Waxqabdka Aan Ka Sugayno Komishanka Cusub Ee Tamarta Somaliland

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Midowgii Shirkadaha laydhka Caasimada Somaliland ee Hargeisa waxaa sameeyay xeer ay soosaartey Wasaaradii Macadanta Tamarta Ee Xukuumadii Madaxweyne Siiraanyo taas oo uu Wasiir ka ahaa Xuseen Cabdi Ducaale, midowgii Shirkadaha laydhka Caasimadu wuxuu soo maray wajiyo badan lakiin ugu danbayntii wuxuu iskugu soo biyo shubtay Shirkad la magac baxday Sompower.

Shirkadda Sompower oo ka kooban badiba Shirkadihii laydhka ushidi jiray Caasimadda ayaa xataa waxaa ka mid ah oo ku jira Hayadii korantada dawladda oo magaceeda la odhan jiray Hargeisa Electric Power Station taas oo ay wareejisay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siiraanyo oo waqtigaa talada dalka haysay.

midowgaa iyo isku soo ururka ay samaynayeen shirkadaha laydhku waxaa jiray shirkado kale oo iyaguna laydhka bixiya islamarkaana saluugay midowgaa shirkada laydhka.

Shirkada Somepower iyadoo halkaa ka duulaysa islamarkaana saluugsan Shirkadaha kale ee ay isku adeega bixiyaan ee ka soo horjeestay inay la midoobaan waxay ka soo wareegtay ama ay soo kaashatey Wasaaradii macadanata iyo Tamarta isagoo wasiirkii markaa joogay Mudane Xuseen Cabdi Ducaale soo saarey wareegta uu ku mamnuucayo in xadhiga laydhka la jiido ama bir cusub laga taago meel aanay hore uga shaqayn jirin shirkadaha diidey ama ka soo horjeestay inay la midoobaan shirkadda laydhka ee Somepower.
Joojinta iyo xayiraada la saarey laydhku waxay samayn weyn ku yeelay Bulshada Caasimada iyadoo dabakii ama laydhkii Caasimadu noqday mid kooto ugu xidhan shirkad gaar ah, taas oo sababtay in dadkii la kulmaan cadaadis badan oo kaga yimaada xagga shirkadda iyo qiime aad usareeya oo ay ku helaan adeega korantadda.

Kadib markii ay doorashadii 2017 ay ka dhacday dalka isla markaana uu ku guulaystay jagada Madaxweynenimada Mudane Muuse Biixi Cabdi Bulshada Caasimadu waxay rajjo weyn ka qabtay in Madaxweynuhu waxa ka qaban doono koronto la’aanta ka jirta caasimada, iyadoo uu Jiro khilaaf u dhexeeyay shirkaddaha Laydhka , waxayna mid ka mid ah shirkaddaha Laydhka ee Hargeysa ka Biyo diiday magcaabista Wasiirka cusub ee Madaxweynuhu u magcabay Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta, iyagoo ku eedaynayay inuu masuulkaa oo ah Jaamac  Maxamuud Cigaal  oo ay ku eedeeyeen inuu qayb ka yahay SOMPOWER  walaw aan la xaqiijin eedayntaa oo wasiirku beeniyay Marar badan.

Maxaynu   Ka Filaynaa Komishanka Cusub Ee Tamarta Somaliland

Horaantii bishan aynu ku jirno ee Jully waxa uu madaxweynuha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu magaacaabey Komishan Tamarta Somaliland isla markaana uu Guddomiye u yahay Axmed Faarax Cadare, Komishankan oo baahi weyn loo qabey islamarkaana ay hawlo badan u yaalaan ayaa lagu diirsaday magaacaabistooda isla markaana ay bulshada badankoodu soo dhawesay haw badnaadaan dadweynaha ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeisa.

Komishankan cusub sida la sheegay waa mid madax banaan,  islamarkaana aan hoostageyn Wasaaradda Macadanta Iyo Tamarta oo ah wasaaradda ay u xayirantahay laydhka Caasimada shirkad kaliyaata.

Waxaanu rajjaynaynaa inuu Komishankan Tamartu qaado talaabooyin ay u horeyso kala xadaynta dabka shirkada laydhka iyadoo la ilaalinayo nafaha dadweynaha lana fasaxo laydhkii inta badan xidhnaa suuqana laga dhigo mid xor ah.

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine