W/Q: Anwar M Cabdalla

Ku .Madaxweynaha qaranka

Ku.Gudida qabanqabada 18 May

 

ma jirtaa maalin qaranimo dal leeyahay oo la bedelay dabaal degeeda inaga Somaliland ka hor, ama wadamada islaamka oo ay ku hagaagtay Ramdaantu ?

Waxaan u sheegayaa la Taliyayaasha Madaxweynaha iyo inta ka ag dhaw waa qalad dal maalintii ay lahaayeen loo  raro, ama loo bedelo maalin kale,  waa mucjiso miyaynu ka noqonay somaliland hadaynu malintii aynu isla qadanay ee 18 may aynu badali karo macanaheedu waa qodob dastuuri ah oo la jabiyey !

Maha wax la aqabli karo calan dalkiisi jooga oo malintii dhalshadiisa maalin kale loo badalay maxa ku jaban haday ramadaan tahay waa su’aal , waxa dhici doonta in nin waliba maalinta uu doono u dabaal degi doono .

Waxa jir qurba jooga duruufo ku gadaaman oo mararka qaarkood suurtagal aan u noqon inay 18 May  dabaal degaan, ama xusaan.  sababtoo ah calanku dalkisii ma joogo iyaga oo ku beegaya maalinta shaqada ay fasaxa ka yihiin ee ugu dhaw 18 May, marmar qaar waxay u dabaal degaan 21 , ama 17 ama 15, iyadoo ay sabab u tahay 18 May oo ku haggaaga maali  shaqo , hadaba calanku miyaanu wadankisii joogin haday Bisha barakaysan ee Ramadaan ku haggaagto iyo haddii wax kasta dhacaan, xataa haddii masiibo qaran dhacdo in dad ka loo sheego sababta mooyee maalinta xigta iyo wiiga xiga toona looma dabaal degi karo.

Bal arrintan Dastuur jebinta ah dib ha loo eego hadaad doonto waxa ku furan inaad tidhaahdo Ramadaan waxanu ku badalay in dalka loo duceeyo intaas, ayaa ka mudan inaad tidhaahdo 15 bisha ayaynu  dabaaldega u qabanaynaa xafladii 18 May .

I am sorry in dawladeenu in aanay fahmi karin qiimaha ay leedahay 18 May oo ay u qateen inay maalinta ay doonan loo dabal degi karo.

Ma dhici karto mana qabo in dastuurka sidii la doono loo dhigi karo .cidan ka qaranka nasisa hadad doonto lakiin sabab ma noqon karto waa Ramadaan .
Waddamada islaamku ma bedelaan maalinta qaranimadadoda jawaabteedii waa Maya Maya Maya

Anwar M Cabdalla
Hargeysa/Somaliland