maadhiin Tayuub
Maaha wax lala yaabo in Madaxweynuhu inuu xukuumadiisa ku sameeyo isku shaandhayn iyo xil ka qaadis, waxay ahayd wax iska caadiya in saqdii dhexe xafiiska Madaxwaynaha ay kasoo baxdo xilka qàadis iyo magacabis, waxay ka mid tahay wajibadka Madaxweynaha iyo awoodahadastuurku siiyay.
Hase yeeshee waxa inagu cusub in Madaxweynuhu xilka ka qaado, isla markaana magacaabo Maayar, ama Guddoomiye gole shicibku soo doortay oo ku yimi doorashada Madaxweynuhu ku yimi mid la mid ah.
Inkasta oo Dastuurku awood iyo mamuusba u kala badiyay, amma Kala siiyay Madaxweynaha madax golayaasha, haddana golayaasha waxa doorta oo xilka ka qaada shacabka, marka ay mudadoodu dhamaato, haddii aanay jirin sababo xeerku tilmaamay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa awood dheeraad ah oo dastuurku siiyay marka ay yimaadaan xaalado ku sheegay oo tilmaamaya marka ay yimaadaan inuu kala diri karo Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka.
Golayaashu, waxay bulshada iyo qarankaba u hayaan waajibaad shaqo oo kala duwan, balse waxa wax lala yaabo ah in Guddoomiye Gole Deegaan oo lasoo doortay muddo shan sandood ah, isla markaana ahaa Maayar Gobol dhan xukumayay oo ay shacbigu soo doorteen xilkii uu hayay ku bedesho mid loo magcaabo oo saacado ka dib, isagoo aan lahayn wax maamuus ah la eryi karo, waxa muuqata in Maayarka Gebilay aanu marka horeba ahayn nin garanaya masuuliyada uu hayo, taas oo sababtay inuu aqbalo xilka loo magcaabay, sidaa awgeed waxaan Madaxweynaha usoo jeedinayaa inuu golayaasha deegaanka u daayo shaqadooda.

By. Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub)

madhin77@gmail.com