Dhirtu waa laf-dhabarta nolosha Aadamaha,
By. Mustafe Mohamed Nor dheereeye

Muuqaalka Jiingada lagu shido dhirta dhuxusha laga dhigayo

Muuqaalka Jiingada lagu shido dhirta dhuxusha laga dhigayo

Nolosha naflaha Eebe koreeye u abuuray ayaa dhamaantood ku xidhan calafka ka soo baxa dhulka aynu ku uumanahay

Cuntooyinka kala duwan ee aynu maalin walba quudano ayaa dhamaantood isugu xidhan si meerto ah oo mid waliba ay xidhiidh la leedahay ta kale oo hadii mid meesha laga waayo aanay kuwa kale jirayn raashinku dhamaantii waxuu ka soo baxaa dhulka aynu ku noolahay waxaanu u qaybsamaa noocyo badan

Cadka caanaha iyo sharaabkuba waxay ku xidhan yahiin dhirta iyo daaqa ka soo baxa dhulka hadaanay xoolahu helin dhir iyo doog ay cunaan ama dugaaga lagaga oodin ma noolaan karayaan

dhinaca kale dalagyada ay ka midka yihiin Hadhuudhka, Galayda, Bariiska Heeda iyo khudradaha kala duwan hadaanay helin deegaan fayo qaba oo la ilaaliyay waxaa dadkeena ku dhici doonta cunto la,aan sababta macaluul ama gaajo baahsan

Nolosha dadka Somalida ahi waxay inta badan ku tiirsantahay deegaanada miyiga ah oo ay inooga yimaadaan dhamaan cuntooyinka aynu ku noolahay waxaana laf dhabar u ah xoolaha iyo beeraha

Waayahan danbe waxaa hoos u dhacay dalagyadii ay beeri jireen beeralaydu wakhtiyo badan oo ina soo dhaafay ayaaynu suuqyadeena ka iibsan jiray midhaha ka soo go,a dalkeena waxaanu inagu joogay qiimo jaban dadka beeralayda ahna waxaa ka soo geli jiray dakhli, nasiib darooyinka inagu dhacay waxaa ka mid ah dadkii wax beeri jiray oo noqday sidii magaalooyinka in ay sugaan midho meelo kale looga soo waarido

Maalin walba waxad magaalooyinka ku arkaysaa Baabuur xamuul ah oo ku raran kudaarta yar yare e bilaha kooban ku baxda sida Tamaandhada,Basasha,Kaabashka oo laynooga soo waarido wadamada jaarka iyo wadamo aad inooga fog fog ba

waxaa kale oo iyana dhibaato weyn inagu haya deegaanadii xooluhu ku tarmi jireen oo layska wada ootay isla markaana aan waxba laga beerin oo xoolahahii dhulkaa daaqi jiray ay waayeen meel ay wax ka cunaan

Muuqalka geed jka badbaaday dhuxusha

Muuqalka geed jka badbaaday dhuxusha


Xaalufka iyo nabaad guurka xawliga ku socda ee dhulkeena waxaa sabab u ah gumaadka dhirta ee aan loo aabo yeelin, geedahii bir ma gaydada ahaa hadii uu qoyanyahay iyo haduu yaryahayba hadaad u baxdo meelaha miyiga ah waxaad waayay saa geedahii waaweeynaa dhamaantoodna waxaa laga shiday dhuxul, geedahii kale ee bedeli lahaana iyaga oo qoyan ayaa la jaray oo la gaagaabiyay jiingado iyo biraha aad sawirkan ku arkaysaana waa jiingadaha lagu hoos shido geedahaasi qoyan.

Xaalufka iyo lama degaanku inta badan way ku yaryahiin meelha kaymaha iyo dhirta dhaadheeri ku badantahay waxaanay soo jiitaan roobabka deegaanadaasina waxay noqdaan meel ka bad qabta abaaraha iyo baad la,aanta

Ugu danbayntii waxaan ku talinayaa xukuumad iyo shiciba in laga hawl galo dhirta iyo deegaankeena aan gacanteena ku dabar jaray hadaan la joojin waxaa marag ma doon ah in uu dhulkeenu noqon doono lama degaan

Wabilaahi tawfiiq
mustafe Mohamed Nor dheereeye mdhereye1@gmail.com