Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. ayaa xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaaladda Nayroobi.

Alla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid waxaa magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya loo qaaday Jimcihii 26-kii Bisha December, ka dib markii Khamiistii ka horaysay dhaawac culusi ka soo gaadhay Shil Baabuur oo ka dhacay duleedka magaaladda Berbera. Marxuumka waxaa la keenayaa magaaladda Hargeysa oo manta qabanqaabadda Aaskiisu ka socoto Salaasada Bari 30-ka Bisha, waxaana lagu aasi doonaa Xaabalaha Xeedho haddii Alla Idmo.

Marxuum Maxamed-rashiid waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaaday Somaliland, iyadoo uu goor wal iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashadda iyo in dadku fikirkooda si xor ah u dhiibtaan.

Eebe ha u naxariitee marxuumkan oo kartidda Eebaha sareeya ee hufani u dhaliyay awgeed, u muuqday Dayrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha dib ayaynu taariikhdiisa oo faah-faahsan ka soo gudbin doonaa.

Ka hor soo gudbinta taariikhdaas aan soo fool-tabiyo horaanta suugaan Baroor diiq ah oo ay tixdii koowaad bilowgeedda na soo gaadhsiisay Abwaan Nimco Aadan Hurre. (Nimco Gabaydo.)

Waxay tidhi.

Ifku geeddi weeyaan

Gabal-dhiciyo waaberi

Laga guurayaayoo

Adoomaha ku guud nool

Qofba galab ka hoydee

Allaylehe nin gob ah iyo

Halyay garasho dheer iyo

Muumin ruuxa gool-moon

U gargaari jirayoo

Ka weynaa gankiisiyo

Maanta Geesibaa baxay

Garabkayga taagnaa

Gacmo-madhan Alahayow

Adaan kuu goglanayaa

Naxariis gu weyn iyo

Raxmaddaada aan gudhin

Godolkeeda siiyoo

Qabrigiyo ku guulee

Godka aakhiruu tagay.

Nin Garaad wacnaayoo

Guddi jiray abaalkoo

Gali jiray markiisiyo

Hanad- lagu goblamay iyo

Maanta geesi baa baxay

Garabkayga taagnaa

Gacmo madhan Allahayow

Adaan kuu goglanayaa

Naxariis gu weyn iyo

Raxmaddaada aan gudhin

Godolkeeda siiyoo

Qabrigiyo ku guulee

Godka aakhiruu tagay.

Gurmad nin u ahaan jiray

Birma gaydadiisiyo

Mahuraanka gaabshoo

Qofka dhibi ay gaadhaba

U gargaari jiray iyo

Maanta geesi baa baxay

Garabkayga taagnaa.