Oday baa la waydiiyey uducee inankaaga, markaasuu yidhi u ducayn maayo, habaarina maayo. Waayo, iga mutaysan. Siyaasiyiinta maanta iyo Muuseba  u ducayn mayno habaarina mayno. Waayo nagama mutaysan. Keliya waxaynu ducayn karnaa ama habaari karnaa  markay ka dhabeeyaan wixii ay shacabka u ballan qaadeen wakhtigii Olalaha doorashada.

 

Wakhtigii  cod-bixinta waxa bulshada lagu maaweelinayey  ballan-qaad iyo in mid walba dhankisa wax walba wanaajin doono. Xukumadda madaxwayne Muuse soo dhisaayo weynu ka dhursugi shacabkuna waxay  dhiiq-doba way ka dhuri. Aad shacabkuna waxay isha ugu hayaan maanta tayada iyo tabarta ay yeelan karto xukuumadda uu soo dhisi doono madaxwayne Muuse Biixi isaga iyo ku-xigeenkiisu.

 

Xukuumaddihii hore waynu ka war qabnay siday ahaayeen, Ayax ayaad moodaysay. Bulshada Somaliland maantana way ka ilbaxday ballan-qaad been ah oo lagu maaweeliyo. Xukuumadduna waxay meteli doontaa shacabka, shacabkuna waxay noqon doonaan kuwa ay xukuumaddu u shaqeyso sidoo kale iyaga uunbaa qiimayn kara.

 

Muuse maanta shacabkiisu maxay uga fadhiyaan haddaba?

 

Qof walba oo muwaadin ah maanta wuu og yahay waxa uu ka sugaayo madaxwaynihiisa cusub iyo xukuumadda uu soo dhisaayo. Qof walba oo reer Somaliland ah maanta waxa uu maanta ku hayaa in uu helo dhammaan wixii loo ballan qaadey. Muuse wuxuu shacabka tiraba dhowr jeer ugu soo celiyey in waxa ugu badan ee uu ka shaqeyn doonno isaga iyo xukumaddiisu ay tahay sarraynta sharciga. Maanta madaxwayne 70% bulshada Somaliland waxay tirsanayaan caddaalad darro – xukuumadda maanta jirta iyo kuwii ka horreeyeyba waxay ahaayeen kuwo lagu hungoobey! Waayo; maanta madaxwayne lagaaga warami maayo in qandaraasyada dawladda ee masiiriga ah, lagu saxeexo Aqal hoostii, in haddii aad hanka siyaasaddeed leedahay lagu yaqaano,  lagu bedelayo hunguri (shilimaad yar), in waddanku ku jiro xaalada tii ugu cuslayd oo ah;  in bulshadu tahay mid ka rejo beeshay caddaaladii iyo sharcigii. Tusaale; dad badan, ayaa manta  jeelaasha ka buuxaan bilaa maxakamad la’aan. Tusaale, waxa wacan in lagu dhaqmo sharciga qofkana haddaan denbi lagu helin 24 gudahood in xoriyadiisii loo soo celin karo. Taasina ma dhacdo madaxwayne. Muwaadinka oo la xidhaayo xisaab la’aan maxay ka dhigan tahay. Xaalada caafimaad, sicir – barar, waxbarasho iyo biyo la’aan ee waddanku maraayo ciddi kaga warrami mayso.

Madaxwayne shacabkii ku doortay iyo kuwii aan ku dooranba waxay kaga fadhiyaan in aad fulliso wixii aad ballan-qaaday. Kaagama baahna in aad raacdo wadadii uu qaaday saaxiibkaa Siilaanyo oo maanta xilkiisu gabaagbsi yahay. Isbedelku waa waxa qudha ee aad maanta ku hirgelin karto wixii aad umaddan u ballan-qaaday.

 

Madaxwayne fikirkaaga ballaadhi oo haw fekerin si hankaaga yaraynsa, haddii aad u fikirto sidaa, hadhaw ha canaanan naftaada marka aad aragto adiga oo fashilmey.

 

 

Waad ka warhaysaa madaxwayne in maanta habaaska laga  tumay qabyaaladda, dhaqanxumada iyo fasahaadka. Ninba ceesaantii ceel keen. Shacabku waxay kaa sugayaan sidii aad arrimahaasi wax uga qaban lahayd.

 

 

Ugu danbeyntiina waxaan Madaxwayne kuu soo jeedin lahaa; in aad tayayso shaqaallaha  Dalka gaar ahaan dhanka xirfadda iyo aqoonta, musharka,  Iyo in aad yarayso oo aad joojiso iska daba keenkaka shaqaallaha ee tiro beelay, waana inaad oggaataa in aanay taasi tayo keeni karayn.

 

Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.

Email: mohoomer@gmail.com

Facebook: Mohmoud Osmaan