannay deero deero u hirdiyin, isla markaana ay ka dhaceen Lix doorasho oo ay ku jiraan saddex doorasho madaxtooyo, Laba doorasho galayaal deegaan iyo tartan Ururo siyaasadeed oo loogu gudbayay Xisbiyo iyo hal doorasho Baarlamaan.

Qoraalkii u dambeeyey ee ay soo saareen beesha caalamku waxa uu ahaa kii ugu adkaa ee ay Somaliland kaga hadlaan, sidaas darteed si sumcadda Somaliland beesha caalamka loogu iibiyo waa in fursaddan ay keeneen Odayaasha madasha wadatashiga loo arkaa talaabo wanaagsan,.

Waxaana suurtagal ah in haddii labadan arrimood mid la qaado ay soo celinayaan sumcaddii Somaliland ku lahayd fagaarayaasha caalamka.

  1-  Haddii maxkamadda sare dacwaddan eegto, isla markana markay ka doodaan soo saaraan in go’aankii Guurtida ee muddo kordhintu ahayd khalad oo aanay jirin sabab loo kordhiya, sidaa darteed soo jeediyaan in go’aankaasi laga noqdo ama laga laabto .
2- Qodobka labaad inuuu Madaxweynuhu aqballo go’aanka maxkamadda sare, isla markaana wixii hor taagna doorashooyinka uu go’aamiyo inuu dhamaynayo muddo sannad ka yarna doorasho ku qabto.

    Haddii labadaa qodob oo keliya ay ku kala dhaqaaqaan maxkamadda sare iyo madaxweynuhu waxay noqonaysaa dhacdo cajiib ah oo loo qaaday dhanka horrumarka iyo ilaalinta sharciga iyo fulinta kelmadii ololaha lagu gallay ee ahayd, “sharciga ayaa sareeya”, waxayna dhacdadaasi ina gaadhsiinaysaa caalamka oo dhan oo marna war caalamka gaadha ayey noqon,  marna waa la falanqayn doonaa oo waxa la odhan doona waa dal sharcigiisa illaaliya.

    Illaahay xaqa hayna garansiiyo oo haynagu hannuuniyo tubta toosan.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network

By:Barkhad-ladiif M. Cumar.