Kaftan baan moodayay hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi uu ka jeediyay July 25, 2019 xafladii lagu furayay shirkada Dahabshiil Hyundai Motors, halkaas oo uu kaga dhawaaqay inuu u iibinayo laba gaadhi oo ah kuwa raaxada ee qaaliga ah labada gudoomiye ee Wadani iyo Ucid.

Balse kaftan may ahayne waxay noqotay xaqiiq dhab ah in labadaas gaadhi oo qiimahooda lagu qiyaasay ilaa $ 76,000 oo dollar ay dowladu iibisay. Way mudan yihiin in la maamuuso gudoomiyaasha labada xisbi mar kasta maadaama ay yihiin gudoomiyayaal xisbiyo qaran balse isla xisaabtanku waa lama huraan. Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe waa gudoomiyayaal xisbiyo mucaarid.

Ma jiro xil ay ummada u hayaan oo lagula xisaabtamo, balse cida lala xisaabtamayaa waa Madaxweyne Muuse iyo xukuumadiisa oo lagu aaminay cashuurtii laga soo ururiyay dadka danyarta ah ee sicir bararka, diifta abaaraha iyo dhaqaale bur-bur ku habsaday.

Akhriste, waa yaabe!! In iyadoo wadanku ku jiro xaalad dhaqaale oo aad u xun in xukuumadeenu cashuurtii  yarayd si xun u maamusho, kuna kharash garayso baabuurta raaxada.

April 13, 2019 goor fiid ah ayaan booqday cisbitaalka guud EE Hargeysa oo wax ka yar 2 kilometer u jira madaxtooyada Somaliland. Qof ehelkayga ah oo qaliin lagu sameeyay ayaan cisbitaalka ku booqday. Waadh ka mid ah waadhadhka bukaanka qaliinka ee ragga ayaan galay.

Waadhka gudihiisa kulayl iyo huur ayaa ka jiray oo marawaxaduhu may shaqaynayn (eeg sawirkan aan ka soo qaaday waadhka).

Dad badan ayaa furaashyo iyo saliyo u yaaleen banaanka hore ee waadhka oo sida la ii sheegay ahaa ehelada bukaanada iyo bukaanada qaarkood oo xamili la’aa kulaylka waadhka gudihiisa ka jiray.

Hadaba midkee mudan in gaadhi raaxo oo ah Hyundai ama Landcruiser lagu iibiyo lacag dhan 38,000 oo dollar oo ah lacagtii ummada?

Ma waxa mudan in lagu daryeelo cisbitaaladeena  dhaqaale xumadu ka muuqdo? 

Ma waxa mudan in riig lagu kireeyo oo ceelal loogu qodo reer miyiga abaaraha iyo biyo la’aantu dhibaateeyeen?

Gabagabadii, Madaxweyne Muuse Biixi ma ka leexday dariiqii hore? Mise wali wuxuu hayaa dariiqii hore ee cashuurta masaakiinta laga soo ururiyay la musuq-maasaqayay, laguna iibsanayay baabuurta raaxada?

Mohamud Sh Abdi Yusuf (Geedwareershe)

Minneapolis, Minnesota, USA

Email: geedwareershe@gmail.com

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkani wuxuu ka turtumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.