Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qormo kooban oo ka hadlaysa taariikhda hijrigaa iyo aasaasiddeedii, baahiyaha keenay in la sameeyo taariikh u gaara islaamka, iyo ahmiyadda ay ku leedahay islaamka dhexdiisa.

Taariikhda Hijrigaa waa maalin tiriska kaalandarka bulshada islaamka, kaas oo loo soo gaabiyo AH.Halbeegga loo adeegsado taariikhda hijrigaa waa dayaxa oo sanadkii 12 jeer dhulka ku wareega maalin ahaanna noqonaaya 354 maalmood sanadkii, halka taariikhda miilaadiga ah halbeegeedu yahay cadceeda oo dhulka ku wareegta halmar sanadkii, maalmo ahaanna noqonaysa 365 maalmood.Taariikhdani waa mid ku salaysan dhaqan diini ah, soona bilaabantay 24-September-622kii miiladiga kuna beegan maalintuu nabi Max,ed (NNKH) ka hijrooday makka una anba baxay magaalada madiina isagoo ka baxsanaaya dilka reer makka u qorsheeyeen.

AH waxa la jideeyey xilligii maamulka muslimiinta uu hayey cumar binu khadaab, iyadoo ay keentay baahi ahayd qoraalada badhasaabada dawladda islaamku ay usoo qori jireen cumar binu khadaab oo ahaa kuwo aanay ku qornayn taariikh, maadaama aanu islaamku hore u lahayn mid u gaara, taasina waxay keentay in la garanwaayo goorta qoraalkan lasoo diray, waxaana loo baahday in la helo taariikh islaamka u gaara, ugu danbayna waxa talo guud oo islaamku yeeshay laysku raacay in laga bilaabo maalintii nabigu makka kasoo baxay una soo baxay madiina.

Tirsiga taariikhda hijrigaa waxay islaamka ku leedahay muhiimad balaadhan oo la xidhiidha gudashada waajibaadka Alle waxaana kamid ah; bilaha xurmada leh oo kala ah Muxaram, Dulxaj, Dulqacda, Rajab.Waxa sidoo kale kamida bisha gudashada waajibaadka xajka, maalinta caashuura, maalinta carafa, ciidaha islaamka, soonka lixda casho ee bisha shuwaal, ciidda todobaadka ee maalinta jimcaha, laba maalmood oo ilaahay loo gudbiyo camalka addoonka (Khamiista & Isniinta), maalmaha dayaxu dhamaystiran yahay (Ayaamul biid) oo kala ah 13aad,14aad iyo 15aad oo muslimiinta loo jideeyey soon sunne ah.

Ugu danbayn taariikhda miilaadigaa waxay ku salaysantahay mid diini ah oo la xidhiidha dhalashada nabi Ciise(CS), waxaana aasaasay baadari lagu magacaabi jiray Sandy Gregory. Adeegsiga tirsigan magac ahaan waxa loo yaqaanaa Gregorian Calendar, dadka aqoonta u lehna waxay sheegaan inaanay sax ahayn goorta laga soo bilaabay taariikhan oo ay tahay mala-awaal saxsanaanta ka fog. Sidaa darteed waxa haboon maadaama aynu dad muslimiina nahay inaynu adeegsano kuna dedaalno taariikhda hijriga ah.

W/Q: Yuusuf Muuse Cabdullaahi ( Eng.Amuur)

Xariri1@hotmail.com

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda Tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.